Welcome to Cowslafil.com

BBC Somali

BBC 11:00 - 11:15
BBC 14:00 - 15:00
BBC 16:00 - 16:15
BBC 18:00 - 18:30
Xaflad Qalinjebin...
Get your Free Videosi

Xawaaladda Dahabshil
Somali Links
A
B
baidoa 
Buurhakabo.com 
Bulsho  
C   
Cows La Fil 
Cadaado 
Cadayga 
Calayaale 
Cayaaraha 
Ceelbuur 
CRD 
cigonet.co   
D
Diilhare.com
Dir Era 
daawo 
dawanpress 

doolo 
deeyoo 
darwiishland
dayniile.com
 
 
Aaway Qarankii! Aaway Somaliya! Aaway Dalkii & Dadkii!!!!!!......

   
septemper-23-08 Cowslafil , Mogadishu, Somalia .
 

War aaway Soomaaliyadii shalay madaxweynaha, calanka, shirkadaha dayuuradaha, bangiyada iyo saraakiisha iyo wax walba lahayd aaway? War ma waxaad moodeen inaan la idin la yaabayn kuwa iska ordaya ee talada xumow? War yaa noo raadsha oo godka nooga soo saara ninkii Maxamed Siyaad ahaa ee (Aabe Siyaad) isku magacaabay. Wuxuu rabaaba ha isku magacaabe wuxuu ahaa kuwan nin aad u dhaama oo waliba ka wadanisan kana heer sareeya.

Shalay markuu maamulku xumaaday oo ninkii Madaxwaynaha ka ahaa uu 21 sano ka dib dalkii uu noqday dal tartiib tartiib u geeriyoonaya oo sidii casrul jaahiliga: nal la ,aan, nabad galyo la,aan, caafimaad darro, biyo la,aan, cunto darro iyo mustaqbal xumo oo uu gadaal gadaal dib u ugu gurta y waxa qof walba oo Soomaali ah gashay i nuu dalku is badal ka dhaco waliba is badal dhakhso ah.

Haddaba ummadi sidaas ugu baahnayd is badalka, maxaa dhacay markuu Maxamed Siyaad meeshi ka tagay? Maxaa Cali Mahdi oo madaxweyne isu caleemo saaray loo diiday inuu madaxweyne noqdo? Maxaa Caydiid sanka looga qabsaday? Miyeysan iyaguba Somali ahayn oo aysan xaq u lahayn iney dalkooda hogaamiyaan.

Waxaad halkaas ka garanaysaa Soomaali iney nasiib darantahay sababtoo ah kuwii shalay Dawlada ahaa laakiin wax kharibayay hadey meeshii ka tageen, waxaa la filayay in wax la saxo oo hab Dawladeed oo rasmi ah uu meesha yimaado. Laakin waxa socda ee mataga iyo saxarada ah miyeysan ogsoonayn kuwa ku dhex jira ineysan da dka Soomaaliyeed waxaas oo kale ka akhrisanayn ? Kuwaa si se iyagu miyeysan dan ka lahayn Soomaaliya?

Midda kale hebel baan ahay goorma Somaliya wax lagu noqon jiray? Hadaad se tahay maxaa aniga iga galay? Yaa dan ka leh hadaad tahay Hawiye? Hadaad tahay Sacad? Hadaad < FONT class=EC_misspellet>tahay Majeerteen? Hadaad tahay Abgaal? (who cares). Waxaasaan aqaan! Waxaasaan qaban kara ummad dhexdeed la garay, laakin cidda kaa akhrisanaysa hebel baan ahay waa cidma? Goormaa Somaliya dhexdeeda Hebel baan ahay koob shaaha alle haka dhigee lagu cabi jiray? War dadkani maxay ahaayeen ee ay shalay ku qarsoonaayeen?

Qofka u dhashay qabiilka Hawiye ee ay Soomaalinimo ku jirtoow waxaad is waydiisa meesha aad maanta Hawiyinimo ku tagi karto ama waxa aad ku heli karto Hawiyinimo ama waxa ay goyso Hawiyinimo? Hawiyaan ahay koob shaah ah ma goyso, kumana cabi kartid. Yaase dan ka leh cida aad adigu tahay ama aad u dhalatay? Goormey shahaado sharaf ahaan jirtay cida loo dhasho?

Hawiyinimo hadey jirto shalay iyo maantaba kuwii lagu xasuuqayay Banaadir iyo Hiiraanba waxay ahaayen Hawiye oo cidda xasuuqaysay waxay ahayd Hawiye. Arrintan waxa watay nin waalan iyo kuwo la mid ah oo aan aragti dheer lahayn oo aan Somaliya dan iyo muraad toona ka lahayn oo doonayay iney ku awr kacsadaan oo ay ku dan gaaran mooye e ujeedo kale oo ka dambaysay ma aysan jirin.

Maantana waxaa badalay kooxo yidhi dalka ayaanu xoraynaynaa, oo madfacii ay tuuraanba iyago ku wada Itoobiyanka uu ku dhaco cariish ay dad Soomaaliyeed oo masaakiin ah ku jiraan, marka dadka dagaalada noocas ah ku jira soo dad ay hawo waalani martay ma aha, war ileen anaga wax arki jirnay, hadaad bari xorayso dalka, wax faa,ido ah ma keenayso, waayo inta la dilay ama la gawracay ayaaba ka badan inta barakacay, waxa kaliyah ee meesha ku dhimanayaa soo qarankii Soomaaliyeed maaha, aaway Somaliya hadii sidaas loo fikirayo.

Qofka wali wax aan jirin kusii madax adeegayaw adlee waaye! Hadaad dabada ku dhaganaato baabur aan dhaqaaqayn oo waa hore baaba,ay oo barkiisa ciida ku jiro adiga ayaa ka kow ah inta uu waqtigu ka lumayo. Maantaba 18 sanaa ayaa kasoo wareegtay markii la bilaabay cuqdado iyo hawo waalan oo aan jirin oo la isku akhriyay oo Somaliya lagu burburiyay, halaag wax aan ahayn oo laga hayana ma ay jirto.

War Itoobiyaan maxaa dalka keenay? Yaa u yeedhay ee baas? Maxaase loogu yeedhay?

Dadkan Itoobiyaanka soo kaxaystay miyeysan ogsoonayn maskaxda noocaas ah ee ay wataan waxa kaliya ee ku dhimanaya iney tahay Somaliya iyo qofka maskiinka ah ee Soomaaliyeed. Somaliya oo hadda 18 sano balaq aan nuuxsanayn ahayd miyaa hadana la hor wadaa Itoobiyaan iyo wax baas oo Ilaahay nacay.

Dukhsigu wuxuu qurunka ugu jiraa dantiisa! Hadey Soomaalinimo jirto ma Cabdullahi Yuusuf ayaa la oran laha madaxweyne ha inoo noqdo oo ha ina maamulo? Dawladii Siyaad Barre oo 1977kii ahayd Libaaxa Afrika ee waagaas xooga lahayd oo qararmsatay Itoobiya, Majeerteen oo kaliyah oo kacay sow ma ay dawladii dhamayd ligligin oo ma aysan ka shaqaysan kari wayday, ma ninkaasa maa nta ina maamulaya, miskiin iIlaah baa u maqan ee taas hala ogaado. Ninka ina maamulaya sow ma aha ninka sidaas u garshada yar.

Ummada Soomaaliyeed waxa ay doonaysa waa Dawladnimo iyo maamul daacad ah ee maaha tuugaysi, maroorsi, bililiqaysi, dil, dhac, suuq madaw, danaysi iyo waxyaalaha wasakhda ah ee maanta socda.

Dadku ma aha kuwo sidii liinta ama canbaha geedo ka baxa oo markiibaa booskooda la buuxin karo. Maanta xagee loo raadin dadkii tirada badnaa ee Saraakiisha, Culimada, Aqoonyahadanad, Dhakhaatiirta, Ardayda, Pirifisoorada, iyo wax walba ahaa ama aqoonta lahaa ee ku wada naf waayay dagaaladi sokeeye iyo xasuuqan imika socd a. Imisa qof ayuu Cabdullahi Yuusuf u xiiray? Imisa qof ayaa la gawracay? Waxay ila tahay in qaran kii Soomaaliyeed u dhamaatay , waa hadii aan laga waantoobin xaarantan la xalaalsaday.

War maxaa damacdeen? War ma waxaad damacdeen inaad Somaliya u dhamaysaan oo ay dunida ka masaxanto? Mise dadkuba dad ay xaaranta iyo xalaashu u kala soocantahay ma aha?

Maxamed Siyaad oo lawada ogyahay in uu Dawladnimadii ummada Soomaaliyeed burburiyay oo qaranimadii ummada Soomaaliyeed dhulka ku jiiday ayuu kaaga daranka markii danbana bulaacada ku xooray, soow ma ah marka inuu Cabdullahi Yuusuf iyo waxa la halmaala hawaystaan inay dalka maamulaan, iyo maamul aan jirinba oo lagu kala guuray.

Maalintii talo ku xumaatay Cabdullahi Yuusuf oo uu Itoobiyaan dalkii ku fasaxay, waxaa markiiba soo yeertay yaa Soomali ah? Yaa Muslim ah? Soomaali? Soomaalidee? Ma kuwii doonyaha soo raacay, ee kasoo baxsaday dabkuu ka shiday dalkii hooyo, war ninkan waalani muxuu ahaa, cahadkan baasi xaguu nooga yimi?

Marka hore Cabdullahi Yuusuf waa nin hore (Yesterdays man), waa nin kasoo jeeda siyaasiyiintii lixdankii (Man of the 60s). Sidaas awgeed, wax uu maanta kusoo biirin karo Somaliya oo faa,ido ah khasaaro mooye ma ay jirto. Dunidu waa mid wakhtiga la socota oo hadba waayaha la talaabasanaysa. Dunidu waa duni hore u socota.

Cabdullahi Yuusuf waa nin kasoo jeeda ciidan iyo hab milletary oo Soomaaliyana waa ay aragtay hab milletary waxa uu yahay, dib u jeeso, laba kaclayn, hob jac, dhabar jabin, kala qalajin, figeyn, amar qaado, dib haso eegin, amar diido, toogasho, tiir geyn, u tuuto gashasho, laba gadoon, godka ku rid, is qaniinsii, gacmo goyn iyo wax ala wixii ibtilo ah ee Ilaahay dunidan aynu ku kor noolnahay dhigay.

Waa nin qabiil gubay ama olaliyay oo ay gashay kaadh (card) qabiil wax ku noqo oo hungurigiisu siiyay inuu wax ku noqon karo. Waa nin daadiyay dhiigii qaaliga ahaa ee ummadiisa. Kuwuu Ilaahay ka dhigay Soomaali oo ah kuwii wax lagu noqon lahaa ama wax loo noqon lahaa. Waa nin cadawga ummada Soomaaliyeed ee waligiis loo tababari jiray ka hortagiisa u tagay oo sirtii qaranku iska lahaa bixiyay. Waa nin dhinac walba maskax ahaan, tala ahaan, siyaasa ahaan iyo caafimaad ahaanba kharaf iyo faaruq ka noqday. Waa nin meesha uu Ilaahay aadamiga uuska iyo maskaxda ugu riday, uu kan kaga riday jahli iyo xasad.

Cabdullahi nin waligiis soo taagnanaya ma aha, ee waa nin nabsi uu dabada ka wado iyo aargoosasho qabiil Soomaaliyeed, oo kol uu maanta Puntland iyo meel uu ka baxayo aado uun, waa nin wakhti ay noqotaba dhaafi doona ummada, ummaduna ka nafisi doonto duligii, dilkii, gumaadkii iyo matagii dul saarna shacabka Soomaaliyeed. Wax kasta oo uu sameeyay waa uu heli doona jasaa,igeeda ama aduun buu ku helaya ama aakharo ayeey ka go,an tahay oo uu eedi doona dhibaatooyiinka faraha badna oo uu ummada u gaystay.

Haddaba Cabdullahi Yuusuf maanta waa nin da, ah oo aan ka yarayn Fidel Castro. Soomaalidu waxay tiraah : Geeriyi hadey ku deyso, gabow baan ku deyn. Waxaaba marka dhici karta inuusan muddo dheerba inala sii joogin Korneylku. Waxaana haboon inuu isaguna ummada Soomaaliyeed cafis waydiisto ummadduna iska cafiso haduu geesinimadaas la yimaado.

Hadii aan usoo noqdo mawduuca, maanta wax lagu wada hadlaa ma yaalo meesha, oo dee Soomaali dhimatay! dhimatay! Ilaah mooye cid sheegi karta sida mustaqbalku isu badali doono mooye, cahad ama ruux kale oo sheegi karaa ma jiro. Waa sugayna in booguhu buskoodaan oo miyirku soo noqdo, maanku badalo waalida maanta socota ee lagu jiro.

Waa sugayna in Dawlad taam ah oo xukunta dalka oo dhan la helo oo waliba cadaalad wax ku xukunta cadaaladna ku dhisan, ileen imika Dawladii dhamayd ee Somaliya waxay xukuntaa oo kaliyah gobol ka mid ah gobolada Soomaaliyeed oo ah Banaadir iyo agagaarkiisa, xagey kaloo xukuntaa, iyo Baydhabo meel aan ahayn, xageee kaloo laga ictiraafsanyahay, Woqooyina hadalkiisaba iska daa!

Waa sugayna in Soomaali is wada cafiso oo la isa saamaxo ileen lama kala maarmee, kooxaha Islaamiyiinta waa sugayna sida ay wax yidhaahdaan hadii ay Amxaar dalka ka saaran, waa sugaynaa maamul wanaagsan oo heersare ah, waa sugayna in miyirku noo soo noqdo oo koomadi lagu wada jiray laga tooso, waa sugayna in ummada mar kale dib isugu soo noqoto oo gacmaha la is qabsado, waa sugayna in Ilaah noo gargaaro.

Somaliya in dib loo soo celiyo ma aha arrin u taala Qaramada Midoobay iyo wixii la halmaala, waxay u taala oo ay ku waajib tahay qof ala qofkii magaca Soomaali ku abtirsada in uu maanta ka shaqeeyo Soomaalinimo, qaranimo, wadaninimo iyo walaaltinimo.

Abdikarim Ahmed Huseen skyword268@hotmail.com email: cowslafil@cowslafil.com.

 


Somali News.
Dastuurka...

Shir Looga hadlayey.

TFI Somali Republic.

Xaflad Balaaran oo

Xaflad Balaaran oo lagu xusayey Munaasabada 1Luulyo..


Khudbad uu soo ..


Heshiis Khartuum.

Soora Lo,Anella.

Xaflad Balaaran.

Xaflad Soo Dhoweyn