|

Sida caadiga ah ummadaha muslimiintu waxay leeyihiin laba ciidood oo si wayn looga xuso dhammaan wadamada islaamka ee dunida ku gadaaman ee bari ilaa galbeed is garab daadsan labadaasi ciidood mid waa ciidul fitrida oo timaada bisha ramadaan dabadeed halka ciidul adxaa ay ka timaado xajka ka dib. Hadaba iyada oo aan iminka ku jirno ciidulfitriga ayaa jaaliyadda beesha qubeys ee UK si farxad iyo damaashaad leh ku soo dhaweeysay ciidulfitriga.
Munaasabadaas aan loo kala harin oo ay ka soo qeyb galeen bulshada qeybaheeda kala duwan sida dhallinyaro iyo waayeel, carruur iyo cirroole, rag iyo dumar oo lagu xusayo ciidul fitriga oo ka dhacday galbeedka London Taariikhda markay ahayd 12/09/21010.
Munaasabaddan oo ay soo qabanqaabiyeen iskuna soo dubba rideen guddiga Jaaliyadda Beesha Qubeys ee UK oo aan in Muddo ah iyada oo kale aysan ka dhicin DALKA UK ,ayaa ka soo qeyb galayaashii xafladaan waxaa wajiyadooda ka muuqatay Farxad iyo yidiilo aan qiyaas lahayn taasoo ka turjumeysay sida ay maqsuud oga ahaayeen Kulankoodaan .
Sida caadadu ahayd beesha Qubeys Shirka waxaa lagu daah furay Aayadaha Quraanka Kariim ah inoo akhriyay Qaarigii da'da yaraa sheikh Yonis L.
Waxaa billowday intaas ka dib Muxaadaradii loogu tala galay maalintaas farxadda iyoo qiimaha leh waxaana muxaadaro aad u qiimo badan ka soo jeediyay sheikh xaashi isagoo ku nuux nuuxsaday sheekha muhiimada ay leedahay in ay muslimiintu u dabaal dagaan maalintaas ciidda ah .
Intaas ka dibna waxaa hadalka la wareegay Mr.Liibaan Cismaan Cosoble oo isagu ah Guddomiyaha jaaliayadda beesha Qubeys ee UK. isla markaana shir guddoominayay wuxuuna yiri waxaan halkan salaan iyo Tahniyadba uga dirayaa gabi ahaanba ummadda muslimiinta gaar ahaan soomaalida, waxaanse si gaar ah ugu tahniyadaynayaa dhammaan beesha qubeys dal iyo dibedba kala jooga, Waxaanan leeyahay ciid wanaagsan ILaahayna waxaan inooga rajaynayaa ciidan ciideeda inuu bash bash iyo barwaaqo joogto ah inagu gaadhsiiyo,wuxuuna intaas sii raaciyay isagoo hadlka soo koobaya
Waxaa kaloo halkaas ka hadlay guddommiye xigeenka kowaad Mr. Maxamed Culusow oo halkaas ka soo jeediyay Muhiimadda xafladaani leedahay wuxuuna yiri :waxaa daliil kuugu ah baaxadda dadka isugu yimid xafladdan, isagoo ku boorinaya ciidda soo socota in la qabto xafladaan mid ka weyn ,wuxuu kaloo si qoto dheer uga faalooday xafladda galabta la isku yimid iyo muhiimadda gaarka ah ay u leedahay beesha qubeys iyo sida uu ugu faraxsan yahay.
Waxaa sidoo kale halkaasi ka hadlay Caaqil Xasan Aadan Shirwac oo guddiga jaaliyadda beesha qubeys ugu hambalyeeyey waxsqabadka ay u soo bandhigeen kuna booriyay inay halkaas ka sii wadaan .
Waxaa isna halkaas ka hadlay Mr.Axmed Cabdi Mataan oo ah xubin firfircoon oo si toos ah ugu heelan waxqabadka beesha Qubeys kartidiisa iyo isku wadidda Tolka ay tahay mid aan caadi aheyn maashaa Allah , kana midka ahaa xubnihii sida weyn u hirgaliyay guddigaan ka dhisan dalka UK.
Xaflada waxay ku soo gabagabowday jawi farxad leh iyo is fahan iyo hididiilo horleh oo gashay dhamaan ka soo qaybgalayaashii munasabadaas Waxaana halkaas si gaar ah loogu mahadceliay dadkii soo qabanqaabiyay xafladaas.
cowslafil,news,network (CNN)
email: cowslafil@cowslafil.com
|