|

Waxaa cirka isku shareeraya maalinba maalinta ka dambeysa khilaafka u dhaxeeya Madaxweyne Shariif iyo Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid, iyadoo ay soo baxayaan in khilaafka labada mas’uul lugaha la sii gelayaan Golayaasha Baarlamaanka iyo Wasiirada, halka markii hore ay isku khilaafeen arrimaha dastuur u sameynta dalka iyo dhaqdhaqaaqyada guddiga madaxa bannaan oo isagu qoraallo ka dhan ah xukuumada Cumar C/rashiid u gudbiyay Q/Midoobay iyo hay’adaha hoos taga ee taageeraya hirgelinta dastuurka.
Ra’iisal Wasaaraha Dowladda KMG ah Md. Cumar C/rashiid oo haatan ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa wareysi uu siiyay laanta afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da waxa uu si cad uga hadlay khilaafka u dhaxeeya isaga iyo Madaxweyne Shariif inuu ka ballaaran yahay inta horay u shaac baxday.
Waxa uu sheegay Md. Cumar C/rashiid inuu Madaxweynaha ka dambeeyo qorshe lagu ridayo xukuumadiisa isla markaana abaabulkaasi ay wadaan qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka oo iyagu u ololeynaya inay xukuumadiisa kalsoonida kala noqdaan.
“Madaxweynaha ayaa wada in xukuumada la rido, taasina waa lagu hungoobaa” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha oo sheegay in mudada bilaha ah ee u haray xukuumada la doonayo inay waxqabad muuqda la timaado, hase yeeshee waxa uu tilmaamay Md. Cumar C/rashiid in isagu uu aaminsan yahay xilligan in dalka loo sameeyo dastuur, taasi oo uu sheegay in xukuumaddu ay heleyso madax bannaani oo ay ku maamulaneyso deeqaha ay ka hesho caalamka.
Dhinaca kale Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid waxa uu sheegay in xukuumadiisu dadaal ugu jirto sidii ay mushaaraad joogto ah u heli lahaayeen ciidamada Dowladda oo uu sheegay in caqabada ugu weyni tahay kala go’a mushaarada ciidamada ku yimaada.
cowslafil,news,network (CNN)
email: cowslafil@cowslafil.com
|