Welcome to Cowslafil.com

BBC Somali

BBC 11:00 - 11:15
BBC 14:00 - 15:00
BBC 16:00 - 16:15
BBC 18:00 - 18:30
Xaflad Qalinjebin...
Get your Free Videosi

Xawaaladda Dahabshil
Somali Links
A
B
baidoa 
Buurhakabo.com 
Bulsho  
C   
Cows La Fil 
Cadaado 
Cadayga 
Calayaale 
Cayaaraha 
Ceelbuur 
CRD 
cigonet.co   
D
Diilhare.com
Dir Era 
daawo 
dawanpress 

doolo 
deeyoo 
darwiishland
dayniile.com
 
 
Dowladda KMG Soomaaliya oo ku wareejisay Garoonka iyo Dekadda magaalada Muqdisho Shirkad lagu magacaabo (SKA) Air Logistics..

   
4-sep- 2010 Cowslafil , Mogadishu, Somalia .
 


Dowladda KMG Soomaaliya ayaa muddo toban sanno ah u saxiixday Garoonka diyaaradaha iyo Dekadda Muqdisho in ay maamusho shirkad caalami ah oo lagu magacaabo (SKA) Air Logistics, iyadoona saddexda mas’uul ee ugu sareysa dowladda Soomaaliya ay qalinka ku duugeen in shirkadaasi ay gacanta ku heyso labada ilood ee muhiimka ah.


Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya Sheikh Shariif Sh. Axmed, Ra’isal Wasaare Cumar C/rashiid iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa iyagu kulan gaar ah la qaatay madaxa shirkada (SKA) Air Logictics Mr. Douglas, iyadoo la sheegay in qodobada ay ku heshiiyeen ay kamid yihiin, in ay Garoonka iyo Dekedda Muqdisho horumariyaan, isla markaana u dhameystiraan wixii ka dhiman ee qalab ah.


Sidoo kale maamulka gudaha ee Dekedda iyo Garoonka ayaa la sheegay in ay shirkaddaasi la wareegi doonto, waxayna sidoo kale u madax bannaan tahay in ay heshiisyo la gasho amaba iyadu hirgeliso ayna dalka keento dhammaamba qalabka ka maqan.

Waa markii ugu horeysay oo shirkad heer caalami ah ay maamusho kaabayaasha dalka, iyadoona dowladdan KMG ah ay noqotay dowladdii ugu horeysay ee iyadu isku dayda in ay shirkado caalami ah heshiisyo kula gasho horumarinta kaabayaasha muhiimka u ah dalka Soomaaliya.

Si kasta ha ahaatee dowladda KMG Soomaaliya ayaa si aad ah ugu tiirsaneyd dhaqaalaha kasoo baxa labadaasi meel ee Garoonka diyaaradaha iyo Dekadda Muqdisho .

cowslafil,news,network (CNN) email: cowslafil@cowslafil.com

 


Somali News.
Dastuurka...

Shir Looga hadlayey.

TFI Somali Republic.

Xaflad Balaaran oo

Xaflad Balaaran oo lagu xusayey Munaasabada 1Luulyo..


Khudbad uu soo ..


Heshiis Khartuum.

Soora Lo,Anella.

Xaflad Balaaran.

Xaflad Soo Dhoweyn