|

Warar hoose ayaa sheegaya in shalay Garoonka Duyuuradaha ee Magalada Muqdisho loo diiday in uu ka dhoofo Ra'iisul Wasaaraha Somali Mr Sharma'arke .
Ciidamada AMISOM ayaa ku amartay Masuuliyiin uu hogaaminayay Cumar C/rashiid Ra'iisul Wasaaraha Somaliya in aysan dalka ka bixi karin taasina ay tahay amar kasareeya AMISOM .
Dib u Celenta lagu Sameeyay Ra'iisul wasaaraha ayaa Anfariir ku riday madax badan oo ka tirsan Xukuumadiisa kuwaasi oo la socday xiliga garoonka loo diiday in uu gudaha u galo .
Sarkaal magaciisa diiday in la shaaciyo ayaa Diirad u sheegay in ay la xariirto dib u soo celinta Cumar C/rashiid amar uu bixiyay madaxweynaha kaasi oo ahaa in ay madaxda dalka aysan ka dhoofin Muqdisho tan iyo inta ay dagalada istagauyaan .
Masuuliyiinta Dowlada aya u hanqaltagaya dhamaantooda qaabkii ay uga dhoofi lahaayeen Muqdisho mada ay ku soo dhawaatay Rasaasta Al-Shabab .
Al-Shabab ayaa warbaahinta ka iclaamisay in ay Toogan doonaan dhamaan Madaxda Dowlada KMG meelkasta ay ka daganyhiin Muqdisho kadib falkii naxdinta la haa ee ka dhacay Hotel Muna .
Cabsi farabadan ayaa la soo daristay Masuuliyiinta Dowlada gaar ahaan xildhibaanada iyo shaqsiyaadka Xilalka hoose ka hayaan Dowlada ay u dhaaratay Al-Shabab isla markaana aysan heysan Ilaalo gaar u ah oo amaankooda ilaalineysa.
gasho diirad xicowslafil,news,network (CNN)
email: cowslafil@cowslafil.com
|