Shirka EU development Days oo muddo seddex maalmood ah ka socday magaalada Brussels ee dalka Belgium ayaa waxaa si rasmi ah uga qayb gashay Saida Sheikh Ahmed (VIP) oo iyadu si rasmi ah loogu casumay.

Louis Michel iyo VIP
Shirkaas oo looga hadlaayay Governance ayaa waxaa ku soo uruurey madax kala duwan oo ka kala socday caalamka sida ;18 Hogaamiye oo Afrikaan ah, oo iskugu jira Madaxwayneyaal iyo Ra'iisul Wasaare intaba, iyo waliba dadyoow kala duwan oo ka mid ah dadka ugu magaca dheer adduunka hadday ahaan lahayd dadka saxaafada iyo qabiirada. Shirka oo ahaa mid aad la iskugu waydaarsanaayey fikrado kala duwan oo ku lug leh horumarinta ayaa la isku dhaafsaday fikrado kala duwan, oo si ad adag loo wadaagay. Saida VIP oo ka mid ahayd ka qayb galaayaasha sida rasmiga ah uga qayb galay shirkaas ayaa intii ay goobta ku sugnayd ka qayb gashay dhowr Side Events oo ku garab socday shirwaynaha iyadoo markii ugu horeysay ku biloowday Role of the Media in Promoting Governence halkaasoo ay isku arkeen saxafiyiin iyo qabiiro arrimahaasi ay isla goobeeyeen, iyadoo ay halkaasi Moderator ka ahayd Femi Oke oo ah gabadha ka aqrisa CNN barnaamijka Inside Africa, Waxaana halkaasi lagu lafo gurey sida ama doorka saxaafada kaga aadan kaalinta Dowlad Wanaagsan Waxaa sidoo kale ku sugnaa halkaasi Salim Amin oo ah Agaasimaha CAMERAPIX, iyo Tumi Makgabo oo hore ugu tirsanayd shaqaalaha CNN haddana ah Communication Manager 2010 World Cup.Wada hadallo kala duwan kaddib ayey VIP kusoo qaaday Femi Oke in ay ballaariso barnaamijka Inside Africa oo ay ku darsato barnaamijka dalka Soomaaliya oo ay tiri waa dal warbixino qaldan mar kasta laga maqlo ayna wanaagsan tahay in ay CNN ta ka hadasho soona baarto xaqiiqado ka jirta dalka .
Hadddii aadan awoodin inaad shaqaale u dirtaan gudaha Soomaaliya waxaan idiin heli karaa shaqaale Soomaali ah oo warbixinta idinkaga soo dira gudaha dalka' ayey tiri VIP oo ugu danbayntii u mahadcelisay dhamaan dadkii goobtaasi joogay

VIP iyo Femi Oke

VIP iyo Tumi
VIP iyo Salim Amin
Dhinaca Kale Ayaa waxaa halkaasi Saida VIP kusoo dhoweeyay Mudane Louis Michel oo ah Mas'uulka Gudiga Midoowga Yurub u qaabilsan Arrimaha Gargaarka Bini'aadamka iyo Horumarinta, isagoo ku yiri waxaan aad ugu faraxsanahay inaad kazoo qaybgasho shirkaan oo aad waliba magacii Soomaaliya halkaan ku hayso Belgium waa in ay kuugu faanta sidoo kale Soomaaliyana, maxaa yeelay waxaad haysaa shaqo la taaban karo. Halka uu sidoo kale soo dhowayn diiran halkaasi ku guddonsiiyey Saida VIP Agaasimaha Waaxda Horumarinta Midoowga Yurub Mr. Stefano Manservisi.

Siyaasi Madax Banaan Diallo, VIP iyo Stefano
Ugu danbayntii ayey VIP wada hadal halkaasi ku yeesheen Madax kala duwan oo Afrikaan iyadoo ugu horeyntii ay halkaasi kula hadashay Mudane Melez Zenawi kuna tiri Mudane Zenawi waxaan kaa rajaynayaa in aad la saanqaado xaqiiqada Soomaaliya ka jirta. Waxaa ay sidoo kale hadalo is dhaafsadeen Madaxwaynaha Rwanda Mudane Paul Kagame oo ay isku qaadeen in ay jiraan wax badan oo ay wadaagaan dadka Soomaaliyeed iyo dadka reer Rwanda iyagoo sheegey in ay jiraan wax isku soo jiidaya labada shacab.

Kegame iyo VIP
Dhanka kale waxaa ay halkaasii VIP isku gacan qaadeen arrimo badan oo danta dalka Soomaaliya iyo xiriirka labadaooda dal ku saabsan Madaxwaynaha dalka Uganda Mudane.

Yoweri Museveni iyo VIP
Ugu danbayntii waxaa ay Saida Kusoo af jartay kulamadii ay la yeelatay dadka kala duwan iyo shirkaasi ka qaybgalkiisa kulan ay la yeelatay Ku Xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Xiriirka Caalamiga ah ee dalka Italia Marwo Patrizia Sentinelli oo ay ka wada qaabka ay uga wada shaqayn karayaan Horumarinta Soomaaliya.

Patrizia iyo VIP
Saida VIP oo saxaafada la hadlaysa ayaa tiri Waxaan u taaganahay inaan buuxiyo boos kasto oo ay Soomaaliya ka maqan tahay waaana usoo dhicin doonaa kaalinta dalkayga Kursiga Soomaaliya ilaa si rasmi ah loo helo Hogaan caadil ah waan kusii fadhin doonaa Soomaaliya ma joogin meeshaas kama soo yeeri doonto haddii aan ka ag dhawahay Waxayna u mahadcelisay madaxda Midoowga Yurub oo ay I tiri waxay mar kastaa ii suurogaliyaan in ay iga kaalmeeyaan inaan ka qayb qaadan karo wax u tarida dalkayg.
Cowslafil.com
|