Welcome to Cowslafil.com

BBC Somali

BBC 11:00 - 11:15
BBC 14:00 - 15:00
BBC 16:00 - 16:15
BBC 18:00 - 18:30
Xaflad Qalinjebin...
Get your Free Videosi

Xawaaladda Dahabshil
Somali Links
A
B
baidoa 
Buurhakabo.com 
Bulsho  
C   
Cows La Fil 
Cadaado 
Cadayga 
Calayaale 
Cayaaraha 
Ceelbuur 
CRD 
cigonet.co   
D
Diilhare.com
Dir Era 
daawo 
dawanpress 

doolo 
deeyoo 
darwiishland
dayniile.com
 
 


Waxgarad iyo siyaasiin fara badan oo u dhalatay Dowlad goboleedka Udubland ayaa baryahanba waday shirar isdaba joog ah oo looga arinsanayo sidii loo taaba galinlahaa maamulka cusub iyadoo la ogsoon yahay ineey jiraan canaasiir aan jecleen ineey dadka deeganadaas u dhashay horemur gaaraan kana tashadaan aayahooda balse taas waxaad hada moodaa in aay dadka deeganadaas ka soo jeeda aay go'aan ka qaateen.

Ku dhowaaqista maamulkaan ayaa kusoo aaday iyadoo aay jiraan loolan badan oo loogu jiro sidii loo boobi lahaa deegaanada Udubland ka tirsan balse hada taas ayaa u muuqata mid aan socon doonin maadaama aay dadkii u dhashay deeganadaas u istaageen ineey ka tashadaan aayahooda inkastoo aay had iyo jeerba jiraan kuwo calooshood u shaqeeystayaal jecelna ineey dulaal ka noqdaan waxeey xaqa u lahaayeen kana doorbidaan ineey noqdaan basaasiin u tagaan ineey kala fur furaan wixii iyaga ka hor istaagi karo shaqadii aay mudo kusoo noolaayeen laakiin hada waxay u muuqataa in talaabo cad laga qaadi doono cidii aan ka waantoobin amuurtaas.

Aqoonyahanada u dhashay Udubland ayaa ku shiray meelo kala duwan oo ah dalka iyo dibadiisa waxayna isku raaceen in marwalbaa laga hortago caqabad walba oo ku imaan karta maamulka cusub laguna garab istaago sida uu howshiisa ee loo idmaday u gudan lahaa, iyadoo lagu garab istaagi doono talo aqooneen, mid maaliyadeed iyo mid awoodeedba waxayna intaa ku dareen ineey waajib ku tahay cid walboo u dhalatay Udubland ineey u diyaar garoowdo waxa socdo oo ah sidii loo wiiqi lahaa kana difaacdo deeganadeeda dugaagta faraha badan.

Ugu danbeyntii waxaana halkaas laga soo saaray qodobo dhowr ah oo quseeyo sidii loo taaba galin lahaa waxaana ka mid ahaa sida soo socota:

(1) in la doorto gudi horu marineed oo kasoo shaqeeya dhamaan isku xirka beelaha daga Udublandsi ay isaga kaashadaan xiriirka guud iyo wax wada qabsiga iyo dajinta tastuurka maamulka.

(2) in la dhiso gudi isku xira jaaliyadaha reer Udubland ee ku dhaqqan dalka dibadiisa si ay uga qayb qaataan kaalinta aay ku leeeyihiin maamulkan iyada oo la daneeynaayo cidwalba oo katirsan Udubland talo soo jeedinteeda iyo wax qabadkeedaba .

(3) inladhiso gudi kasoo shaqeeyo sidii loo heli lahaa hogaan uu yeesho maamulka Udubland.

4) in ladhiso gudi isku xira siyaasiyiinta ka tirsan dowlada TFG da ee uu hogaamiyo Mudane Farmaajo ee uu dhashay deegaanka Udubland iyo Xogaanka cusub oo uu yeelan doono maamulka Udubland .

(5) sidoo kale waa in ladhiso gudi caalami ah oo la shaqeeyo xiriirka caalamiga ah taas oo aay ujeedadeedu noqonayso in maamulkani uu noqdo mid caalamka laga ogsoonyahay iyo danaha maamulka oo ay gudigu gaarsiiyaan beesha caalamka.

(6) iyo in lahelo gudi ka soo shaqeeyo sidii loo abuuri laha dhaqaalo iyo mashaariic horumarineed oo uu ku taabo galo maamulka.

Ugu danbeeyntii ayaa halkaasi waxaa lagu soo gabagabeeyey in loo baaahan yahay in jaaliyadaha ku dhaqan dhamaan gobolada kala duwan ee uu ka kooban yahay dalka Marekanka aay sameeyaan kulan aay u dhan yihiin ama shirweyn guud si aay moowqifkooda u mideeyaan taageero buuxdana u siiyaan maamulka Udubland.

Qore Eng. Muxyadiin Sheekh cowslafil,news,network (CNN) email: cowslafil@cowslafil.com

 


Somali News.
Dastuurka...

Shir Looga hadlayey.

TFI Somali Republic.

Xaflad Balaaran oo

Xaflad Balaaran oo lagu xusayey Munaasabada 1Luulyo..


Khudbad uu soo ..


Heshiis Khartuum.

Soora Lo,Anella.

Xaflad Balaaran.

Xaflad Soo Dhoweyn