|
Axmed Oud Abdalla ayaa isagoo ka hadlayay xafladdii furitaanka wada hadallada kooxaha Soomaalida ku dhex maray xarunta madaxtooyada dalka Jabuuti shalay ayaa ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Axmed Oud Abdalla waxa uu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in hoggaamiyayaasha dhinacyada isaga soo horjeeda siyaasadda dalka Soomaaliya ay muujiyaan sida ay diyaarka u yihiin inay dalkooda ka saaraan dhibaatada uu ku jiro.
Xafladda furitaanka wada hadalkaasi ayaa sidoo kale waxaa ka hadlay waddamo badan oo dunnida ka mid ah sida ururka Midowga Afrika, Ururka Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub, iyadoo sidoo kale uu goobtaasi hadal dhiiragelin ah ka jeediyay ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.
Waxaa sidoo kale furitaankii shirkaasi ka hadlay wasiirka u qaabilsan dawladda Jabuuti hawlaha socodsiinta shirkaasi.
Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya wuxuu sheegay inuu dhiiragelin badan ka helay dhinacyo badan oo Soomaali ah oo si weyn ugu bogaadiyay hawsha aslaaxidda ah ee uu ka dhex wado dhinacyada Soomaalida, wuxuuna sheegay in Soomaalida dibadda ku nool ay aad u soo dhoweynayaan gaar ahaan dhallinyarada oo uu sheegay inay muujiyeen taageerada ay u hayaan hannaaka nabadda iyo sidii khilaafaadka ka jira dalka Soomaaliya loo dhamayn lahaa.
Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Axmed Oud Abdalla wuxuu xusuusiyay dadka Soomaalida ah inaan nabad iyo xasilooni la heli karin iyadoo aan wax tanaasulaad ah la samayn isla markaana aan lays cafinin, wuxuuna ugu baaqay dhamaan dhinacyada siyaasadda Soomaaliya inay dhameeyaan caqabadaha siyaasadeed si looga hortago masiibo bini’aadanimo oo ka dhacda dalka Soomaaliya.
cowslafil,news,network (CNN)
email: cowslafil@cowslafil.com
|