Welcome to Cowslafil.com

BBC Somali

BBC 11:00 - 11:15
BBC 14:00 - 15:00
BBC 16:00 - 16:15
BBC 18:00 - 18:30
Xaflad Qalinjebin...
Get your Free Videosi

Xawaaladda Dahabshil
Somali Links
A
B
baidoa 
Buurhakabo.com 
Bulsho  
C   
Cows La Fil 
Cadaado 
Cadayga 
Calayaale 
Cayaaraha 
Ceelbuur 
CRD 
cigonet.co   
D
Diilhare.com
Dir Era 
daawo 
dawanpress 

doolo 
deeyoo 
darwiishland
dayniile.com
 
 
Wafdigii ugu horeeyey ee ka socday isbahaysiga Dib U Xoreynta Soomaaliyeed oo soo gaaray magaalada jabuuti iyo shirqool........

   
may 08- 2008 Cowslafil , Mogadishu, Somalia .
 

Waxaa magaalada Jabuuti soo gaaray wafdigii ugu horeeyey ee ka socday isbahaysiga Dib U Xoreynta Soomaaliyeed oo u yimid wadahadalii la rabay in ay dhexmaraan ARS waa isbahaysigee iyo UN ka .

laakiin waxaa soo gaaray xafiiska Cowslafil in hadda la rabo si loo kala jebiyo Isbahaysiga in la yiraahdo waxaa la qabanayaa Xaflad oo lagu furaayo wadhadalada oo meel la isugu geeyo Labada garab Siyaasadeed ee dalka isku haysta siyaasadiisa oo kala ah Dowlad ku Sheega TFG iyo Isbahaysiga wadaniga ee u taagan dib u Xoreynta Soomaaliya..

Xubnaha Isbahaysiga ku sugan magaalada Jabuuti ayaa si kal furan gacanta ugu dhuftay shirqoolkaas iyagoo u sheegay sida sharciga waafaqsan in aysan ahayn wixii loogu soo heshiiyey Nairobi oo ay u yimaadeen jabuuti in ay wadahadalo la galaan UNka iyo Bulshada caalamka madaxdooda inta ka joogto waxayna si cilmi ah u sheegeen in uu ka soo horjeedaa Dastuurka Isbahaysiga oo leh wax wada hadal ah lama galayno inta dalka Ciidamada caddowga joogaan Dowlad ku sheega..

wuxuu dastuurka qabaa in aan la kullano lana fadhiisano cid kasta oo danaynayso nabad ku soo dabaalida Soomaaliya oo ay ugu horeyso UNka iyo Bulshada caalamka intooda Soomaaliya danaynayso wanaageeda..

Mida kale waxaa la damcay shalay xubnihii ugu horeeyey ee Isbahaysiga Dib U Xoreynta Soomaaliyeed markii ay soo gaareen Jabuuti in la dejiyey Hoteelka Caalamiga ah ee magaaladaas ku yaalo nasiib wanaag markey ogaadeen Xubnaha Isbahaysiga in Hoteelkaas uu yahay midka shirka ka dhacaayo labada garab dadka ka socdana la soo dejinaayo ayey ka soo guureen iyagoo sheegay in uusan waafaqsanayn dastuurka isbahaysiga in ay meel la degaan ama la fadhiistaan dabadhilifyada caddowga wararkan oo si hoose inooga soo gaaray dad si aad ah ugu dhow dhow arrimaha iyo wadhadalda Jabuuti ka dhacaayo. Ilaa iyo hadda waxaan la garanayn Xubnaha matalayo Isbahaysiga oo la sheegay in ay yihiin dad aad u heer sareeyo aqoon iyo garasho siyasadeedba leh balse aan lagu arag meelaha la isugu yimaado Hoteel khaas ahna la dejiyey sida warku nagu soo gaaray. .

cowslafil,news,network (CNN) email: cowslafil@cowslafil.com

 


Somali News.
Dastuurka...

Shir Looga hadlayey.

TFI Somali Republic.

Xaflad Balaaran oo

Xaflad Balaaran oo lagu xusayey Munaasabada 1Luulyo..


Khudbad uu soo ..


Heshiis Khartuum.

Soora Lo,Anella.

Xaflad Balaaran.

Xaflad Soo Dhoweyn