Welcome to Cowslafil.com

BBC Somali

BBC 11:00 - 11:15
BBC 14:00 - 15:00
BBC 16:00 - 16:15
BBC 18:00 - 18:30
Xaflad Qalinjebin...
Get your Free Videosi

Xawaaladda Dahabshil
Somali Links
A
B
baidoa 
Buurhakabo.com 
Bulsho  
C   
Cows La Fil 
Cadaado 
Cadayga 
Calayaale 
Cayaaraha 
Ceelbuur 
CRD 
cigonet.co   
D
Diilhare.com
Dir Era 
daawo 
dawanpress 

doolo 
deeyoo 
darwiishland
dayniile.com
 
 
Hay’adda Amnesty international oo beesha caalamka ka codsatay in baaritaan lagu sameeyo doorka ay dawladda Maraykana ku leedahay dambiyada dagaal ee Soomaaliya ka dhacay....

   
may 07- 2008 Cowslafil , Mogadishu, Somalia .
 

Hay’adda amnesty International oo 24-kii saac ee la soo dhaafay soo saartay labo warbixin oo ku saabsan xadgudubyada iyo dambiyada dagaal ee laga gaysanayo dalka Soomaaliya ayaa soo jeedisay hindise ah in beesha caalamka ay baaritaan ku sameeyaan kaalinta ay dawladda Maraykanka ku leeyahay xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha iyo dambiyada dagaal ee ka dhacaya dalka Soomaaliya.

Hay’adda Amnesty Internatinoal ayaa warbixino laga laga soo ururiyay dad Soomaali ah oo ka qaxay dagaalada Muqdisho in ciidamada Itoobiya iyo kuwa dawladda federalka Soomaaliya ay falal liddi ku ah xuquuqda aadanaha u geysteen qoysas shacab ah oo ka barakacay magaalada Muqdisho kuwaasoo ku dan darraysayn goobo ay deegaano ka dhigteen oo ku yaalla afaafka magaalada Muqdisho.

Amnesty International ayaa warbixinteeda ku sheegtay in gabar lagu magacaabo Haboon oo ka mid ah qoysaska ka barakacay magaalada Muqdisho ayay hay’adda u xaqiijisay in ciidamada Itoobiya ay kufsi wada jir ah u geysteen gabar 17 jir ah oo deris la ah, waxayna intaa ku dartay in wiilal la dhashay gabadha oo da’doodu u dhexeysay 12-13 oo isku dayay inay difaacaan gabadha walaahood ahna ay ciidamada Itoobiya baynaad kaga bixiyeen labada indhood.

Hay’adda Amnesty international ayaa sidoo warbixinteeda ku sheegtay dawladda Maraykanka ay tababarro siiso ciidamada Itoobiya, isla markaana ay dhaqaale ku bixiso hawl gallada ay ka wadaan dalka Soomaaliya oo ay ku dhibaataynayaan shacabka Soomaaliya, waxayna intaa ku dartay in ciidamada Itoobiya ay dagaalladii ugu dambeeyay ee dhex maray iyaga iyo xoogagga ka soo horjeeda ay gowraceen tiro dad ah oo u badan culimaa’udiin oo ay ku weerareen masjid ay ku cibaadaysanayeen.

Ugu dambeyntii hay’adda Amnesty International ayaa beesha caalamka iyo Midowga Yurub in baaritaan lagu sameeyo kaalinta uu Maraykanku ku leeyahay dambiyada dagaal ee ka dhacaya dalka Soomaaliya, sida u sheegay sarkaal ka tirsan hay’adda Amnesty Internatinal.

cowslafil,news,network (CNN) email: cowslafil@cowslafil.com

 


Somali News.
Dastuurka...

Shir Looga hadlayey.

TFI Somali Republic.

Xaflad Balaaran oo

Xaflad Balaaran oo lagu xusayey Munaasabada 1Luulyo..


Khudbad uu soo ..


Heshiis Khartuum.

Soora Lo,Anella.

Xaflad Balaaran.

Xaflad Soo Dhoweyn