|
Wasiirka maaliyadda ee xukuumada federaalka Soomaaliya Maxamed Cali Xaamud iyo Talliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaaladan Muqdisho ayaa sheegay in lacagta duuga ah iyo mida jeexan ee mudooyinkan dambe la diidayey ay tahay mida sharciga ah ee ay aqoonsan tahay dowladda federaalka Soomaaliya, loona baahan yahay iney dadku isticaamalaan..
Sidoo kale, Talliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa isna beeniyey in ciidanka boolisku ay geysteen dilka saddex ruux oo ka mid ahaa dadkii kumanaanka ahaa ee shalay magaalada Muqdisho ka dhigayey banaanbaxyada looga soo horjeeday diidmada lacagaha jeexan iyo kuwa Duuga ah..
Qeybdiid ayaa intaa ku daray in dilka dadkaasi ay ka dambeeyeen kooxaha dowladda ka soo horjeeda oo uu sheegay in taasi lagu ogaaday baaritaan uu sheegay in cidamada Boolisku ay ku sameeeyeen, wuxuuna sheegay in mid ka mid ah dadkaasi ay dileen kooxo bastoolado ku hubeysan xili uu ku sugnaa deegaan ku yaala duleedka degmada Madiina, iyadoo sababta loo dilayna ay tahay aabihii oo ka tirsanaa dadka dowladda u shaqeeya sida uu yiri, wuxuuna xusay in saxaafadda ay ka been sheegtay dhacdadaas iyo kuwii kale oo shalay dhacay, isla markaana ay u saariyeen i ciidamada Booliska.
cowslafil,news,network (CNN)
email: cowslafil@cowslafil.com
|