|
Wararka laga helayo degmada Bardaale ee gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in kooxaha ka soo horjeeda dawladda federalka Soomaaliya ay shalay la wareegeen gacan ku haynta Degmada Bardaale iyadoo aan wax iska hor imaad ah halkaasi ka dhicin kaddib markii ay halkaasi isaga baxeen ciidamadii maamulka degmadaasi.
Waxaa magaalad Darbaale durba ka dhaqan galay amarro ay soo rogeen masuuliyinta hoggaaminaysa xoogagga taabacsan maxkamadaha Islaamka kuwaasoo ay ka mid ahaayeen in dhammaanba la xiro goobaha aflaanta lagu daawado, joojinta qaadista canshuuraha iyo qaadidda waddooyinka la dhigtay waddooyinka soo gala degmada Bardaale.
Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in masuuliyiinta xoogagga taabacsan midowga maxkamadaha ay shalay gelinkii dambe meel fagaare kala hadleen dadka deegaanka iyagoo sheegay in qorshahoodu uu yahay sidii degmada Bardaale looga dhisi lahaa maamul islaami ah oo ka amar qaata Midowga maxkamadaha islaamiga.
Maamulkii dawladda ee degmada Bardaale ayaa isaga tagay halkaasi shalay kaddib markii ay ka war heleen in xoogaga ka soo horjeeda ay ku soo wajahan yihiin degmada, wuxuuna guddoomiyaha degmada Bardaale oo aan la ogayn halka uu ku sugan yahay sheegay in sababta ay isaga baxeen degmadaasi ay tahay iyagoo u naxay maatida ku dhaqan degmada Bardaale oo uu sheegay inay waxyeello ka soo gaarayso haddii uu halkaasi iska hor imaad ka dhaco.
cowslafil,news,network (CNN)
email: cowslafil@cowslafil.com
|