|
Maleeshiyo aan haybtooda la garan ayaa saacadihi ugu dambeeyay isku urursanayay deegaanka Caglibaax oo u dhexeeya degmada Afmadow iyo Jameeco Cabdulle oo ka wada tirsan gobolka Jubbada hoose kuwaasoo aan la ogayn sababta ay halkaasi isugu urursanayaan.
Maleeshiyada halkaasi isugu urrusanaysa ayaa waxay ku hubeysan yihiin qoryaha fud-fudud ee darandooriga u dhaca iyo gawaarida dagaalka iyadoo aan ilaa iyo hadda la ogayn ujeedada ay halkaasi isugu urursanayaan iyo waxa ay damacsan yihiin.
Maamulka Degmada Afmadow oo wax laga waydiiyay maleeshiyada isku urursanaysa halkaas ayaa sheegay inuu arrintaasi isagu maqlay, wuxuuna intaa ku daray in maleeshiyada ay yihiin dhallinyarada deegaanka, balse wuxuu ka gaabsaday inuu faah-faahin ka bixiyo ujeedada halkaasi ay isugu urursanayaan.
Wararka qaar oo aan la xaqiijin ayaa sheegaya in dhaq-dhaqaaq ay maleeshiyooyinkaasi ka wadaan halkaasi ay ka dambeysay kaddib khilaaf dhinaca maamulka ah oo ka dhashay maamulka degmada Afmadow iyo masuuliyiin ka tirsan isbahaysiga Dib-u-xoreynta Dalka Soomaalia oo halkaasi beryihii ugu dambeeyay ka waday qorshe ay maamul ugu samaynayaan gobollada Jubbooyinka.
cowslafil,news,network (CNN)
email: cowslafil@cowslafil.com
|