|
Ganacsatada Suuqa bakaaraha oo sheegay inay dhankooda billaabeen qaadashada shilinka Soomaaliga kiisa duugga ah ama jeexjeexeen ayaa weli mar kale ka codsanaya in TFG-da ay canshuurta kaga qaaato Shilinka Soomaaliga halka ay haatan doollar ku qaadanayaan..
Cali Dheere oo ah gudoomiyaha ganacsatada suuqa Bakaaraha ayaa idaacadda Shabeelle u sheegay inay kacodsanayaan dawladda ku meel gaarka ah inay lacagta kunka shilin Soomaaliga ah ee kasoo haray lacagta Soomaaliga ay dhankooda ka qaataan oo kiisa duugga ah ama jeexan ay canshuur ahaan uga qaadan ganacsata iyo shacabkaba..
TFG-da oo sheegtay inay shilinka Soomaaliga ah qaadan doonaan ayaan weli dakadaha kala duwan weli canshuurta kaga qaada dadka lacagta qalaad ee doollarka ah, taasoo oo keentay qiima dhaca shilinka Soomaaliga ku yimid iyo in mararka qaar la qaadan waayo maadaama aysan TFG-diiba canshuur ahaan u qaadanayn ee ay doollarka fudud doonayaan..
Shacabka ayaa ay isugu darsantay Gumaysi, barakicin, abaaro, samafal la'aan iyo shilinkii u haray oo ciriiri isana la geliyey taasoo u muuqata in markii dhibka laga badiyo la doonayo shacabku inay is dhiibaan, una quduucaan rabitaanka Itoobiyaha iyo quwadaha ka danbeeya.
cowslafil,news,network (CNN)
email: cowslafil@cowslafil.com
|