|
Wararka Meydadka dad reer guuraa ah ee la gowracey ayaa soo baxey ka dib markii ay ciidamo Ethiopian ahi meel xaley ay ku hoyden ka tageen saakey dadka oo tiradooda ay gaareyso illaa 10 ruux ayaa maanta laga helay deegaano miyi ah oo u dhexeeya Leego iyo Saladhicii Ciidamada Cirka Soomaliya ee Bali Doogle inta u dhaxeysa iyo tuulooyin ka fogba.
Dadka hadimada gowracaa ay u geysteen ciidamada Itoobiya ayaa saaka laga soo kala qaadey deegaano howd ah oo ku yaala nawaaxiga degmada Wanle weyn, waxaana dadkaasi ay ahaayeen kuwo isugu jira xoolo raacato iyo beeraley ku noolaa tuulooyin yar yar oo halkaasi ku yaala, waxaana la sheegay iney u tageen ciidamo Itoobiyaan ah oo ka careysan qasaraaha soo gaaray, kuwaasoo caro darteed u gowracay dadkaasi, iyadoo lagu soo waramayo in dad kale oo tiradoodu ay gaareyso illaa 15 ruux la la’yahay meel ay jaan iyo cirib dhigeen kuwaasoo loo maleynayo iney ku jiraan gacanta ciidamada Itoobiya ama la dilay..
Yaab iyo cabasi is wata ayaa soo foodsaarey Dadweynaha ku dhaqan degmada Wanle weyn ee gobolka
Dhacdana Ma ahan markii ugu horeysay ee ciidamada Itoobiya ay ku dhaqaaqaan gowraca dad aan waxba galabnsan ee waxaa ka horeysey tii dhowaan ay ciidamada Itoobiya ku galeen masaajidka Al Hidaaya ee magaalada Muqdisho ay culumo sedan oo kale ugu gowraceen aad u farabadan .
mahadsanidiin
gudoomiyaha golaha guurtada beelaha direed Axmad Maxamd Barre .
cowslafil,news,network (CNN)
email: cowslafil@cowslafil.com
|