|
Ex-xaruntii Maslax oo ku taala duleedka deegaanka Suuqa Xoolaha degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho ayaa Duhurnimadii maanta waxaa dib ugu soo laabtay ciidamo Itoobiyaan ah oo wata illaa 11 gaari oo u badan kuwa loo yaqaano Uralka.
Sida warku sheegayo ciidamadan Itoobiyaanka ahaa ee yimid Ex-xeradii maslax ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa saaka ka soo dhaqaaqay degmada Balcad oo maalintii shalay ay yimaadeen ka dib markii ay muddo labo cisho ah soo joogeen magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe.
Ciidamada Itoobiya ayaa Markii ay yimaadeen xeradii Maslax waxaa guud ahaan la xiray ganacsi yar yar oo ka jiray Suuqa xoolaha, waxayna bilaabeen rasaas ay ridaaan hareeraha xaruntaasi, taasoo keentay in dadkii fara ku tiriska ahaa ee goobahaasi ka dhowaa ay ka kala cararaan, lamana oga illaa hadda ujeedada ay ciidamada Itoobiya halkaasi ugu soo laabteen.
cowslafil,news,network (CNN)
email: cowslafil@cowslafil.com
|