|
Xiliyada Fiidnimo ayaa waxaa ku soo batey dhaca laga geysanayo magaalada muqdisho oo ay geysanayaan Ciidamada DFS iyadoo ay ugu danbeysey xalay oo ciidamo ka tirsan kuwa milateriga Dowladdafederaalka Soomaaliya ay dhac baahsan oo saf mareen ah kula kaceen qaar ka mid ah goobaha ganacsiga ee ku yaala wadada nasiib buundo ee degmada Shibis..
Ciidamada oo aan qabain wax cabasiya ayaa ka koobnaa illaa lix askari oo ku hubeysnaa qoryaha fudud ee loo yaqaano Ak-47 ayaa gudaha u galay goobo ay ka mid yihiin Intrenet caffe, maqaayad laga cuno cuntada fudud iyo dukaamo kale, kuwaasoo ay ka qaateen lacago iskugu jira Shilin Soomaali iyo dollar iyo qalab kale oo ay ka mid yihiin mobilada aad u fara badan kuwaasoo iska dhaqaaqay iyadoo aysan cid wax ka qabatay.
.
Waxaa ay ka qaateen Meel enternet café ah lacag gaareysa ilaa 1500,000 iyo 9 moobil iyo waliba 100$ doolar taas oo si qasaba ay kaga qaateen iyo walibo tukaamo kale oo ku teedsanaa wadada oo sidaas o kale loo faramariyey sibaahsan..
Sidoo kale Ciidamada saldhiga booliska ee degmada Shibis oo ku yaala meel aan sidaa uga fogeyn goobaha ay dhaca ka geysanayeen ciidamada ayaa lagu soo waramayaa in lagu wargeliyey waxa meesha ka socda, hase ahaatee ciidamadaasi wax talaabo ah kama qaadin kuwa kale ee dhaca geysnayey, lamana oga illaa hadda sababta ay arintaasi wax uga qaban waayeen bacdamaa ay u xilsaaran yihiin ilaalinta amniga. Waana markii labaad ee todobaad gudihiis dhac noocan oo kale ah laga geysto degmada Shibis ee magaalada Muuqdish..
p align="justify">cowslafil,news,network (CNN)
cowslafil@cowslafil.com">cowslafil@cowslafil.com
|