|


Kulan ay isugu yimdeen golaha guurtida beelaha direed ayay kaga wada hadleen 2 qodob oo kala ah (1) dagaalada maalmihii la so dhaafay ka soo cusboonaaday deegaanada dulmurux iyo karraban oo ka wada tirsan degmada luuq ee gobolka gado iyo deegaanka deemaay oo ka tirsan degmada kurtunwaaarey ee gobolka sh/ hoose (2) mowqifka dowlada kmg ay ka qaadatey duqeyntii dhuusomareeb kulanka oo si aad ah loogu lafaguray qodobadaas ayaa ugu dambeyn goluhu kasoo saaray warsaxaafadeedkan soo socda;.

Dagaalada deegaanada dul murux iyo karaban eeka tirasan dagmada luuq iyo deeganka deemaay oo katirsan dagmada ku/ waarey.

1.goluhu wuxuu si aad ah uga xun yahay dagaalada macnodarada ah ee kazoo cusboonaaday deegaanada dulmurux iyo karraban oo ka tirsan degmadanluuq ee gobolka gado iyo deegaanka deemaay oo katirsan dagmada k/ waarey ee gobolka sh/ hoose.

2.golohu wuxuu ugu baaqyaa beelaha walaalaha ah eek u dirirayaa deegaanadaas kaladuwan iney xabada joojiyaan wxii qilaafaad ahna ku dhameeyaan wadahadal iyo is afgarad .

3. goluhu wuxuu ka codsanayaa dham,aan odayaasha dhaqanka iyo waxagaradka dagmooyinka luuq iyo ku /waarey in ay u istagaan waxkaqabashada iyo daminta colaadaha ka oogan deganada dagmooyinkaas hos yimaada .

4. goluhu wuxuu u soo jeedinayaa dhamaan beelaha walaalaha ah eek u dira raya deeganaas I ay udhaga nuglaadaan xabad joojinta

(mowqifka dowlada kmg ah ay ka qaadatay duqeenti dhuusa mareb ).
1. golluhu wuxuu canbaareynayaa mooqifku dowlada kmg ah ay ku tageertay dowlada mareykanka xasuuqa ay ka geysteen deegaanka dhuusa mareeb.
2. goluh wuxuu cadeynayaa in hadaladas masuuliyad darada ah ay dhibaato ku keeni karto geedi socodkii dib uheshiisiineed ee laga dhexwaday dowlada iyo xoogaga mucaradka ah.


3. goluhu wuxuu si ad ah ula yaabanyahay in dad msuuli in sheeganaya ay ku farxaan am taageeraan xasuuqa loogeystay shacabka soomaliyeed taas waxa ay cadeeneysaa in aysan dowlada masuulka aheyn shacabka soomaaliyeed.
MAHADSANIDIIN
cowslafil,news,network (CNN)
Email: cowslafil@cowslafil.com
|