|
Afhayeenka Midowga maxkamadaha Islaamka Sheekh Maxamuud Sheekh Ibraahim Suuley oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo kulanka ay shalay Suuqa Bakaaraha ku yeesheen culimaa’udiinka, ganacsatada iyo abwaaniinta Soomaaliyeed oo lagu go’aamiyay in la socodsiiyo lacagta shilin Soomaaliga.
Sheekh Maxamuud Sheekh Ibraahim Suuley ayaa ku goodiyay in ciddii diidda lacagta shilin Soomaaliga ee duugga ah iyo ciddii sidoo kale lagu arko lacagta been abuurka ah ay tallaabo adag ka qaadi doonaan isagoo intaa ku daray inay arrintu ka soo gudubtay waano iyo wax isku sheeg xilliganna ay iyagu qaadanayaan tallaabo ficil ah.
“Sida ciidamada Itoobiya aan ula dagaallano ayaanu ula dagaalamaynaa lacagta been abuurka ah” ayuu yiri Sheekh Maxamuud Sheekh Ibraahim Suuley oo intaa ku daray in shareecada Islaamka ay qabto in ninkii jidgooyo dhigta laga gooyo lug iyo gacan is dhaaf ah oo muddo dhowr maalmood la waro bannaanka, ninkaasi burcadka ah waxaa ka daran qofka diidaya lacagta kaliya ee ay dadku isticmaalaan oo doonaya inuu cunaqabateeyo shacab uu Ilaahay abuurtay.
Afhayeenka Midowga Maxkamadaha Islaamka Soomaaliya Sheekh Max’ud Sheekh Ibraahim Suuley wuxuu sidoo kale sheegay in qorshaha diidista lacagta shilin Soomaaliga ay waddo ay dawladda Itoobiya, wuxuuna intaa ku daray inay hayaan caddaymo la xiriirta in Itoobiyaanka ay doonayaan inay dalka ka socodsiiyaan lacagta birta loo yaqaano ee laga isticmaalo dalka Itoobiya, wuxuuna sheegay inaysan taasi marnaba u dul qaadan doonin.
cowslafil,news,network (CNN)
email: cowslafil@cowslafil.com
|