Welcome to Cowslafil.com

BBC Somali

BBC 11:00 - 11:15
BBC 14:00 - 15:00
BBC 16:00 - 16:15
BBC 18:00 - 18:30
Xaflad Qalinjebin...
Get your Free Videosi

Xawaaladda Dahabshil
Somali Links
A
B
baidoa 
Buurhakabo.com 
Bulsho  
C   
Cows La Fil 
Cadaado 
Cadayga 
Calayaale 
Cayaaraha 
Ceelbuur 
CRD 
cigonet.co   
D
Diilhare.com
Dir Era 
daawo 
dawanpress 

doolo 
deeyoo 
darwiishland
dayniile.com
 
 
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka oo soo bandhigtay Liiska rag ay ka dooneyso Soomaaliya....

   
may 03- 2008 Cowslafil , Mogadishu, Somalia .
 

Tan iyo markii wasaarada arrrimaha dibada ay ku dartay liiska argagixisada ururka islaamiga ee AL-Shabaab kaas oo ka howl gala gudaha dalka soomaaliya oo dagaalna kula jira ciidamada dowlada Kmg iyo kuwa dowlada Ethiopia..

Ururkaan oo arrinka uu mareykanka ku dhaqaaqay u arkayey in ay tahay mid dhalanteed ah isla markaana aysan soo gaarin karin gacanta Mareykanka marka loo eego hadalkii uu jeediyey Afhayeenka ururka Sheik Muktar Roobow (Abuu Mansuur) oo uu sheegay in tani ay tahay handadaada lagu yaqaan Mareykanka isla markaana aysan tani ku keeni doonin in ay hakad geliyeen howgaladooda ka dhanka ah ciidamada dowlada & kuwa militariga Ethiopia balse waxa kaliya ku soo baraarugeen ayaa ahaa duqeyntii lagu dilay hogaanka sare ururkaan Adan Xaanshi Ceyrow ( Macallin Aadan).

Haddaba dowlada Mareykanka ayaa iminka si buuxda ugu dhawaaqday kuna soo bandhigtay website ay wasaarada arrimaha dibada ee mareykana ay leedahay liiska raga ay ku sheegtay in ay yihiin kuwa ka soo horjeeda danaha Mareykanka ee Bariga Afrika kuwaas oo ay ku sheegtay in ay ku xeran yihiin ururka Alqaacida oo adduunka looga yaqaan urur Argaxgixiso, raggaan ayaa tiradooda lagu sheegay 9 ruux..

Liiskaaan ayaa dadka ka soo muuqday ay ka mid yihiin ragg si weyn gudaha dalka looga yaqaan isla markaana magacyadooda soo baxay xilligii ay Maxkamadaha Islaamiga ay la wareegeen gacan ku heynta K/Soomaaliya liiska ayaa waxaa loo kala dhigay 3 qeybood qeybta hore ayaa waxaa ku jira.

1- Abdalle Mohamed Fouzul.

2- Salax Cali Salax Nebhaan.

3- Ciise Osman Ciise.

Abdalle Mohamed Fazul ayaa isaga loo heystaa kaalintii uu ku lahaa qaraxyadii safaaradaha mareykanka ee Nairobi & Daarasalam ee sanadii 1998 Bishii August waxaana lagu tuhmayaa wixii ka dambeeye xilligaas inuu u soo baxsaday dalka Soomaaliya oo aan iyada laheyn maamul dhexe .

Sidoo kale ayaa Mr Nebhaan loo heystaa in wax laga weydiiyo qaraxii sanadii 2002 loo geystay hotelkii Paradise ee magaalada loo dalxoos tago ee Mombasa Kenya iyo gantaalkii lagu ganay diyaarad ay laheyd dowlada Israel waxaana Nebhaan la sheegay inuu ka soo talaabay xadka u dhaxeeya soomaali & Kenya .

Ciise Osman ayaa ah nin inta badan lagu tiriyo inuu yahay dagaal yahan fagaaro badan ka dagaalamay oo ka mid ahaa ciidamadii kaabiga u haayey magaalada Baydhabo xilli ay dowlada xarun u aheyd waxaana lagu sheegay inuu ka soo dagaalamay dallalka Afghanistan iyo gobolka Kashmiir ee dalka India .

Sidoo kale ayaa liiska lagu sheegay in afar ruux oo kale oo ururka Shabaabka ka tirsan .

1- Muktaar Roobow Abuu mansuur .

2- Godane.

3- Ibrahim Xaaji Jaamac.

Sida jirta ayaa 1-daMr Cayrow lagu qaarjiyey duqeyn loogu geystay gurigiisa oo ku yaal magaalada Dhuusa Mareeb ee gobolka Galgadud waxaana loo heystay hadalo ka dhan ergadii ka qeyb gashay shirkii Dib uheshiinta isagoo ku baaqay in la dilo iyo in la wareero ciidamada Amisom oo ka socda midowga afrika sidoo kale ayaa jirta in loo heysto dilkii Nin Nabada ka shaqeynayay oo sanadkii 2005-tii lagu dilay Magaalada Muqdisho oo ahaa muwaadim soomaali oo u dhaq dhaqaaqi jiray arrimaha bulshada caan ka ah dalka iyo dilkii Sooro talyaani oo u shqeyneysay hey’ada SOS ee hooyada iyo dhallaanka ee magaalada Mogadisho sida lagu qoray Warbixinta wasaarada Arrimaha Dibada Mareykanka..

Mr Roobow ayaa ah nin afhayeen u aha ururka Alshabaab ayaa isna lagu soo eedeeyay Taageerada Logistic ka taakuleya ururka Alqaacida..

Labada nin ee dambe oo aan sidaa looga aqoon K/soomaaliaya ayaa iyaga loo heystaa dilkii shaqaalo Ajnabi ah oo u shaqeynayey hey’ada jarmalka ee GTZ ee Somaliland isla markaana ay yihiin rag tababar buuxa qabo oo ka soo dagaalamay dalka Afghanistan .

Qeybta sadaxaad ayaa ka kooban labo ruux oo si wanaagsan dalka looga shaqeeyo oo iyaga kala ah .

1- Sheik Xassan Turki.

2- Xassan Dahir Aweys.

Labadaan ruux ayaa iyaga warqad si toos ah ugu soo baxday xafiiska madaxweynaha lagu sheegay in ay xariir la leeyihiin ururweynaha Alqaacida isla markaana tababar ku soo qaatay dalka Afghanistan .

Raga sagaalka ah ayaa 8 ka mid ay yihiin la ogyahay in ay nool yihiin oo ay joogaan dalka marka laga reebo Guddoomiyihii hore ee shuurada Xassan Dahir Aweys oo isaga ku sugan dalka Eritrea .

cowslafil,news,network (CNN) cowslafil@cowslafil.com

 


Somali News.
Dastuurka...

Shir Looga hadlayey.

TFI Somali Republic.

Xaflad Balaaran oo

Xaflad Balaaran oo lagu xusayey Munaasabada 1Luulyo..


Khudbad uu soo ..


Heshiis Khartuum.

Soora Lo,Anella.

Xaflad Balaaran.

Xaflad Soo Dhoweyn