|
Premiere Omar Abdirashid Ali Sharmaarke, wuxuu soo bandhigay oo xil wasiir u magacaabay 36 shaqsi kuwaasoo iskugu jira dad aqoon sare leh kana bixikara xilalka loo igmaday iyo kuwo aan tayo dadnimo lahayn xilalka loo magacaabayna aan gudan karin.
waxaa kaloo golaha Wasiirada kujira shaqsiyaad dambilayaal ah oo ka qaybqaatay xasuuqii iyo hagardaamadii loo geystay shacabka reer Muqdisho. Shaqsiyaadkaasi waxay si dhow oo xulafaysi siyaasadeed iyo tu beeleedba ula shaqeeyeen dagaal ooge Abdullahi Yusuf Ahmed iyo ciidamadii Tigreega ee kusoo duulay bartamaha iyo koonfurta Somalia, shacabkana xasuuqay islamarkaasna ka boobay hantidoodii, dhulka lasimay guryahoodii iyo islamarkaasna barakiciyay malaayiin dad ah.
Haddaba shaqsiyaadka loo haysto gabood fal iyo dambiyo dagaal oo uu premiere Sharmaarke xilalka wasiir uu u magacaabay waxaa kamid ah shaqsiyaadkaan:-
1.Abdirashiid Ciro
2.Abdirizak Jurile
3. Madoobe Nuunow
4. Kuwo kale oo la yaqaan
Cadaalad Daro
Waxaa dulmi iyo gabood fal cadaaladeed ah in xilal loo magacaabo shaqsiyaad dambiyaal culus ka galay shacabka iyo dalka Somalia kuna sifoobay in ay fidno iyo qabyaal xun dhexdhigaan ummadda Soomaaliyeed. Sideebay macquul ku tahay in laga dulboodo shaqsiyaadkii ka shaqeeyay dowladdan midnimo qaran iyo hishiiskii nabadeed ee wax lagu dhisay iyo in xilal sare lagu abaalmariyo kuwii umada kusoo hoggaamiyay cadowyadii naafeeyay bartamaha iyo koonfurta Somalia.
Haddii nidaam dowladeed iyo xaqsoor ijtimaaci la fiirinayo waxay ahayd in Madaxweyne Sheikh Shariif Sh. Ahmed, uu xilka wasiirka koowaad uu magacaabo shaqsi kasoo jeeda beelweynta Direed waayo beesha Harti Darood dhowr jeer bay kusoo noq noqdeen xilka wasiirka koowaad waana ay ku fashilmeen, sababtuna waxaa weeye iyaga oon marna raacin nidaam dowladnimo, qorshe nabadeed iyo xaqsoor ijtimaaci ah. Waxaa laga yabaa in Madaxweyne Shariif uu culeys kaga yimid UNta iyo dowladaha taageera barnaamijka TFG laakin Madaxweyne Shariif awood ayuu u lahaa in uu diido magacaabista shaqsiyaad umada dambi kagal waayo waxaa suurtagal ah in shaqsiyaadkaas loo haysto gaboodfal iyo xasuuq ay fashiliyaan dowladda midnimo qaran.
Gaba Gabo
Haddaba iyadoo dowladda cusub ee TFG uu qalooc xooglihi kujira xagga cadaaladda iyo jeexidda wado nadiif ah oo xal bulsho oo waara lagu kaari karo, baan anigu haddana aaminsanahay in lala shaqeeyo lana taageero dowladda cusub islamarkaasna dib laga saxo wixii khaldan. Waxaa waajib culus ah in fursadaan qaaligaa laga faa'ideysto,Somalia lagu soo celiyo midnimo qaran,dib u hishiisiin buuxda, walaaltinimo iyo dowladnimo dhab oo si hufan
oo cadaalad ah ugu adeegta ummadda Soomaaliyeed oo colaadda iyo burburka kujirtay mudo labaatan sano ah.
Marna caqli iyo maslaxad qaran ma ahan in la dabajoogo fowdo,colaad aan dhammaad lahayn iyo aragtida ah (qabiilkaygu ama jufadeydu ma helin sed filan). Qaranka Soomaaliyeed mawada noqon karaan wasiiro, ambassadors, iwm. Dowladda cusub ee TFG waxaa laga sugayaa in ay diyaariso dastuur qaran, doorasho qaran, jawi nabadeed oo buuxa, xilalka haray oo si cadaalad ah loo qaybiyo iyo isku soo dumidda umada Soomaaliyeed meel ay joogaanba. Waxaa kaloo qabaa in loo hogaansamo lana taageero bayaankii ay dhawaan ay culumaa'udiinka Soomaaliyeed kasoo saareen magaalada Muqdisho kuna saabsanaa waxa ku aadan lagana sugayo dowladda cusub oo ay garwadeenka ka yihiin Madaxweyne Sheikh Shariif iyo Ra'iisul Wasaare Omar Abdirashiid..
Allow xaqa waafaji dowladda cusub.
Waxaa qoray: Hassan Shirwa
|