Welcome to Cowslafil.com

BBC Somali

BBC 11:00 - 11:15
BBC 14:00 - 15:00
BBC 16:00 - 16:15
BBC 18:00 - 18:30
Xaflad Qalinjebin...
Get your Free Videosi

Xawaaladda Dahabshil
Somali Links
A
B
baidoa 
Buurhakabo.com 
Bulsho  
C   
Cows La Fil 
Cadaado 
Cadayga 
Calayaale 
Cayaaraha 
Ceelbuur 
CRD 
cigonet.co   
D
Diilhare.com
Dir Era 
daawo 
dawanpress 

doolo 
deeyoo 
darwiishland
dayniile.com
 
 
Dagaal ka qaraxey mahadey oo beelaha degaanka ay isku qaadeen ...
   
Maajo 12 - 2008 Cowslafil , Mogadishu, Somalia .
 

Deegaan lagu magacaabo Dacaar oo ah deegaan u dhow Degmada Mahaday ayaa waxaa la sheegayaa in ay dagaalka sku qaadeen qabiilaadka degaanka qaarkood oo horey iskugu diley deeganka isna ka tiran Cali fool dheere oo dhowaan lagu diley ilaa 5 qofood uuna dabajoogo aanadaasi hore.

Dagaalkaasi hada socda ayaan ilaa hada qasaraha uu geystey la ogeyn inta uu la egyahey isagoo ka socda meel baadiye fog ah oo aan laheyn isgaarsiinta noocyadeeda kala duwan xiligan, sidoo kalena waxaan ilaa hada la aqoon cida sida tooskaa ugu lug leh dagaalada bilowdey.

Degmada Mahadey iyo Gebi Ahaanba Gobolka Shabeelada Dhexe ayaan hada laheyn Maamul rasmiya oo ay leeyihiin DFS iyo Qolooyinka soo horjeeda isla markaasna waxaa inta badan hada gobolka lagu tiriyaa in maxaakimta islaamigaa ay ku xoog roonyihiin xiligan maadaama ay Maamulkii DFS u sameysey madaxdoodii hada ku sugan yihiin Muqdisho.

Januune Geedi
Muqdisho, Somalia
januune46@hotmail.com  


Waddada isku xirta Garoonka diyaaradaha ilaa xarunta Madaxtooyada oo saakay gebi ahaanba xirantey hadana fyranatey ...
   
Maajo 12 - 2008 Cowslafil , Mogadishu, Somalia .
 

Waxaa saakay gebi ahaanba xirantey waddada dheer ee isku xirta garoonka Caalamiga ee Aadan Cadde International airport iyo xaruta madaxtooyada Filla Soomaaliya oo ay soo buux dhaafiyeen ciidamada dawladda federalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya, kuwaasoo saakay dadka iyo gaadiidkaba u diiday inay isticmaalaan waddadaasi balse xili danbe la fasaxey.

Ciidamada dawladda federalka Soomaaliya oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa lagu arkayay iyagoo taagan jid caddayaasha ku soo dhaca waddada laamiga ah dadkana ku amraya inay dib uga laabtaan, waxaa sidoo kale uusan jirin dhaq-dhaqaaqii ganacsiga ee ka furnaan jiray hareeraha laamiga dheer ee isku xirta madaxtooyada iyo garoonka diyaaradaha.

Waxaase barkii danbe la iska wada fasaxey isku socdkii dadka iyo gaadiidka ee markii hore loo diidey in ay isticmaal wadadaasi waxaana caadi ku soo laabatey Gacansigii wadadaasi hareeraheeda ku yiiley iyo waliba howlmaalmeedkii caadiga ahaa ee ka soconjirey.

Sababta ka dambeysa xirnaanshaha waddada dheer ee isku xirta garoonka diyaaradaha iyo xarunta madaxtooyada Filla Soomaaliya ayaa wararka qaar waxay tilmaamayaan in ay tahay in saacadaha soo socda lagu wado inuu soo gaaro magaalada Muqdisho Madaxwayne C/laahi Yuusuf Axmed oo toddobaadyadii ugu dambeeyay socdaallo ku soo kala bixinayay dalal ku yaalla Qaaradaha Amerika iyo Yurub.

Xirnaansha wadada dheer ee isku xirta garoonka diyaaradaha iyo xarunta Filla Somaliya ayaa waxay saamayn ku yeelatay ardaydii u soo kallihi jiray goobaha waxbarashada kuwaasoo baabuur ay raacaan iska daayeen loo diiday xitaa inay lugeeyaan.

Januune Geedi
Muqdisho, Somalia
januune46@hotmail.com  


Wafdi ka socda Ururka waddada Islaamka oo maanta tagaya dalka Jabuuti si ay uga qeyb galaan wada hadalka lagu wado inuu ka dhaco halkaas ...
   
Maajo 12 - 2008 Cowslafil , Mogadishu, Somalia .
 

Wafdi heer sare ah oo ka socda ururka dalalka Islaamka ayaa maanta lagu wadaa inay gaaraan magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti kuwaasoo ka qayb qaadan doona kulan maanta lagu wado inuu halkaasi uga billowdo xubno ka tirsan isbahaysiga Dib-u-xoreynta Soomaaliya ee fadhgiiisu yahay Asmara iyo xubno ka socda dawladda federalka oo labaduba ku wada sugan dalka Jabuuti.

Xoghayaha Guud ee ururka dalalka Islaamka ayaa sheegay inay ujeedada ay wafdiga ugu dirayaan dalka Jabuuti ay tahay inay ka qeyb qaataan dadaallada ay beesha caalamka ugu jirto isu soo dhoweynta kooxaha siyaasadda Soomaaliya isku haya, wuxuuna intaa ku daray in maadaalka Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka Islaamka ay iyaga ka go’an tahay inay ka qayb qaataan sidii nabad iyo xasilooni loogu soo dabaali lahaa geyiga Soomaaliya.

Kulanka lagu wado inuu maanta uga furmo magaalada Jabuuti dhinacyada isaga soo horjeeda siyaasadda dalka Soomaaliya ayaa waxaa sidoo kale lagu wadaa inay ka soo qayb galaan madax ka socota Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay kuwaasoo si aad ah ugu rajo qaba in wax uun horumar ah laga gaaro dadaallada lagu xallinayo khilaafaadka ka dhexeeya dawladda federalak Soomaaliya iyo kooxaha Mucaaradka.

Haddiiba ay noqoto in laysku afgarto in kulankaasi uu maanta ka furmo magaalada Jabuuti ayaa wuxuu noqon doonaa kulan saddex geesood ah oo ay ka wada qayb geli doonaan Golaha Dhaqanka iyo Mdnimada beelaha Hawiye oo aragti ahaan ay isku dhow yihiin isbahaysiga Dib-u-xoreynta Soomaaliya iyo dawladda federalka Soomaaliya.

Januune Geedi
Muqdisho, Somalia
januune46@hotmail.com  


Muruqmaalka ka shaqaysta magaalada Kismaayo oo ka cabanaya lacago baad ah oo laga qaato marka la siinayo lacagaha ay shaqeysteen ...
   
Maajo 12 - 2008 Cowslafil , Mogadishu, Somalia .
 

Dadka xoogsatada ah ee loo yaqaano Muruqmaalka ee ku dhaqan magaalada Kismaayo ayaa waxay cabasho ka muujiyeen kooxo ay ku sheegeen inay yihiin nacamleeyayaal oo u dhexeeya iyaga iyo ganacsatada alaabaha loo xamaalayo kuwaasoo ay sheegeen inay lacagta ay xaqa u leeyihiin ay bar ka mid ah ka goostaan.

Dadkan xamaaliga ah ee cabashadan soo bandhigay ayaa waxay yihiin kuwa alaabaha kala duwan ee badeecooyinka ee ka soo dega Marsada Kismaayo ku dejiya baqaarada magaalada Kismaayo, waxayna sheegeen in muddooyinkii ugu dambeysayba ay dhibaatadan qabeen, waxayna sheegeen in cabashooyin badan oo ay u gudbiyeen ganacsatada iyo masuuliyiin kaleba aan waxba laga qaban.

Mid ka mid ah ragga muruqmaalka ee cabashadiisa soo bandhigay ayaa sheegay in uu isagu ka mid yahay xamaaliga ka xamaasha meesha loo yaqaano Umubaratooriyo ee ku taalla gudaha magaalada Kismaayo halkaasoo lagu iibiyo shidaalka, wuxuuna intaa ku daray in mar alla markii ay dhameeyaan dejinta fuustooyinka shidaalka ay lacagihii ay xaqa u lahaayeen u soo qaadaan rag xiriiro la leh ganacsatada kuwaasoo xamaali kasta ka jarta kala bar oo bar lacagta uu shaqeystay.

Januune Geedi
Muqdisho, Somalia
januune46@hotmail.com  


Ciidamada Itoobiyaan ah oo ay wehliyaan kuwa maamulka gobolka Hiiraan oo isku faafiyay gudaha magaalada Beledweyne ...
   
Maajo 12 - 2008 Cowslafil , Mogadishu, Somalia .
 

Ciidamo fara badan oo Itoobiyaan oo ku hubeysan qoryaha loo yaqaano boobayaasha iyo dhashiikaha garbaha lagu qaato ayaa saakay isku fidiyay gudaha magaalada Beledweyne kuwaasoo xarumo ka samaystay qaybo ka mid ah magaalada sida xaafada Labada buundo, Xarunta maamulka gobolka, Saldhigga booliska iyo qeybo kale oo ka tirsan magaalada.

Ciidamadan Itoobiyaanka ayaa waxaa barbar socda oo weheliya kuwa maamulka gobolka Hiiran oo iyagana ku hubeysan gawaarida dagaalka ee tiknikada loo yaqaan, kuwaasoo si aad ah u buux dhaafiyay gudaha magaalada Beledweyne, waxayna taagan yihiin jid cadde kasta oo xaafadaha gala inkastoo xaaladda guud ee magaalada ay tahay mid aad u deggan.

Ciidamadan Itoobiyaanka ah iyo kuwa Soomaalida ah ee isku fidiyay magaalada Beledweyne ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay hordhac u yihiin oo ay halkaasi ku soo dhoweynayaan guddoomiyihii maamulka Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) oo isaga iyo ciidamada kal hore xoog looga saaray magaalada Beledweyne.

Guddoomiyaha oo lagu wado in maanta soo gaaro magaalada Beledweyne ayaa lagu wadaa inuu xarunta maamulka gobolka kala hadlo dadwaynaha magaalada Beledweyne, taasoo saakayba qaban-qaabadeeda ay wadaan xubno ka tirsan maamulkii hore ee gobolka, inkastoo Yuusuf Dabageed horay uu wareegto xilka guddoomiyanimo uga qaaday Ra’iisul wasaare Nuur Cadde haddana wuxuu weli ku adkaysanayaa inuu yahay guddoomiyaha rasmiga ah ee gobolka Hiiraan.

Dadwaynaha ku dhaqan magaalada Beledweyne oo maalmihii ugu dambeeyay haystay nabad gelyo iyo xasiloonaan intii ay halkaasi gacanta ku hayeen xoogagga maxkamadaha islaamkga ayaa haatan waxay muujinayaan baqdin ay ka qabeen inay waxyeello kaga timaaddo ciidamada Itoobiya iyo kuwa maamulka gobolka Hiiraan.

Januune Geedi
Muqdisho, Somalia
januune46@hotmail.com  


 

 

 


Somali News.
Dastuurka...

Shir Looga hadlayey.

TFI Somali Republic.

Xaflad Balaaran oo

Xaflad Balaaran oo lagu xusayey Munaasabada 1Luulyo..


Khudbad uu soo ..


Heshiis Khartuum.

Soora Lo,Anella.

Xaflad Balaaran.

Xaflad Soo Dhoweyn