Welcome to Cowslafil.com

BBC Somali

BBC 11:00 - 11:15
BBC 14:00 - 15:00
BBC 16:00 - 16:15
BBC 18:00 - 18:30
Xaflad Qalinjebin...
Get your Free Videosi

Xawaaladda Dahabshil
Somali Links
A
B
baidoa 
Buurhakabo.com 
Bulsho  
C   
Cows La Fil 
Cadaado 
Cadayga 
Calayaale 
Cayaaraha 
Ceelbuur 
CRD 
cigonet.co   
D
Diilhare.com
Dir Era 
daawo 
dawanpress 

doolo 
deeyoo 
darwiishland
dayniile.com
 
 
Dadka ku dhaqan xaafadaha ku teedsan waddadaha Warshadaha oo ka cabanaya dhac ay u gaystaan ciidamada dawladda federalka Soomaaliya ...
   
Maajo 11 - 2008 Cowslafil , Mogadishu, Somalia .
 

Dadka ku dhaqan xaafadaha ku teedsan Waddada Warshadaha iyo deegaanka Gubta ayaa ka cabanaya dhac baahsan oo ay ciidamada dawladda federalka Soomaaliya ka geystaan guryaha iyo goobaha ganacsi ee ku yaalla xaafadahaasi.

Ciidamadan ayaa dadka deegaanka xaqiijiyeen inay ka yimaadaan dhinaca Guul wadayaasha kuwaasoo maalintii isku soo raaca koox-koox kaddibna baarasho kula dhaqaaqa dadwaynaha isticmaalaya jid caddayaasha xaafadahaasi kana qaata mobileda iyo lacagaha ay sitaan, waxayna sidoo kale mararka qaarkood dhac u gaystaan dukaamada ku yaalla xaafadahaasi.

Ganacsade dukaan ku leh dhabarka dambe ee warshadda Tarraqa iyo sigaarka ayaa sheegay in ciidamada dawladda federalka ay dukaankiisa ay ka dhaceen lacag gaaraysa 2,300,000 Sh.So iyo Mobilo, iyagoo ku handaday inuu yahay nin la shaqeeya kooxaha ka soo horjeeda dawladda, wuxuuna intaa ku daray in ay jiraan waddooyin qaar ay dadku ka go’een oo aysan isticmaalin iyagoo ka baqanaya in ay ciidamadaasi la kulmaan.

Ciidamada ku sugan xaruntii hore ee guul wadayaasha ayaa mararka qaarkood waxaa la sheegay inay xabbado soo raacsiiyaan waddada dheer ee laamiga taasoo inta la ogyahay sababtay dhimashada labo dumar ah iyo dhaawaca tiro kale oo dad rayid ah oo goynayay waddaasi.

Januune Geedi
Muqdisho, Somalia
januune46@hotmail.com  


Xaaladda goobihi uu shalay dagaalka ka dhacay ee Xararyaale oo deggan iyo isu socodka dadka iyo gaadiidka ee waddadaasi saakay gebi ahaanba hakad ku jiraan ...
   
Maajo 11 - 2008 Cowslafil , Mogadishu, Somalia .
 

Xaaladda goobihii ay shalay dagaalladu ka dhaceen ee deegaanka Xararayaale ayaa saakay deggan iyadoo gebi ahaanba ay hakad ku jiraan isu socodka dadka iyo gaadiidka ee waddada Wadnaha, waxaana halkaasi ku sugan ciidamo aad u fara badan oo ka tirsan dawladda federalka oo diidaya dadka iyo gaadiidka inay isgoyska Xararyaale gudbaan.

Waxaa lagu soo warramayaa in maydka qof rayid ah uu yaallo agagaarka isgoyska Xararyaale kaasoo ay ciidamada dawladda federalka diideen in halkaasi laga soo qaado, waxayna ciidamadu sheegeen in ninkaasi maydka ah uu ka mid yahay kooxihii shalay iyaga weerarka ku soo qaaday, inkastoo waxgaradka ku dhaqan degmada Xararyaale ay wadaan dadaallo la xiriira sidii ninkaasi maydka ah ee ilaa shalay halkaasi yaallay loo aasi lahaa.

Dagaalka ka dhacay shalay gelinkii dambe deegaanka xararyaale ee dhex maray ciidamada dawladda ee halkaasi fariisinka ku leh iyo xoogagga ka soo horjeeda ayaa inta la ogyahay waxaa ku dhintay lix qofood oo rayid ah iyadoo tirada dhaawacana uu ka badan yahay 15 ruux, lamana garanayo qasaaraha dhabta ah ee soo kala gaaray dhinacyada dagaallamayay.

Dadka rayidka ah ee dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa badankooda waxay ahaayeen dad ay madaafiic iyo rasaas habow ah ugu tageen guryahooda, waxaana shalay intii uu dagaalka socday dhowr madaafiic ah ku soo dhaceen guryo dad rayid ah ay deggan yihiin oo ku yaalla Xaafado ka tirsan degmada Wardhiigley.

Januune Geedi
Muqdisho, Somalia
januune46@hotmail.com  


Roobab ma hiigaan oo shalay ilaa xalay ka kala da’ay gobolada Sh/hoose iyo Hiiraan ...
   
Maajo 11 - 2008 Cowslafil , Mogadishu, Somalia .
 

Roobab ma hiigaan oo biyo badan dhulka dhigay ayaa lagu soo warramayaa inay ka da’een deegaano ka tirsan Degmada Wanlawayn kaasoo ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada ku dhaqan deegaanadaasi oo markii hore ay saamaysay abaar baahsan, iyadoo shalay salaaddii jimcaha kaddib ay dadka ku dhaqan degmada Wanlawayn ay isugu baxeen bannaanbax roob doon ah oo ay Ilaahay uga baryayaan inuu u soo dedejiyo roobka guga.

Degmada Wanlawayn iyo iyo tuulooyinka hoos yimaada ayaa waxaa shalay galab ilaa xalay ka da’ayay roobab aad u xoog badan oo buuxiyay dhamaan warihii halkaasi ku yaallay, waxayna dadka ku dhaqan degmada Wanlawayn iyo tuulooyinka hoos yimaada ay saakay iyagoo aad ugu faraxsan nicmada Rabbi ee roobka ah ay u dareereen beerahooda si ay u beertaan dalagyo kala duwan.

Sidoo kale roobab xoog badan oo da’ayay muddo afar saacadood ayaa waxay ka da’een deegaano hoos yimaada gobolka Hiiraan gaar ahaan tuulooyinka ku yaalla duleedka bari ee magaalada Beledwayne halkaasoo dadka ku dhaqan oo u badan beeraley iyo xoolo dhaqato si aad ah ugu diirsadeen.

Roobabkan oo si xooggan u da’ayay muddada ka badan afarta saacadood ayaa waxay biyo dhigeen dhulka iyadoo lagu soo warramayo inay biyaha gooyeen waddooyin badan oo ay isticmaali jireen dadka iyo gaadiidka.

Roobabkan guga ee ka curtay qaybo ka mid ah gobollada koonfureed ee dalka Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya xilli ay abaaro ba’an ka taagnayd gobolladaasi oo dadkii iyo duunyadii ay la’ yihiin wax ay cunaan iyadoo gobollada qaar laga soo sheegayo in xoolihii ay iyaga is cunayaan gaajo haysa darteed.

Januune Geedi
Muqdisho, Somalia
januune46@hotmail.com  


Guddoomiyaha maxkamadda Racfaanka Gobolka Hiiraan oo xilkii iska casilay ...
   
Maajo 11 - 2008 Cowslafil , Mogadishu, Somalia .
 

Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Hiiraan Maxamed Gacal Amiin ayaa iska casilay xilkii uu ka hayay maxkamadda gobolka Hiiraan isagoo sheegay in is casilaaddiisa ay ka dambeysay kaddib digniino iyo hanjabaado isaga loo soo diray iyo talooyin badan oo uga yimid dhinaca ehelladiisa oo ay uga codsanayeen inuu xilkaasi isaga tago.

Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Hiiraan Maxamed Gacal Amiin ayaa sheegay in laga bilaabo maanta oo Sabti ah taariikhduna tahay 10/05/08 uusan xil ah ka haynin gobolka Hiiraan, isla markaana uu ka mid yahay shacabka xorta ah ee ku dhaqan gobolka Hiiraan oo meeshii ay doonaan mar kara, wuxuuna sheegay inuu xilkaasi u banneeyay cid kasta oo doonaysa oo jecel inay qabato.

Is casilaadda guddoomiyaha maxkamadda Racfaanka Gobolka Hiiraan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay horay isku casileen xubno ka tirsan maamulkii hore ee gobolka Hiiraan, iyadoo sidoo kale maamul cusub oo uu ra’iisul wasaare Nuur Cadde uu u soo magacabay xilal cusubna ay gaashaanka u daruureen oo ay iska diideen inay qabtaan.

Januune Geedi
Muqdisho, Somalia
januune46@hotmail.com  


Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliyeed oo qaadacay shirkii lagu waday inuu maanta ka furmo magaalada Jabuuti ...
   
Maajo 11 - 2008 Cowslafil , Mogadishu, Somalia .
 

Guddoomiyaha Guddiga Fulinta ee isbahaysiga Dib-u-xoreynta dalka Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo warasi siinayay idaacadda BBC-da ayaa sheegay inaysan wax wada hadal la geli doonin dawladda federalka Soomaaliya inta ay ciidamada Itoobiya kuwa dabadhilifyada ay xasuuqayaan shacabka Soomaaliyeed, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Guddoomiyaha wuxuu sheegay sheegay inaysan jirin wax dawlad ah oo ay aqoonsan yihiin oo ka jirta dalka Soomaaliya, dalka Soomaaliya iyo dadkiisana ay gumeysi xoog ah ku haystaan ciidamada xabashida ah ee ku soo duulay kuwaasoo waqti walba xasuuq u geysta shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna intaa ku daray inaysan iyaga u cuntamaynin inay heshiis la galaan dabadhilibyada ciidamada Itoobiya inta shacabka Soomaaliyeed uu dhibaataysan yahay.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed wuxuu sheegay in ay u yimaadeen dalka Jabuuti iyagoo tixgelinaya ballantii ay la galeen ergayga Gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, ayna doonayaan inay beesha caalamka iyo qaramada Midoobay kala xaajoodaan sidii shacabka Soomaaliyeed looga dul qaadi lahaa gumaysiga ku soo gardarooday ee dalka xoogga ku haysta.

Qaadacaaddda isbahaysiga dib-u-xoreynta dalka Soomaaliya ayaa ku soo aaday xilli ay shalay gaareen dalka Jabuuti xubnihii ay dawladda federalka u soo magacawday inay uga qayb galaan kulanka maanta ka furmi lahaa halkaasi, lamana oga go’aanka ay qaramada Midoobay ka qaadan doonto qaadacaadda isbahaysiga dib-u-xoreynta Soomaaliya ay qaadaceen shirka, iyadoo uu horay ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ka dhawaajiyay in haddii kulankan lagu guul darreysto ay Qaramada Midoobay gebi ahaanba faraha kala bixi doonto arrimaha Soomaaliya.

Januune Geedi
Muqdisho, Somalia
januune46@hotmail.com  


Baasuuke lala eegtay maanta ciidamo Ethiopian ah oo lalal heley xili jidka loo sii galey magaalada Muqdisho ...
   
Maajo 11 - 2008 Cowslafil , Mogadishu, Somalia .
 

Wararka ka soo baxey iska hor imaad iyo qarax ka horeeyey oo saakey ka dhacey deegaanka Dgmada Yaaqshiid qeybtiisa isgoyska towfiiq ayaa waxaa la sheegay in lagu qaarajiyey tiro ka dirsaneyd Ciidamo gumeysiga Madow ee xaashida oo gudubsanayey raashin iyo saad biyo ah oo labadiiba laka kala heley Qaeaxa Miinada iyo Baasuuke ka danabeeyey.

Inata lahubo waxaa la xaqiijiyey in la arakayey sedex ka mida Ciidamada Ethiopian oo yaala laamiga isgoyska Towfiiq isla markii qaraxa iyo baasukaha ay dhaceen sida ay xaqiijiyeen dadkii halkasi ka dhowaa markaasi ka dibna iskaga cararey halkaasi markii ay si aada iskugu dhacdey rasaasta ay is weydaarsanayeen ciidamadii kale ee xabashida ee ka badbaadey falkii markii hore dhacey iyo kooxdii la begsatey Weerrarka.

Gadiidka la weerarey ayaa kala ahaa booyad ural ah iyo gaari yar oo la sheegay in raashin uu u sidey ciidamada Ethiopia eek u jira Warshadii baastada waana markii labaad oo 2 isbuuc dhexdood gaadiid sedan oo kale ah weerar looga qaadey lagana gubo sida maanta oo kale.

Sidoo kale waxaa la sheegay in 2 ruux oo kale ay ka dib ku geeriyoodeen xaafadahooda iyo tukaano ay ku lahaayeen suuq ka fog halka dagaalku ka dhacey ka dib markii ciidamada Ethiopia si carol eh madaafiic ooda kaga soo qaaden xaafadihii aan shaqad ku laheyn goobta dagaalku ku qabsadey isla markaasna waxaa la sheegay in oro kale oo dad qabar daara ama aan kaba war qabin ay soo taxaabateen ciidamadaas Ethiopian oo saldhiga ku lahaa Isbartiibadii istaadiyo muqdisho mudo hal sanaa ka badan

Januune Geedi
Muqdisho, Somalia
januune46@hotmail.com  


Wasiirka Maaliya baabuur uu lahaa oo kooxaha DFS ka soohorjeeda ay kala wareegeen ayna ku dileen ilaa 4 ka mida ilaaladiisii ...
   
Maajo 11 - 2008 Cowslafil , Mogadishu, Somalia .
 

Wararka la laga helayo deegaanka wanlo weyn ayaa waxaa ay sheegayaan in saakey dagaal uu ku qabasadey kolonyo baabuur ah oo uu lahaa wasiirka maaliya kuna sii jeday baydhabo inta u dhaxeysa Wanla weyn iyo Yaaq Bariweyne halkaas oo mudo saacad ka badan uu ka socdey halkaasi ilaa kooxii ka soo horjedey DFS ay gacanta kaga dhigaan 2 baabur oo tiknikaa isla markaasna ay ku dileen 4 ka mida Asakartii la socotey.

Sida uu xaqiijiyey taliyaha Giidamada nabadgelyada Gobolka Shebeelada hoose waxaa halkaasi ku geeriyoodey 4 ka midf ahaa ilaaladii saaraneyd gaadiidka ay la wareegen ciidamada Al-shabaab ee dagaalka la galey halka labo kale ay dib uga soo laabteen oo hada ay ku suganyihiin Wanlaweyn.

Ilaaladaan ayaa keenay Wasiirka maaliya magaalada Muqdisho ka dibna u laabanayey Magaalad baydhabo oo markii horeba ay ka soo kaxeeyeey wasiirka Maaliya Soomaaliya Maxamed Cali Xaamud .

Waxaa ayakuna horey ka sheegatey in ay ayaku ka danbeyeen Qabasashada gaadiidkaasi ayna labanlaabayaan ugaarsashada gaadiidka ay Wataan kuwa la shaqeeya DFS xili kasta iyo ciidamada Ethiopia intaba.

Dadka deegaanka ayaa si aada rasaasata maanta uga cabsadey iyagoo ay dhagahooda ka sii yeereyso iskahorimaadkii iyo Qaraxyadii ka horeeyey ee lala beegsadey ciidamada Ethiopia iyo gowricii ka danbeeyey ee Ethiopia-ku dadka Deegaanka kula dhaqaaqeen oo wali ka sii qeynineysa Maskaxdooda.

Januune Geedi
Muqdisho, Somalia
januune46@hotmail.com  


Ciidamo mareykana iyo Keenyati ah oo maanta bilabaya Dhoolatus lagu baranayo in la ilaaliyo Xaduudaha bada iyo dhulka ee Soomaliya ay la wadaagto Kenya xili Jabuut ...
   
Maajo 11 - 2008 Cowslafil , Mogadishu, Somalia .
 

Wararka ka imaanya Magaalada labad ee igu weyn dalkasi kenaya ee xeebyta ku taan Mambasa ay shegayaan in Xoog miijin ay wada sameynayaan ciidamo Mareykan ah oo gaaraya ilaa 280 askari iyo kuwo kale oo keenyaati ah xili ay soomaliya ka jiraan dhibaatooyin ay sababeen Colaada Ethiopia ay ku heyso iyo Abaaro Xoogan.

Markab lagu magacaabo US mount dpg 290 iyo 30 sarkaal ugu sareeya ayaa oo ah xidigle juries dagler waxaana la filyaa in mudo 4 bilooda uu ka howlgali doono Soomaliya xeebaheeda iyo Bada Cas oo uu ka ugaarsan doono burcada badeeda waxa ay ku shegaan dowladha Reer galbeedku.

Waxaan tababarkaan lagu baranayaa sidii Xeebaha iyo biriga looga difacaaci lahaa Alqaadida laga filan karo Soomaliya in ay Dhinaca Badda iyo Bariga ay uga hortagi lahaayeen iyadoo uu safiirka marykanka sheegay in weeradii Mareykanku soomaliya ka geystey laga cabasi qabo in ay ka aaqarsadaan sodaasna ay u sameynayaan tabarkaan wadajirkaa ee labada dhinaca ee kenaya iyo mareykanka.

Amuurtaan ayaa ku soo beegmeysa xili Jabuuti ay ka dhacayaan fadhi ay soomalidu ku heshiineyso oo ay soo qaban qaabisey UN-ka isla markaasna aan Duqeyntii Dhuusamareeb haba yaraatee waxba aysan ka soo qaadin UN-ku ilaa hada isla markaasn ay siiba dheertahey Xasuuqa iyo goqraca Ethiopia ka wado Gudaha oo marykanku taageero ilaa markii ay soo galeen.

Januune Geedi
Muqdisho, Somalia
januune46@hotmail.com  


 

 

 


Somali News.
Dastuurka...

Shir Looga hadlayey.

TFI Somali Republic.

Xaflad Balaaran oo

Xaflad Balaaran oo lagu xusayey Munaasabada 1Luulyo..


Khudbad uu soo ..


Heshiis Khartuum.

Soora Lo,Anella.

Xaflad Balaaran.

Xaflad Soo Dhoweyn