Welcome to Cowslafil.com

BBC Somali

BBC 11:00 - 11:15
BBC 14:00 - 15:00
BBC 16:00 - 16:15
BBC 18:00 - 18:30
Xaflad Qalinjebin...
Get your Free Videosi

Xawaaladda Dahabshil
Somali Links
A
B
baidoa 
Buurhakabo.com 
Bulsho  
C   
Cows La Fil 
Cadaado 
Cadayga 
Calayaale 
Cayaaraha 
Ceelbuur 
CRD 
cigonet.co   
D
Diilhare.com
Dir Era 
daawo 
dawanpress 

doolo 
deeyoo 
darwiishland
dayniile.com
 
 
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho oo sheegay inuu hubo in isaga la dooranayo haddii gole deegaan loo sameeyo gobolka Banaadir ...
   
Maajo 04 - 2008 Cowslafil , Mogadishu, Somalia .
 

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Maxamuud (Maxamed Dheere) ayaa sheegay inuu isagu hub in loo dooranayo guddoomiyaha gobolka Banaadir haddii ay dawladdu ku guuleysato inay gole deegaan loo sameeyo gobolka Banaadir oo ay noqoto inuu isaga doorasho galo.

“Waan hubaa, kitaab ayaana u maraa in aniga lay dooranayo haddii gole deegaan loo sameeyo gobolka Banaadir oo aan isaga isa sharraxo, waayo gobolka waa gobolkayga, dadkuna waa dadkayga” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Banaadir oo la waydiiyay rajada uu ka qabo in dib loo doorto haddii gole deegaan loo sameeyo gobolka, wuxuuna intaa ku daray in laga yaabo inuusan xitaa u baahan jagadaasi oo meel kale ay dawladdu u dhiibto.

Warkan ka soo yeeray ka soo yeeray guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ka dambeeyay kaddib markii shalay ra’isul wasaare ku xigeenka Soomaaliya ahna wasiirka Warfaafinta, dhallinyada iyo isbortiga Axmed C/salaan Xaaji Aadan oo hadal ka jeedinayay munaasabad lagu xusayay maalinta Saxaafadda uu sheegay inay dawladdu waddo qorshe ay gole deegaan ugu sameynayso gobolka Banaadir kuwaasoo maamul cusub u samayn doona gobolka Banaadir.

Maxamed Dheere oo warka ra’iisul wasaare ku xigeenka ka jawaabayay ayaa sheegay in Axmed C/salaan aan looga fadhin inuu arrintaasi ka hadlo, wuxuuse sheegay in dawladda ay qorshahaadi horay u wadday, haddana ay meel fiican marayso, meel fiicanna ku dhamaan doonto.

“Axmed C/salaan kaalinta uu ka yeelanayo maamulka gobolka Banaadir waxay la noqon doontaa tan wasiirka Daarood, kan Digil & Mirifle iyo Dir uu ku yeelanayo gobolka Banaadir, waxaana looga baahan yahay inuu dhiso meesha uu ka soo jeedo ee Dhuusamareeb” ayuu si kulul u yiri guddoomiyaha gobolka Banaadir oo intaa ku daray in dawladda ay tahay federal, masuul kastana laga doonayo inuu jago ka raadsado gobolka uu ka soo jeedo.

Januune Geedi
Muqdisho, Somalia
januune46@hotmail.com  


Ciidamadii Itoobiyaanka ee shalay gaaray magaalada Jowhar oo fariisin ka sameystay duleedka waqooyi ee magaaladaasi ...
   
Maajo 04 - 2008 Cowslafil , Mogadishu, Somalia .
 

Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee shalay gaaray magaalada Jowhar ayaa lagu soo warramayaa inay fariisin ka sameysteen Tuulada Baryare oo ku taala duleedka waqooyi ee magaalada Jowhar halkaasoo la sheegay inay dhufeyso ka qateen.

Ciidamadan Itoobiyaanka ee shalay gaaray magaalada Jowhar ayaa waxay ku hubeysnaayeen 10 gaari oo kuwa ciidamada daabula ah, waxayna ka soo ruqaansadeen Degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose, lamana garanayo sababta ay u yimaadeen magaalada Jowhar, balse wararka qaar ayaa sheegaya inay hordhac u yihiin ciidamo ka socda dawladda federalka oo galbinaya masuuliyiinta gobolka Sh/dhexe oo lagu wado inay gaaraan magaalada Jowhar.

Dadwaynaha ku dhaqan magaalada agagaarka goobta ay fariisinka ka sameysteen ayaa lagu soo warramayaa inay xalay ku hoydeen cabsi iyo qal-qal la xiriirta inay dhibaato ka soo gaarto iska hor imaad dhex mara ciidamada Itoobiya iyo xoogagga maxkamadaha Islaamiga oo maalmihii ugu dambeeyay gacanta ku hayay magaalada Jowhar.

Dhinaca kale dabley hubeysan ayaa xalay fiidkii hal ruux oo rayid ah dhaawac ba’an ugu geystay Xaafadda Hantiwadaag ee magaalada Jowhar, ninkaasoo sida la sheegay ahaa nin reer miyi ah oo ka yimid deegaanka Fiidow, isla markaana xoolo u soo suuq geeyay magaalada Jowhar, waxayna dableyda hubeysan ay doonayeen inay ninka ka qataan Mobile iyo lacago uu watay taasoo u suurto gelisay, waxaana ninka oo dhaawaciisu aad u liito la dhigay isbitaalka guud ee magaalada Jowhar.

Januune Geedi
Muqdisho, Somalia
januune46@hotmail.com  


Qaar ka mid ah culimaa’udiinka iyo abwaaniinta Soomaaliyeed oo walaac ka muujiyay diidmada lacagta shilin Soomaaliga ...
   
Maajo 04 - 2008 Cowslafil , Mogadishu, Somalia .
 

Qaar ka mid ah culimaa’udiinka iyo abwaaniinta Soomaaliyeed ayaa waxay walaac aad u ba’an ka muujiyeen dhibaatada nololeed ee ka dhalan karta diidista lacagta shilin Soomaaliga oo bilooyinkii ugu dambeeyay ka soo shaac baxday qaar ka mid ah gobollada koonfureed ee dalka Soomaaliya.

Mid ka mid waxgaradka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay ayaan darro tahay in ganacsatadu diidaan lacagta kaliya ee laga isticmaalo dalka oo weliba hal nooc ah, taasoo uu ku tilmaamay inay tahay mid lagula dagaallamayo nolosha dadka danyarta iyo xoogsatada ku nool dalka Soomaaliya, wuxuuna ka codsaday dawladda federalka Soomaaliya inay canshuuraha ay ka qaadaan badeecadaha dalka soo gala ay ka dhigaan shilin Soomaali aan la kala saaraynin taasoo ku dhiira gelinaysa ganacsatada inay qaataan lacagta shilin Soomaaliga.

Abwaanka caanka ah ee Soomaaliyeed Abwaan C/laahi Cismaan Guure ayaa isna sheegay in aan dawladda laga sugayn inay shacabkeeda u naxdo, sidaas darteedna ay lagama maarmaan tahay in shacabka Soomaaliyeed ay iyagu isu naxaan isuna naxariistaan, isla markaana ay socodsiiyaan lacagta shilin Soomaaliga, wuxuuna intaa ku daray in meelaha lacagta shilin Soomaaliga ay ugu badan yihiin gobollada koonfureed ee dalka Soomaaliya.

Sidoo kale mid ka mid ah culimaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa codkiisa ku biiriyay in ay xaaraam tahay in dadka Muslimiinta ah la dhibaateeyo, wuxuuna sheegay in dadku ay isku dul nool yihiin oo qof kastaa kan kale u baahan yahay, sidaas darteedna ay muhiim tahay in ganacsadaha uu qaato lacagta laga isticmaalo dalka.

Diidista lacagta kaliya ee ka harta shilin Soomaaliga ee kunka shilin ayaa bilooyinkii ugu dambeeyay si aad ah looga dareemayay gobollo badan oo dalka Soomaaliya, taasoo keentay murano baahsan oo xitaa qaarkood dhaliyay gacan ka hadal ay dad ku naf waayeen kuwo kalena ku dhaawacmeen.

Januune Geedi
Muqdisho, Somalia
januune46@hotmail.com  


Cabdullaahi yuusuf iyo Necolas Zarkozy oo lagu wado inay berrito kulan ku yeeshaan magaalada Paris ...
   
Maajo 04 - 2008 Cowslafil , Mogadishu, Somalia .
 

War ka soo baxay xarunta madaxtooyada Dalka Faransiiska ayaa lagu shaaciyay in madaxwaynaha dalka Faransiiska Necolas Zarkozy uu maalinta Isniinta ah oo ku beegan berri kulan la yeelan doono madaxwaynaha dalka Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed.

Labada madaxwayne ayaa lagu wadaa inay kulankooda iskula soo qaadaan arrimo la xiriira dhibaatooyinka ay burcad badeedda ka wadaan xeebaha dalka Soomaaliya iyo xaaladda guud ahaaneed ee ka jrita dalka Soomaaliya iyo sidii ay dawladda Faransiiska gacan uga gaysan lahayd nabad ku soo dabaalidda dalka Soomaaliya.

Warka ka soo baxay xafiiska madaxtooyada ayaa sidoo kale sheegay in masuuliyiinta hogaamisa labada dal ee Soomaaliya iyo Faransiiska ay si wayn kulankooda ugu lafa guri doonaan sidii loola dagaallami lahaa burcad badeedda sanadihii ugu dambeeyay ku soo badanayay xeebaha dalka Soomaaliya taasoo keentay in xeebaha Soomaaliya lagu tiriyo inay ka mid tahay xeebaha ugu halista badan dunnida, iyagoo sidoo kale ka wada hadli doono sidii laga yeeli lahaa lix ka mida ah burcad badeedda oo ay qabteen ciidamada Comandoska dalka Faransiiska.

Dawladda Faransiiska ayaa ka mid ah dawlado dhowr ah oo maraakiib dagaal u soo diray xeebaha Soomaaliya kuwaasoo la dagaallama sida ay sheegeen burcad badeedda, waxayna ahayd bishii hore ee April markii hawlgal ay ciidamadooda ka fuliyeen xeebaha Soomaaliya ay ku soo qab-qabteen lix ka mid ah kooxo burcad badeed ah oo ka qafaashay markab dalxiis oo ka diiwaan gashan dalka Faransiiska oo ay saarnaayeen shaqaale u badan Faransiiska, waxaana lixdaasi nin ay hadda ku jiraan xabsi ku yaalla magaalada Paris ee dalka Faransiska.

Januune Geedi
Muqdisho, Somalia
januune46@hotmail.com  


Xubno ka tirsan isbahaysiga dib-u-xoreynta dalka Soomaaliya oo sheegay inay maamullo u sameynayaan qaar ka mid ah gobollada Jubbooyinka ...
   
Maajo 04 - 2008 Cowslafil , Mogadishu, Somalia .
 

Xubno ka tirsan isbahaysiga dib-u-xoreynta Soomaaliya ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxay kulan is daba joog ah la lahaayeen qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan gobollada jubbooyinka, kuwaasoo ay kala hadleen sidii ay maamul ugu dhisi lahaayeen gobolladaas oo wax ka qabta dhibaatooyinka ammaan ee ka jira.

Kulamadan ayaa waxay ka kala socdeen degmooyinka Afmadow iyo Bu’aale oo ka kala tirsan gobollada Juubada Hoose iyo Jubbada dhexe kuwaasoo ay xubno ka tirsan isbahaysiga dib-u-xoreynta Soomaaliyeed iyo dadka ku dhaqan gobolladaasi ay si wayn isula qaadaadhigeen suurto galnimada in maamullo hoos taga isbahaysiga dib-u-xoreynta Soomaaliya loo sameeyo gobolladaasi.

Xubin ka mid ah isbahaysiga Dib-u-xoreynta dalka Soomaaliya oo lagu magacaabo Maxamed Amiin oo ayaa wuxuu kulamo iyo shirar la yeeshay odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka ku dhaqan degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose si uu uga dhaadhiciyo in maamul ay u sameeyaan Degmada Afmadow iyo tuulooyinka hoos yimaada.

Waxaa durbaba soo baxaya khilaaf xooggan oo la xiriira maamul u sameyna degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose, arrintaasoo uu si wayn gaashaanka ugu daruuray guddoomiyaha Degmada Afmadow Maxamed Xarbi Cali oo sheegay in xilligan aan loo baahnayn in maamul loo sameeyo degmada Afmadow iyo tuulooyinka hoos yimaada.

Januune Geedi
Muqdisho, Somalia
januune46@hotmail.com  


10 qofood oo mar kale ku geeriyoodey Degaanka Luuq maanta iska hor imaad ka dhacey ...
   
Maajo 04 - 2008 Cowslafil , Mogadishu, Somalia .
 

Wararka laga helayao Dgamda Luuq ayaa waxaa ay shegayaan in meel 40Km u jirta oo lagu magacaabo War cadey uu dgaal xoogan ku dhexmarey Maleeshiyaad qabiil oo dhowaan halkasi maalmo ka hor iskugu diley maanta ay ku geeriyoodeen 10 ruux oo haweena ay ku jiraan.

Dagaalka maanta ayaa waxaa la sheegay in uu dhacey waqti aad u kulul ayna ku dhinteen 7 maleeshiyadka dagalamyey ka tirsan iyo 3 qofood oo ay ku jiraan haeen 2 ah isla markaasna waxaa la shegayaa in meydadka ay yaalaan goobtii lagu dagaalamey oo aan ilaa hada laga aadin halkaasi.

Dagaalkaan ayaa waxaa uu sbabey dhaawacyo aad u farabadan oo aan la xaqiijin ilaa hada maadama aan goobta la tgi Karin cabsi ka jirta darateedm bals waxaa jira wara shegayaan in la iska abaabulayo Degmada luuq sidii look ala dhexgali lahaa isla markaasna loo asturi lahaa Meydadka sida uu sheegay odey ka hadalayey Degmada Luuq.

Qabiilaadka halkaasi ku dagaalamay aya lagu sheegay in ay kala yihiin Gaadsan iyo Macalin weyne oo kala soo kala jeeda Beesha Direed iyo Raxanweyn kuwaas oo isku heysta meel yar oo cusbada laga qoto oo qolana ay sheganeyso in ay deegaan ahaan u leedahey mida kalena ay diideyso oo sidaas ay isku hayaan.

Januune Geedi
Muqdisho, Somalia
januune46@hotmail.com  


 

 

 


Somali News.
Dastuurka...

Shir Looga hadlayey.

TFI Somali Republic.

Xaflad Balaaran oo

Xaflad Balaaran oo lagu xusayey Munaasabada 1Luulyo..


Khudbad uu soo ..


Heshiis Khartuum.

Soora Lo,Anella.

Xaflad Balaaran.

Xaflad Soo Dhoweyn