Welcome to Cowslafil.com

BBC Somali

BBC 11:00 - 11:15
BBC 14:00 - 15:00
BBC 16:00 - 16:15
BBC 18:00 - 18:30
Xaflad Qalinjebin...
Get your Free Videosi

Xawaaladda Dahabshil
Somali Links
A
B
baidoa 
Buurhakabo.com 
Bulsho  
C   
Cows La Fil 
Cadaado 
Cadayga 
Calayaale 
Cayaaraha 
Ceelbuur 
CRD 
cigonet.co   
D
Diilhare.com
Dir Era 
daawo 
dawanpress 

doolo 
deeyoo 
darwiishland
dayniile.com
 
 
Goobihii ganacsiga ee degmada Afgooye oo saakay gebi ahaanba albaabada u laabanyihiin ...
   
Maajo 03 - 2008 Cowslafil , Mogadishu, Somalia .
 

Waxaa saakay gebi ahaanba xiran dhaq-dhaqaaqii ganacsiga ee Degmada Afgooye iyadoo ay ganacsatada deegaankaasi ay ka cabsi qabaan inay dhibaato ka soo gaarto dad ka caraysan diidista lacagta shilin Soomaaliga oo deegaankaasi si aad ah looga hadal hayo.

Ganacsatada degmada Afgooye ayaa sheegay in sababta ay ganacsigooda u xireen ay tahay iyagoo ka cabsi qaba in dibadbaxayaal caraysan ay ku soo xoomaan dukaamadooda isla markaana ay dhac u geystaan, waxayna sheegeen in intii ay qasaare soo gaari lahayd ay door bideen inay ganacsigooda albaabada u laabaan.

Taliyaha Qeybta Booliska degmada Afgooye Cali Aadan Cali ayaa uga digay ganacsatada degmada Afgooye inay diidaan lacagta Shilin Soomaaliga, isagoo ku eedeeyay ganacsatadaasi inay si ula kac ah u diidaan lacagta Shilin Soomaaliga oo ay ka socota dhammaan gobollada dalka Soomaaliya.

Taliyaha Qeybta Booliska Degmada Afgooye wuxuu intaa ku daray in ganacsadihii diida lacagta shilin Soomaaliga uu isagu masuul ka yahay wixii qasaare ah ee soo gaara hantidiisa, waxayna arrintani baqdin ku abuurtay ganacsatadii deegaankaasi oo iyagu saakay aan wax shaqo ah u soo kallihin.

Januune Geedi
Muqdisho, Somalia
januune46@hotmail.com  


Ciidamo Itoobiyaan ah oo saakay baaritaan ka sameeyay waddada warshahadaha kaddibna isga baxen ...
   
Maajo 03 - 2008 Cowslafil , Mogadishu, Somalia .
 

Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa saakay waxay baaritaan ka sameeyay xaafadaha ku yaalla agagaarka Waddada Warshadaha ee degmada Hodan, taasoo muddu kooban hakad gelisay isu socodka dadka iyo gaadiidka, inkastoo ay ciidamadaasi markii dambe dib ugu laabeen fariisin ay ku leeyihiin Wasaaraddii hore ee Gaashaandhigga oo ay markii hore ka soo ruqaansadeen.

Mid ka mid ah dadka ku dhaqan xaafadaha ku dhow agagaarka Waddada Warshadaha ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay halkaasi yimaadeen saakay iyagoo lugeynaya isla markaana ay galeen guryaha qaarkood, wuxuuna intaa ku daray inay wateen ulo ay waddada kaga baarayeen walxaha qarxa oo ay ka cabsi qabaan in halkaasi lagu aasay.

Dhallinyarada ku dhaqan xaafadaha ay ciidamada Itoobiya saakay galeen ayaa iyagu aroortii hore ee saakay isaga soo cararay kaddib markii ay maqleen in ciidamada Itoobiya ay ku soo fool leeyihiin iyagoo ka cabsi qaba inay dhibaato ka soo gaarto, mana jiraan dad ay ku soo qab-qabteen hawl galkaasi iyo wax dhibaato oo dhacday intii ay baaritaanka sameynayeen.

Shalay gelinkii dambe ayay ahayd markii hoobiyayaal lagu weeraray xarunta ay ciidamada Itoobiya ku leeyihiin Stadium Muqdisho kuwaasoo qaarkood gudaha u galay iyadoo aan la ogeyn inay qasaare ka soo gaareen ciidamada Itoobiya iyo in kale, balse madaafiic jawaab celin ah oo ay ciidamada Itoobiya ku garaaceen xaafadaha Tawakal iyo Gubta ay ku dhaawacmeen labo dumar ah.

Januune Geedi
Muqdisho, Somalia
januune46@hotmail.com  


Isbahaysiga Dibuxoreynta Soomaaliya oo sheegay inay ka fiirsanayaan ka qayb galka shirka lagu wado inuu 10-ka May ka dhaco magaalada Jabuuti ...
   
Maajo 03 - 2008 Cowslafil , Mogadishu, Somalia .
 

Guddoomiye Guddiga fulinta ee Isbahaysiga dib-u-xoreynta dalka Soomaaliya Sheek Shariif Sheekh Axmed oo wareysi siinayay Telefishinka Al-jaziira ayaa sheegay inay iyaga ka fiirsanayaan ka qayb galka shirka 10-15-ka May lagu wado inuu magaalada Jabuuti ku dhex maro iyaga iyo dawladda federalka Soomaaliya.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in weerarada dhinaca cirka ah oo ay ciidamada Maraykanka ka geysteen magaalada Dhuusa-mareeb ee gobolka Galgaduud ay carqalad ku noqoneyso suurto galnimada wada xaajood ay la galaan Dawladda Federalka Soomaaliya.

“Suurto gal ma ahan in aan wada hadal la galno dawladda federalka Soomaaliya illaa inta ay ciidamada Maraykanka iyo kuwa Itoobiya dhibaateynayaan shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo intaa ku daray inay tixgelinayaan hindisaha Qaramada Midoobay ee ku aaddan wada xaajoodka, balse ay ka fiirsanayaan inay ka qayb galaan kulankaasi.

Isbahaysiga dib-u-xoreynta Soomaaliyeed ayaa waxay horay u oggolaadeen in ay iska soo dhex magacaabaan guddi farsamo oo 7 xubnood ka kooban kuwaasoo uga qayb galaya kulan ay shirguddoominayso Qaramada Midoobay oo 10-15-ka Bishan ka dhacaya magaalada Jabuuti kaasoo ay sidoo kale ka soo qayb geli doonaan 7 xubnood oo kale oo ka socda dhinaca dawladda federalka Soomaaliya.

Januune Geedi
Muqdisho, Somalia
januune46@hotmail.com  


Maleeshiyo hubeysan oo labo qofood ku dishay Tuulada Dacaare ee gobolka Sh/dhexe ...
   
Maajo 03 - 2008 Cowslafil , Mogadishu, Somalia .
 

Maleeshiyo hubeysan oo weerar gaadmo ah ku soo qaaday tuulada Dacaare oo u dhexeysa degmooyinka Mahaday iyo Biya-cadde ayaa halkaasi ku dilay labo qofood oo ka mid ah dad xilligaasi ku cawaynayay meel bannaan oo tuuladaasi ka mid ah.

Labo qofood ee ku geeriyootay rasaasta ay maleeshiyadaasi la beegsadeen ayaa mid ka mid ah ahayd haweeney dhaawac ahaan loola soo cararay isbitaalka Degmada Jowhar halkaasoo ay markii dambe ugu geeriyootay.

Maleeshiyadan weerarku soo qaadday Tuulada Dacaare ee ka tirsan gobolka Sh/dhexe ayaa waxay baadi goob ugu jireen maleeshiyo kale oo tuuladaasi ku dhaqan oo ay horay xiisasad colaad ugala dhaxaysay isla markaana dagaal soo noq-noqday uu ku dhex maray deegaano ka tirsan gobolka Sh/dhexe kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 15 ruux.

Dagaalkan u dhexeeya labadan maleeshiyo ee ka wada tirsan beelaha ku dhaqan deegaanada gobolka Sh/dhexe ayaa wuxuu salka ku hayaa aarsoosi qabiil iyo muran la xiriira lahaanshaha dhul daaqsimeed iyo deegaan oo labaasi beelood mid walba sheeganayso inay iyadu leedahay.

Januune Geedi
Muqdisho, Somalia
januune46@hotmail.com  


Guddoomiye ku xigeenkii hore ee arrimaha bulshada maamulka Degmada Beledweyne oo ku eedeeyay Yuusuf Daba-geed iyo ciidamada Itoobiya inay dhibaaraynayaan shacabka ku dhaqan degmada Jawiil ...
   
Maajo 03 - 2008 Cowslafil , Mogadishu, Somalia .
 

Guddoomiye ku xigeenkii hore ee dhinaca arrimaha bulshada maamulka magaalda Beledweyne C/raxmaan Cabdi Cali oo ka soo jeeda deegaanka Jawiil ayaa ku eedeeyay guddoomiyihii xilka laga qaaday ee gobolka Hiiraan iyo ciidamada Itoobiya inay falal ka baxsan bini’aadanimada kula kaceen shacabka ku dhaqan deegaanka Jawiil ee Gobolka Hiiraan.

C/raxmaan Cabdi Cali oo isagu ka mid ah masuuliyiintii xilka laga qaaday isla markaana xilkiisa loo magacaabay shaqsi kale oo isagana diiday inuu qabto ayaa sheegay in sarkaalka hoggaamiya ciidamada Itoobiya iyo ciidamada uu wato Yuusuf Daba-geed ay falal isugu jira jirdil, boob iyo xarigba u geystaan dadka ku dhaqan Degmada Jawiil, isagoo intaa ku daray in dhallinyaradii deegaanka ee ku hawlanaa sugidda ammaanka ay hubkii ka dhigeen una geysteen jirdil ba’an kuwaasoo qaarkood la keenay isbitaalka magaalada Beledweyne sida uu xaqiijiyay C/raxmaan Cabdi Cali.

“Ciidamada Itoobiya iyo ciidamada uu wato ninkaasi waxay jidgooyo dhigteen gudaha degmada Jawiil, waxayna dadkii halkaasi degganaa ku amreen inay bixiyaan lacag ay ku sheegeen sojoorno” ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenkii hore ee arrimaha bulshada maamulka Degmada Beledweyne oo intaa ku daray inay wax lala yaabo in dad ku dhaqan dalkooda iyo deegaanadooda inta xoog lagu qabsado laguna soo rogo inay bixiyaan lacago sojoorno ah taasoo uu sheegay in laga qaado dadka ajaanibta ah ee ku nool dal aysan iyagu lahayn.

Januune Geedi
Muqdisho, Somalia
januune46@hotmail.com  


Xiisado colaadeed oo ka aloosan degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose ...
   
Maajo 03 - 2008 Cowslafil , Mogadishu, Somalia .
 

Xiisado colaadeed ayaa lagu soo warramayaa inay ka aloosan tahay degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose taasoo u dhexeysa labo maleeshiyo oo kala soo kala jeedda labo beelood oo ku wada dhaqan gobolkaasi Jubbada hoose.

Xiisaddan colaadeed ayaa ka dambeysay kaddib markii dabley hubeysan oo jidgooyo u taallay waddada isku xirta magaalada Kismaayo iyo Degmada Afmadow ay dhac u geysteen gaari minibus ah oo ka yimid magaalada Muqdisho oo ay ka qaateen rakaabkii saarnaa gaarigaasi dhammaan lacagihii iyo agabkii kale oo ay wateen, kaddibna ay fasaxeen gaarigaasi.

Gaarigii caasiga ahaa markii uu tagay Degmada Afmadow ayuu ku wargeliyay ciidamadii saldhigga joogay dhaca ay u geysteen dalbeydii hubeysneyd ee jidgooyada u tiilay, waxaana halkaasi ku soo baxay ciidamadaii saldhigga degmada Afmadow oo dagaal ku qaaday dalbeydii jidgooyada u taallay kana dilay mid ka mid ah, intii kalena gacanta ku soo dhigay.

Maleeshiyo kale oo ay isku heyb yihiin dableydii lagu weeraray jidgooyada u taallay oo arrintan ka carooday ayaa la soo baxay qoryahoodii iyagoo doonaya inay ka aargoostaan ciidamadii saldhigga degmada Afmadow.

Januune Geedi
Muqdisho, Somalia
januune46@hotmail.com  


 

 

 


Somali News.
Dastuurka...

Shir Looga hadlayey.

TFI Somali Republic.

Xaflad Balaaran oo

Xaflad Balaaran oo lagu xusayey Munaasabada 1Luulyo..


Khudbad uu soo ..


Heshiis Khartuum.

Soora Lo,Anella.

Xaflad Balaaran.

Xaflad Soo Dhoweyn