Welcome to Cowslafil.com

BBC Somali

BBC 11:00 - 11:15
BBC 14:00 - 15:00
BBC 16:00 - 16:15
BBC 18:00 - 18:30
Xaflad Qalinjebin...
Get your Free Videosi

Xawaaladda Dahabshil
Somali Links
A
B
baidoa 
Buurhakabo.com 
Bulsho  
C   
Cows La Fil 
Cadaado 
Cadayga 
Calayaale 
Cayaaraha 
Ceelbuur 
CRD 
cigonet.co   
D
Diilhare.com
Dir Era 
daawo 
dawanpress 

doolo 
deeyoo 
darwiishland
dayniile.com
 
 
Heshiiska Jabuuti Waddo Siyaasadeed oo Gumaysiga Lagu Saarayo

   
july-02-008 Cowslafil , Mogadishu, Somalia .
 

Waxaa 9 June Jabuuti lagu saxiixay heshiis dhex maray Isbahaysiga Dib Uxoraynta iyo DFKMG ah, kaasoo ay wadeen Qaramada Midoobay, Faransiska, UK iyo USA, Waxa ugu muhiimsan qodobadiisana ay ahaayeen xabbad joojin 30 habeen ka dib hirgasha iyo ciidamada Itoobiya oo dalka kaga baxa 120 maalmood.

Markii ugu horreysay tan iyo markii ay dhacday dawladdii dhexe ee Soomaaliya 1991 ayaa Beesha Caalamku aqoonsatay urur siyaasadeed haysta sharciyad uu shacabka ku matalo, kaasoo la doodaya, lana gaaraya beesha caalamka isfaham laga rajaynayo inuu keeno bixitaanka gumaysiga, soo celinta Madaxbannaanida Soomaaliya iyo midnadeedaba.

Inkastoo waddo dheer na hor taallo, qodxi ku goglan yihiin iyo muddo aan yarayn oo rafaad, dhiig, dhidhid iyo ilmamaba xanbaarsan ilaa guusha laga helo, hadana waa in sabar la kaashadaa loona diyaar garooba gelista dagaal siyaasadeed oo ka adag, watana kulaylkii iyo iska celintii uu xanbaarsanaa dagaalka hubaysan.

Imaanshaha golaha ammaanka magaalada Jabuuti si uu u dhagaysto aragtida Isbahaysiga dib u xoraynta waxay muujinaysaa sida uu u fashilmay mashruucii ay Maraykanka iyo Itoobiya ku bahaysnaayeen iyo in Bulshada Caalamka raadinayso sidii looga bixi lahaa mashaqadan ay ku dheceen gumaysiga Xabashida iyo gaashaanbuurteeda gudaha iyo dibaddaba, waxaanan halkan ku soo bandhigi doonnaa marqaatiyada arrintaa aan sheegay caddaynaya;

Waxaa warbixintii Amnesty International ee May 2008 lagu xusay in gumaysiga Itoobiya sabab u noqday qixitaanka malyan Soomaali ah dalka gudihisa iyo boqollaal kun dalka dibaddiisa iyo geerida lix kun oo Soomaali ah. Waxayna dadka rayidka ah la kulmeen duqayn, halaag, danbiyo dagaal iyo xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Warbixinta kooxdii kormeeraysay cunqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya ee waafaqsanayd go’aankii Golaha Amaanka ee tirsigiisu ahaa 1766, soona baxday 2007 waxaa ka mid ahaa; in kooxda kormeerku aragtay mudadii hawsha loo diray Oktoobar 2007- April 2008 in hawlaha ishubayntu sii kordhayso iyo dagaalka ka dhexeeya kooxaha hubaysan ee DFKMG ah kasoo horjeeda iyo DFKMG ah, gaar ahaan kooxda Shabaabka oo degaanno badan lugta geliyey iyadoo dagaalladu ay naafeeyeen ciidamada DFKMG ah iyo kuwa Itoobiya oo sii daciifaya, iyadoo kooxaha iskacaabintana ay ka heleen dalka meelo ay iyagu saldhig ka dhigteen hubkana uga soo dago, taasoo keentay inay kala daataan ciidamadii DFKMG ah oo ay ku kalliftay in hogaamiyashii DFKMG ah samaytaan maleeshiyo beeleedyo ka baxsan ciidamada dawladda oo ay isticmaalaan.

Waxaa sidoo kale warbixin rasmi ah oo uu bixiyey Aadan Madoobe Gudoomiyaha Baarlamaanka bishi June 2008 ku sheegay ka dib markii uu la tashaday labada madax ee kale C. Yusuf iyo Nur Cadde in amniga dalka uusan gacanta ugu jirin maalin walbana sii xumaanayo. Dhanka kale warbixin ay soo saareen kooxda Amniga iyo horumarinta bishii May 2008 waxay ku sheegeen dagaalka hubka wax burburiya loo adeegsanayo la dagaallanka waxa loogu yeero argagixisada uu ku fashilmay Afganistan, Ciraaq, Soomaaliyana uu ku fashilmi doono. Duqaynta uu Maraykanku u gaysano meelo fog ee uu madax muhiim ah ku tuhmayo ayaa muujinaysa in Maraykanka looga baahan yahay inuu hoos usoo dego oo uusan xoogga Meleteri ku fitnoobin.

Marqaatiga iyo cadaymaha ka muuqda warbixnnada sugan ee kor ku cad ayaa muujinaya in qorshihii Maraykanka iyo Itoobiya uu fashilmay, ayna suurta geli waysay in la jabiyo kooxaha iskacaabinta haddii aanan la gummaadayn shacabka Soomaalida oo idil, maxaa yeelay waxaa fashilmay wixii siyaasad lagu dayey Soomaliya 18 sano ee lasoo dhaafay inkastoo laga faa’iidaystay ceebaha bulshada qaarkood oo loo adeegsaday qabqablayaal isku dilaya wax aan qiimo dhab ah lahayn, wakiilna uga ahaa xabashida dagaal sokeeye oo laga dhex wado Soomaalida dhexdeeda iyo xattaa haddii 3 malyan oo Soomaali ah la barakiciyey.

La kulanka Isbahaysiga kama imaan in dhinaca kale mawqif sare ama xooggan taagan yahay waxayse ku timid mawqifka liita oo uu gumaystuhu taagan yahay kuna fashilmay inuu siduu doono dalka wax uga dhisto. Waana dabiici markaa in laga faa’iidaysto fursadda oo la raadiyo sidii looga bixi lahaa fashalka lagu jiro oo hadaf siyaasi ah lagu xaqiijin waayey, lana raadiyo si nabadgelyo ah in looga baxo iska horimaadka iyo dagaalka.

Heshiiska waxaa ku jira qodob cadaynaya in 120 gudahood la doonayo in Gumaysigu dalka kaga baxo, taasoo ahayd hadafka ama yoolka ugu weynaa ee iskacaabinta oo ka dhigaysa in Isbahaysigu uu xaqiijiyey guul aad u weyn.

Waxaa soo baxay qaylo dhaan iyo canbaarayn ka imaanaysa qaar ka mid ah hogaankii Iskacaabinta oo lagu sheegayo in heshiisku yahay mid looga laabtay ujeedooyinkii iskacaabinta, laakiin qiyaastayda halgan kastaahi waa inuu ku dhammaado is afgarad siyaasadeed oo wadahadal ku imaanaya, is afgarad kasta oo la gaarana wuxuu shaqayn karaa marka Xoogagga iskacaabintu ka midaysan yihiin ujeedooyinka, aayaha, istaraatiijiyadda iyo tabaha la adeegsaanayo dagaal iyo wadahadalba.

Falcelinta aan wanaagsanayn ee soo baxaysana waxay muujinaysaa in aan awood loo lahayn wadatashi iyo xiriir dhex mara inta arrintu qusayso taasoo ku imaan karta xaaladda dagaal iyo wadicga qarsoodida ah ee lagu jiro amaba ay dhici karto inay lug ku leedahay dawladda martida loo yahay oo aysan Isbahaysiga siinaynin jawi xornimo siyaasadeed oo ay howlahooda ku wataan, taasina waxay keenaysaa in aad loogu baraarugo ahamiyadda ay leedahay in la dammaanad qaado in go’aanka Siyaasadeed ee Soomaalida uu helo madax bannaani.

Sidaa darteed waxaan aaminsanahay in fursad la siiyo heshiiskan sidii looga miro dhalin lahaa taasoo lagu gaari karo in la helo wadahadal iyo dood guud oo saraaxo leh oo dhex marta xoogagga iskacabinta kuwada jira.

Wadajirka iyo iskuduubnaanta xoogagga wadaniga ah ee kala duwan ayaa asaas u ah in wadahadalka ah howl muddo jiitamaysa laguna noogayo uu miro dhalo iyo in bixitaanka Itoobiya uusan ku koobnaan wadahadalka ee uu ugudbo sidii dib loogu yagleeli lahaa dawladnimadii Soomaaliyeed loona soo celin lahaa hay’adahi Qaranka iyo kaabayaashii dhaqaalaha iyo dhismayaashii hoose ee noloshu ku taagnayd, taana lama helo karo haddii hay’adaha siyaasadeed ee halganka hogaaminaya aysan midaysnayn.

Sidoo kale waa in xisaabta lagu darsadaa in cadawga uusan heshiiska si niyad sami ah ku fulin doonin ee kooxaha kuxiran uu adeegsan karo sidii loo carqaladayn lahaa, wuxuuna mar walba isku dayi doonaa inuu garaaco jabhadda ballaaran ee wadaniga ee kasoo horjeeda isagoo ka faa’iidaysanaya meelaha aan muhiimka ahayn ee la isku khilaafsan yahay iyo ceebaha bulshadeennu leedahay.

Dagaal kastaahi wuxuu leeyahay hadaf Siyaasadeed, waa in markii la helo muddo ka dib isku dheellitirnaan ka jirta dhanka awoodda sida haatan daraasadka ku cad ama soo baxday ay markaa ku danbayn doonto oo ay tahay arrin dabiici ah in miiska wadahadalka la iskugu yimaado.

Waxaa waajib ah in la fahmo xeerarka cayaarta marka ay timaaddo cilaaqaadka ama xiriiryada caalamiga ah, laguna shaqeeyo xeerarka ay leedahay iyadoo aan lagu dhex soconayo sharciyadda Caalamiga ah ee haatan usoo istaagtay arrinteenna oo ah in Golaha Ammaanka oo haatan ka shaqaynayo sidii xal loo gaari lahaa. In laga faa’iidaysto fursadda oo laga fogaado habdhaqan kasta oo naga sii fogaynaya is garabtaagga arrinta Soomaliya ay Beesha Caalamku u hayso, aan sidoo kale lagu dhicin qaladkii shalay keenay in Itoobiya caalamka oo idil noogu kaalmaysato duullaanka ay dhulkeenna ku qabsatay, markii ay Maxkamaduhu talada gacanta ku hayeen.

Waa in iskacaabintu hubkeeda gacanta ku haystaa ilaa iyo inta Gumaysigu dalka ka baxayo, lagana dhisayo ciidamo Qaran ee loo dhan yahay. Waana in muqaawamada loo dhaafaa goobaha ay gacanta ku hayso ilaa xal laga gaarayo arrimaha dastuuriga iyo mushkiladaha xukumka ee ku xariirsan.

Siyaasaddu waa “fanka wixii suurtagal ah” taasoo macnaheeda tahay in la aqbali karo wixii markaa la heli karo iyadoo iskudheelitiranaanta awoodaha iyo danaha lagu xisaabtamayo. Mana ahan macnuhu in halgankii iyo loollankii dhammaaday ee wuxu ku soconayaa qaabab kale oo aan xabbad ahayn.

Marka la eego xaaladda Soomaaliya xoogagga isku haya waa tiro badan yihiin. Dhinac waxaa taagan Itoobiya iyo xulafadeeda Soomaalida ah oo ay garab taagan yihiin xoogag Gobolka ah iyo kuwa caalami ah oo siiya hub, dhaqaale iyo asturis ama dabool siyaasadeed si ay xadgudubkeeda halkaas uga sii wadato. Dhanka kale waxaa taagan shacabka Soomaaliyeed oo kaligii naftiisa difaacanaya oo aysan jirin cid garab taagan, wuxuuna huray waxyaalo badan oo qaali ah oo aan casrigan xaadirka ah la arag cid hurtay, mana aysan jirin cid garab istaagtay xattaa markii la eego kuwii noogu dhawaa ee Jaamacadda Carabta iyo Ururka Islaamkaba, oo iska fiirsanayey waxa dhibaato shacabka Soomaliyeed ku dhacaysa iyagoo xattaaa gabay inay ku doodaan waxa sharciga Caalamiga ah qabo markii Itoobiya si gardaro ah ugu soo xadgudubtay madaxbannaanida Soomaliya.

Sidaa darteed waxaa na hor yaalla mas’uuliyad shacabka hortiisa ah inaan ka fogayno burbur, gummaad, geeri, gaajo iyo rafaad kale, kuma sii jirto marka cadawgu uu burburin ku hayo tiirarkii nolosha ummadda oo gaajaynta iyo rafaadintu ay tahay tabo dadka la dagaallamayo lagu jilciyo, waana in il gaar ah lagu hayo tabaha cadawgu adeegsanayo ee uu ku waxyeelaynayo dhaqaalaha iyo shacabka.

Sidoo kale taa macnaheed ma ah in heshiiska ka dib ay Itoobiya iyo xulafadeeda gudaha ay joojinayaan hagardaamadii shacabka lagu hayey waxayse badalanaysaa tabaha sidaba ay ku haysay shacabka Soomaaliyeed 18 kii sano ee lasoo dhaafay, oo ay dawladdii Soomaaliyeed tabo siyaasadeed ku burburisay iyadoo adeegsaday jabhada ka dibna hubka isugu dhiibtay si aan Soomaaliya u caga dhiganin iyadoo dusha ka wada xukumaysay iyaga iyo dagaallada ay galayeenba iyadoo riwaayaddii kusoo dhammaatay shirkii Ambagati ee lagu soo saaray xulafadii Itoobiya ka dibna ay ku marti qaadeen iyana gumaysiga dalka. Waa inaan ku talagalnaa in cadawgu ka shaqayn doono qaska iyo sidii uu tabo kale ugu xaqiijin lahaa wixii uu dagaalka ku xaqiijin waayey.

Dhanka kale wuxuu heshiisku yahay fursad aan himiladeennii ugu xaqijin karno waddo siyaasadeed mar haddiiba ay taasi suurtagal tahay mana aha hadafku bixitaanka Itoobiya ee qura ee waa sidii lagu heli lahaa dawlad Qaran oo shaqaysa.

Heshiiskan cusub wuxuu Isbahaysiga gelinayaa marxalad cusub oo halgan, oo laga yaabo inay marxaladdii hore ka adag tahay, una baahan tahay xirfado ka weyn kuwii hore iyo dulqaad iyo nafas dheer iyo loollan diblomasiyadeed oo dhinacyo badan ah iyo in meelo hor leh lagu kasbo si tartiib ah iyo marba bar.

Hadda wixii ka danbeeya waxaa Isbahaysiga looga fadhiyaa u diyaar garowga marxalad cusub iyo dyaarinta hay’adahii iyo kawaadirtii qaban lahayd howlaha cusub o ay ka mid tahay sidii dalka looga saari lahaa dhibaatoyinkii gumaysigu ka tagay iyo hannaankii dowladnimo ee gurracnaa iyo hagaajinta dastuurka iyo hannaankii dalka lagu dhaqi lahaa gumaysiga ka dib iyo sidii tabahiisii lag furfuri lahaa.

Haddii aan la helin qorshe qarameed faahfaahsan oo ka tarjumaya sidii dalka loo dhisi lahaa iyo kawaadirtii howshaa u istaagi lahaydba, maku guulaysan doono in yididilooyinkeeni la xaqiijyo.

Sida aan mustaqabalka u suuraysanayo waa inuu ahaa mid u cad kooxaha halgamaya iyo shacabka Soomaaliyeedba . Awood iyo sulda laguma gaaro kaliya awood iyo xoog, waxaase lagu gaaraa aqoon iyo garasho casri ah iyo habdhismeed casri iyadoo la adeegsanayo qaababkii lagu ciribtiri lahaa khurafaadka bulshada reer baadiyaha awooyayaalkeed ka dhaxashay ee ku dhisan walaaga iyo daacadnimada qabiilka loo hayo oo tii qaranka ka waynaatay, taasoo noqotay aboor jirkii ummadda iyo dhuuxeediiba cunaya.

Waxaa dhici kartaa wixii aan guul ku xaqiijinay hubka inaan ku dayacno goobta loollanka nabadgalayada iyo siyaasadda ku salaysan, haddii aanan la jaanqaadin heerka dhacdooyinku marayaan, oo aan fahmi wayno caalamka aan maanta ku nool nahay sidoo kalana aan garan weyno sidi loola fal gali lahaa ama aan xaqeenna uga soo dhacsan laheen iyo sharafteenna taasoo uun kusoo suuraybaysa ama kaamil noqonaysa marka la helo madaxbannaani iyo dawlad qaran oo Soomaalidu ku midaysan tahay.

Maxammed Shariif Maxammuud.

Qoraa Soomaaliyeed oo Diblomaasi ahaa.

cowslafil,news,network (CNN) .

email: cowslafil@cowslafil.com.

 


Somali News.
Dastuurka...

Shir Looga hadlayey.

TFI Somali Republic.

Xaflad Balaaran oo

Xaflad Balaaran oo lagu xusayey Munaasabada 1Luulyo..


Khudbad uu soo ..


Heshiis Khartuum.

Soora Lo,Anella.

Xaflad Balaaran.

Xaflad Soo Dhoweyn