|
Guddoomiyaha gobalka Shabeelaha hoose Dr. Cabdul qaadir Sh Maxamed Nuur ayaa xaqiijiyay in 4 ruux oo Soomaali ah kana shaqeynayay dhinaca samafalka lagu heysto gobalka uu gudodomiyaha ka yahay.
Afduubka Samafalayasha loo geystay ayaa waxaa ku jiray (madaxii Hay'ada WFL Fadumo Xaajow iyo maxamuud cabdi oo ka mid noqdeen 12-Samafale oo Sh/Hoose lagu haysto).
Hay'ada WFL ayaa waxaa ay tahay Hay'ad si wayn looga yaqaan Gobolka Sh/hoose waxaana ay hay'adaasi ka howl gashay halkasi kadib bur burkii soo gaaray dalka Soomaaliya waxaana ay wax ka qabataan howlaha la xiriira Caafimadka beeraha iyo xanaanaynta Caruurta Agoonta waxaana ay Magaalada Marka ka howl galisay dhowr Xarun oo lagu xannaaneeyo ilmaha agoonta ah.
iyadoo aanay jirin wax dhaqhaqaaq` ah oo lagu baadi-goobayo Hawlwadeennadda qafaalka loo haysto, inkastoo ay Hay'adaha Caalamka iyo Bulshada Rayidka ku baaqayaan in la sii daayo Samafalayaashaasi oo lagu kala qafaashay Degmooyinka Afgooye, Aw Dheegle iyo Deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa waxaan ilaa iyo haatan jirin wax dadaal ahi ay wadaan maamulka G/sh/hoose.
C/rixiin Muuse Cadde oo ka mida Mas'uuliyiinya Hay'ada WFL ayaa ku tilmaamay Afdubaasi uu ahaa mid aad u qaldan islamarkaana aan loo baanayn in La Afduubto dad u sheegay in u gar gaarida Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan dadka iyagu ka barakacay Dagaalada iyo Colaadaha ku soo noq noqday wadanka Soomaaliya waxaana uu ka codsaday dadkii Afduubtay in si dheqsi leh ay ku soo daayaan Mas'uuliyiintaasi.
cowslafil,news,network (CNN) .
email: cowslafil@cowslafil.com.
|