|
Safiirka dowladda Maraykanka u fadhiya magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya Donald Yamamato ayaa sheegay in dowladda Maraykanku ay taageersan tahay howlgalada ay ciidamada Itoobiya ka wadaan ka wadaan gudaha dalka Somalia, isagoo sheegay iney yihiin kuwo wax ku ool ah oo wax ka taraya nabad ku soo celinta dalka Somalia iyo guud ahaan geeska Afrika.
Mr. Yamamato ayaa intaa ku daray in ciidamada Itoobiya ay ku casuuntay dalka Somalia Dowladda federaalka Somalia si ula dagaalamaan ciidamada maxaakiimta Islaamka oo ay ka buuxeen ayuu yiri kooxo argagaxiso ajnabi ah oo xiriir la leh ururka Al Qaacida, wuxuuna xusay in ciidamada Itoobiya cagta mariyeen kooxahaasi kuna guuleysteen iney awoodooda wiiqaan.
Sidoo kale, waxaa uu sheegay safiirku in ciidamnada Itoobiya ay ku guuleysteen iney xoojiyaan dowladda federaalka Somalia, isla markaana gacanta u geliyaan caasimada Somalia magaalada Muqdisho si ay awooda dalka u hanato, wuxuuna sheegay in illaa iminka ay ciidamada Itoobiya taageeraan dowladaas, taasoo uu sheegay in beesha caalamka ay kaga kasbatay amaan iyo kalsooni badan sida uu hadalka u yiri.
Hadalka safiirka Maraykanka u fadhiya dalka Itoobiya ayaa ku soo beegmay xilli ururarada u dooda xuquuqda aadanaha ee caalamiga ah iyo shacabka Soomaaliyeed intaba ay ku eedeeyeen ciidamada Itoobiya iney gabood falo dha ah bani aadaminada ka geysteen dalka Somalia, taasoo hase ahaatee dhowr jeer oo hore ay beeniyeen xukuumadaha Somalia iyo Itoobiya, waxaana hadalka marayanka loo arkaa mid lagu dhiirigelinayo xasuuqa ay ciidamada Itoobiya ka wadaan gudaha Somalia.
cowslafil,news,network (CNN) .
email: cowslafil@cowslafil.com.
|