Welcome to Cowslafil.com

BBC Somali

BBC 11:00 - 11:15
BBC 14:00 - 15:00
BBC 16:00 - 16:15
BBC 18:00 - 18:30
Xaflad Qalinjebin...
Get your Free Videosi

Xawaaladda Dahabshil
Somali Links
A
B
baidoa 
Buurhakabo.com 
Bulsho  
C   
Cows La Fil 
Cadaado 
Cadayga 
Calayaale 
Cayaaraha 
Ceelbuur 
CRD 
cigonet.co   
D
Diilhare.com
Dir Era 
daawo 
dawanpress 

doolo 
deeyoo 
darwiishland
dayniile.com
 
 

Dawladda Maraykanka oo ku baaqday in si deg-deg ah dalka Soomaaliya loo geeyo ciidamo hordhac ah oo ka socda Qaramada Midoobay

July-05-008 Cowslafil , Mogadishu, Somalia .  

Safiirka dalka Maraykanka u fadhiya magaalada Nairobi Micheal Renbeigner oo wareysi siinayay wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa sheegay in xukuumadda Washington ay dooneyso in si deg-deg dalka Soomaaliya loogu daad gureeyo ciidamo nabad ilaalineed oo ka socda Qaramada Midoobay si wax looga qabto xaaladaha ammaan iyo bini’aadanimo ee ka jira dalka Soomaaliya.

Safiirka Maraykanka u fadhiya dalka Kenya ayaa sheegay in dawladda Maraykanka ay ka codsatay Qaramada Midoobay in ciidamo nabad ilaalineed oo ka socda Qaramada Midoobay maalmo gudahood la geeyo dalka Soomaaliya, wuxuuna intaa ugu daray in dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ay ugu baaqeen inay wax ka beddelaan mawqifkooda iyo siyaasadooda ku aaddan dalka Soomaaliya.

Safiirka wuxuu sheegay in muhiimadda ugu weyn ay tahay in sare loo qaado dimoqraadiyad iyo doorasho xor ah oo ka dhacda dalka Soomaaliay xilliga kala guurka ee sanadka 2009-ka taasoo buu yiri wax weyn ka beddeli doonta kala duwanaanshaha fikirka iyo is jiid-jiidka siyaasadeed ee dagaalka ku salleysan ee ka jira dalka Soomaaliya.

Safiirka Maraykanka ee dalka Kenya wuxuu sheegay in xukuumadda Washington ay qaadi doonto tallaabo kasta oo ay kula dagaalamayaan kooxaha Argagaxisada oo doonaya inay hoy nabad gelyo ah ka sameystaan dalka Soomaaliya, wuxuuna ku cel-celiyay in ay aad uga so horjeedaan in Soomaaliya ay noqoto hoy argagaxiso oo ay ku soo qulqulaan shaqsiyaad argagaxiso ah oo ka yimaada dalalka Paksitan iyo Afghanistan.

Safiirka wuxuu sheegay in magaalada Muqdisho ay ka taagan tahay xaalad nabad gelyo xumo tii ugu darneyd, wuxuuna meesha ka saaray in Maraykanka uu qorsheynayo inuu ciidamo u diro dalka Soomaaliya, wuxuuna taasi beddelkeeda sheegay in ay lagama maarmaan tahay in Qaramada Midoobay ay ciidamo u dirto dalka Soomaaliya, ciidamadaasi oo loo baahan yahay inay noqdeen kuwo dhex-dhexaad ah oo aan dhinacna la safan isla markaana hanta nabad iyo xasiloonida magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka Soomaaliya.


cowslafil,news,network (CNN) .

email: cowslafil@cowslafil.com.


Somali News.
Dastuurka...

Shir Looga hadlayey.

TFI Somali Republic.

Xaflad Balaaran oo

Xaflad Balaaran oo lagu xusayey Munaasabada 1Luulyo..


Khudbad uu soo ..


Heshiis Khartuum.

Soora Lo,Anella.

Xaflad Balaaran.

Xaflad Soo Dhoweyn