Kooxo aan la garanayn oo watay gaari yar oo kuwa raaxada
ah ayaa xalay fiidkii waxay bam gacmeed ku tuureen saldhig
yaraha booliska oo ku yaalla bartamaha magaalada Baydhabo,
waxaana qaraxaasi bamka ah uu sababay dhaawaca labo
askari oo ka tirsan ciidamadii ilaalada ka ahaa saldhig
yarahaasi.
Qaraxa kadib ayaa waxaa la maqlay rasaas hal dhinac
ah oo ridayeen oo kaliya cidamada booliska ah ee ku
sugnaa saldhig yarahaasi, inkastoo kooxihii bamka ku
weeraray oo watay gaarina ay goobta ka baxsadeen iyagoo
si xawli ah ku socda, waxaana daqiiqado kaddib goobtaasi
soo gaaray ciidamo gurmad ah oo ka yimid dhinaca saldhigga
weyn ee magaalada Baydhabo kuwaasoo bilaabay inay rasaas
cirka u ridaan, kuna amraan dadkii ku ganacsanayay hareeraha
waddada dheer ee laamiga ah inay halkaasi isaga xaroodaan.
Ciidamada booliska ee gurmadka u yimid ahaa durba waxay
bilaabeen inay hawl gallo baaritaan ah oo ku baadi goobayaan
kooxihii ka dambeeyay weerarkaasi bamka loo adeegsaday
hase yeeshee kuma guuleysan inay gacanta ku soo dhigaan,
waxaana saacado kaddib jawiga magaalada Baydhabo gaar
ahaan nawaaxiga saldhig yaraha uu noqday mid caadigiisii
ku soo noqday.
Ma ahan markii ugu horreysay oo weerar loo adeegsaday
bam gacmeed uu ka dhaco magaalada Baydhabo, waxaana
qaraxii ugu dambeeyay lala beegsaday xafiis ay dawladda
hoose ku leedahay suuqa weyn ee magaalada Baydhabo,
halkaasi oo ay ku dhaawacmeen labo ka tirsan ciidamada
dawladda hoose ee halkaasi ku sugnaa, iyadoo ciidamaduna
ay isla goobtii ku toogteen nin dhallinyaro oo ay sheegeen
inuu ka dambeeyay qaraxaasi.
cowslafil,news,network (CNN)
.