Welcome to Cowslafil.com

BBC Somali

BBC 11:00 - 11:15
BBC 14:00 - 15:00
BBC 16:00 - 16:15
BBC 18:00 - 18:30
Xaflad Qalinjebin...
Get your Free Videosi

Xawaaladda Dahabshil
Somali Links
A
B
baidoa 
Buurhakabo.com 
Bulsho  
C   
Cows La Fil 
Cadaado 
Cadayga 
Calayaale 
Cayaaraha 
Ceelbuur 
CRD 
cigonet.co   
D
Diilhare.com
Dir Era 
daawo 
dawanpress 

doolo 
deeyoo 
darwiishland
dayniile.com
 
 

Caruur iyo iyo dad waayeello ah oo nafaqo darro ugu geeriyooday qeybo ka tirsan gobolka Hiiraan

July-05-008 Cowslafil , Mogadishu, Somalia .  

Ilaa afar qofood oo saddex ka mid ah ay caruur yihiin halka qofka kalena uu ahaa oday da’ ah ayaa 48-kii saac ee la soo dhaafay ku geeriyooday saddex xaro oo ku taalla magaalada Beledweyne oo ay ku sugan yihiin qoysas badankooda ka soo barakacay rabshadaha iyo iska hor imaadyada ka jira magaalada Muqdisho.

Qoysaska barakayaasha ah ee ku jira xerooyinkaasi qaxootiga oo ka kala yimid gobollada Banaadir, Bay iyo deegaanada ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa soo food saartay xaalad nololeed iyo bini’aadanimo tii ugu darneyd iyadoo aanay jirin wax hay’ado samafal ah oo gar-gaar gaarsiiyay qoysaskaasi, waxaana lagu soo warramayaa in qaar ka mid ah caruurta ku sugan xerooyinkaasi ay nafaqo darro awgeed ay indhaha la beeleen isla markaana ay cagaha uga bar-barareen.

Qoysaka soo barakacay ee ku nool xerooyinka qaxootiga ee ku yaalla magaalada Beledweyne ayaa waxaa nafaqo darrida u weheliya cudurro ay ka mid yihiin Malaariyada, Tiifowga iyo cudurrada maqaarka gala, waxaana iska cad oo aan shaki ku jirin in haddii aysan gar-gaar helin waqtiyada soo socda ay in badan oo ka mid ah caruurta iyo haweenka xerooyinkaasi ku sugan ay naftooda halis galeyso.

Iyadoo ay intaasi oo dhibaato ah ay ka jiraan xerooyinkaasi qaxootiga ayaa haddana waxaa maalinba maalinta ka dambeysa soo gaaraya qoysas hor leh oo ka soo baracaya iska hor imaadyada iyo abaaraha ka jira gobollada dalka Soomaaliya, waxayna qoysaskaasi ka codsadeen hay’adaha samafalka iyo walaalahooda Soomaaliyeed ee iyaga dhaama inay gar-gaar la soo gaaraan.

cowslafil,news,network (CNN) .

email: cowslafil@cowslafil.com.


Somali News.
Dastuurka...

Shir Looga hadlayey.

TFI Somali Republic.

Xaflad Balaaran oo

Xaflad Balaaran oo lagu xusayey Munaasabada 1Luulyo..


Khudbad uu soo ..


Heshiis Khartuum.

Soora Lo,Anella.

Xaflad Balaaran.

Xaflad Soo Dhoweyn