|
Sheekh SHariif Sheekh Axmed, gudoomiyaha guddiga fulinta isbahaysiga dib u xoreynta dalka ayaa ka Hadley dagaalada ka soconaya dalka Somalia xilli dowlada iyo isbahaysiga garab ka mid ah ay heshiisyo kala saxiixdeen..
Sheekh Shariif ayaa sheegay in ciidamada Itoobiyaanka ay yihiin kuwa qaadaya talaabooyin uu ku tilmaamay in ay daan-daansi yihiin, isla mar ahaantaasina ay colaad uga abuurayaan deegaano hor leh oo dalka ka mid ah..
Ciidamada itoobiyaanka xaq darro ayay dalka ku joogaan, mana ka ogolaaneyno in ay ku sii joogaan, shacabka Soomaaliyeed iyo muqaawamadaba wey la dagaalami doonaan” ayuu yiri Shariifka.
Dhinaca kale, wuxuu ka Hadley munaasabada 1-da Luulyo ee xornimada, wuxuuna sheegay in Soomaaliya ay weli ku jirto gumeysi, ayna jirin Karin munaasabado loogu dabaal degayo xornimada..
Hadalkan ayuu Sheekh Shariif sheegay manta, isaga oo ku sugan dalka Yemen, iyada oo ay socdaan dadaalo lagu dhex dhexaadinayo dhinacyada isbahaysiga dib u xoreynta ee Jabuuti iyo Asmara.
cowslafil,news,network (CNN) .
email: cowslafil@cowslafil.com.
|