Welcome to Cowslafil.com

BBC Somali

BBC 11:00 - 11:15
BBC 14:00 - 15:00
BBC 16:00 - 16:15
BBC 18:00 - 18:30
Xaflad Qalinjebin...
Get your Free Videosi

Xawaaladda Dahabshil
Somali Links
A
B
baidoa 
Buurhakabo.com 
Bulsho  
C   
Cows La Fil 
Cadaado 
Cadayga 
Calayaale 
Cayaaraha 
Ceelbuur 
CRD 
cigonet.co   
D
Diilhare.com
Dir Era 
daawo 
dawanpress 

doolo 
deeyoo 
darwiishland
dayniile.com
 
 

Hay’adda Cunnada adduunka ee WFP oo sheegtay in xaaladda cunno yari ee ka jirta dalka Soomaaliya ay gaartay meeshii ugu xumeyd

July-05-008 Cowslafil , Mogadishu, Somalia .  

Saraakiil u hadashay Barnaamijka cuntada Adduunka ee WFP ayaa waxay sheegeen in xaaladda cunno yari ee ka jirta dalka Soomaaliya maalinba maalinta ka dambeysa ka sii dareyso isla markaana ay gaartay meeshii ugu xumeyd, iyagoo intaasi ku daray in haddii ay sidan ku sii socoto ay kumanaan Soomaali ah u dhiman doonaan gaajo iyo nafaqo darro.

Saraakiishaasi u hadashay hay’adda WFP waxay sheegeen in iyagoo taasi ka duulaya ay kordhiyeen shixnahada gar-gaarka ay keenayaan dalka Soomaaliya, iyagoo intaasi ku daray in gar-gaarkooda ugu badan uu ku wajahan yahay dadka barakacayaasha ah ee ku dhaqan inta u dhexeysa magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye.

Saraakiisha hay’adda WFP waxay sheegeen in tirada dadka deegaannadaasi ku nool ay haatan gaarayso 326,000 oo ruux oo labo jibbaar tiradii halkaasi ku sugneyd horraantii bishii May ee sanadkan, waxayna intaa ku dareen barakaca qoysaskaasi ay sabab u yihiin iska hor imaadyada ka soconaya magaalada Muqdisho iyadoo ay xusid mudan tahay bay yiraahdeen saraakiishaasi in 70 qof oo rayid ah lagu dilay gudaha magaalada Muqdisho hal toddobaad gudihiisa.

Hay’adda WFP saraakiisha u hadashay waxay sheegeen in ay qorsheeyeen in shixnado gar-gaar oo badan ay u soo daabulaan dalka Soomaaliya, balse waxaa taasi caqabad ku ah bay yiraahdeen kooxaha burcad badeeda ka qowleysta xeebaha dalka Soomaaliya, waxayna ka codsadeen beesha caalamka iyo Qaramada Midoobay intaba inay qaadaan tallaabooyin deg-deg ah oo wax loogu qabanayo kumaananka qoys ee ku dhibaataysan gudaha dalka Soomaaliya.

cowslafil,news,network (CNN) .

email: cowslafil@cowslafil.com.


Somali News.
Dastuurka...

Shir Looga hadlayey.

TFI Somali Republic.

Xaflad Balaaran oo

Xaflad Balaaran oo lagu xusayey Munaasabada 1Luulyo..


Khudbad uu soo ..


Heshiis Khartuum.

Soora Lo,Anella.

Xaflad Balaaran.

Xaflad Soo Dhoweyn