| |
Bam gacmeed lagu weeraray shineemo ku taalla Degmada Xamarjajab oo sababtay dhimasho iyo dhaawac
...
Juun 22 - 2008 Cowslafil , Mogadishu, Somalia . |
|
Kooxo aan la garanayn ayaa abaarihii 8:00 fiidnimo waxay bam gacmeed ku tuureen shineemo ku taalla degmada Xajarjab oo lagu magacaabo Shineemo Afrika oo ay ahayd midda ugu shacbiyadda badan degmadaasi oo ay dhallinyaro fara badan oo isugu jira wiilal iyo gabdho u soo daawasho tagaan.
Xilliga ay kooxaha bamka ku tuureen shineemada ayaa waxaa ka socday aflaanta Hindi iyo Maraykan isugu jiro, waxaana halkaasi ku dhintay mid ka mid ah dhallinyaradii daawanaysay aflaanta, iyadoo uu sidoo kale dhaawac soo gaaray afar qofood kale, iyadoo kooxihii soo weeraray ay goobtaasi ka baxsadeen.
Waxaa kaddib shineemada gudaheeda ka billowday is buurasho ay sameeyeen dadweynihii halkaasi aflaanta ku daawanayay, iyadoo halkaasi ay waxyeello ka soo gaartay dad caruur u badan oo qaarkood lagu joog-joogsaday intii ay dadku kala cararayeen, waxaana goobta durbadiiba soo gaaray ciidamada dawladda federalka oo ku sugnaa aaggaasi kuwaasoo iyaga qudhooda bilaabay inay rasaas kor u ridaan.
Mudooyinkii ugu dambeeyay ayaa waxaa isa soo tarayay weerarada lala beegsanayo goobaha aflaanta laga daawado ee magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka Soomaaliya, taasoo sababtay in shineemooyin fara badan irdaha loo laabo, halka kuwo kale oo badanna ay milkiilayaashii iska lahaa ay iska xireen kaddib markii ay digniino iyo hanbaado la soo gaarsiiyay.
Januune Geedi
Muqdisho, Somalia
januune46@hotmail.com
Madaxii hay’adda qaxootiga UNCHR ee magaalada Muqdisho oo xalay dabley hubeysan ka afduubteen deegaanka Ceelasha Biyaha
...
Juun 22 - 2008 Cowslafil , Mogadishu, Somalia . |
|
Madaxii hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR xafiiskeeda Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Cali ayaa xalay fiidkii kooxo hubeysan waxay ka qafaasheen gurigiisa oo ku yaalla deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.
Sida ay xaqiijisay haweeneyda uu qabo sarkaalkaasi u shaqeynayay hay’adda UNHCR waxaa guriga yimid kooxo hubeysan oo watay labo gaari, waxay soo gar-garaaceen albaabka guriga, waxaana markii uu ka furay sarkaalkaasi ay ku amreen inuu dibadda u soo baxo, waxay bilaabeen inay su’aalo waydiiyaan, kaddibna waxay ku amreen inuu gaariga fuulo.
Haweeneyda uu qabay sarkaalkaasi ayaa weydiisay kooxihii sababta ay u kaxaysanayaan saygeeda, balse waxay jawaab uga dhigeen rasaas ay dhulka ugu dhufteen, taasoo sababtay in haweeneydii ay dib ugu cararto gurigeeda, lama garanayo halka ay la aadeen iyo sababta ka dambeysa afduubka masuulkaasi ka tirsan hay’adda UNHCR, balse waxaa lala xiriirinayaa falal afduub is xig-xigay oo muddooyinkii ugu dambeeyay loogu geysanayay gobollada dalka Soomaaliya shaqaale isugu jira caddaan iyo Soomaali oo u shaqeynayay haya’do samafal.
Madaxa xafiiska UNHCR ee magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Cali ayaa la sheegay inuu ku hawlahaa bixidda gar-gaar raashin ah oo ay hay’adda UNHCR ugu talo gashay dadka ka soo barakacay magaalada Muqdisho, waxaana afduubkiisa laga yaabaa inay saameyn weyn ku yeelato hawlihii gar-gaar oo ay hay’adaha samafal ka wadeen dalka Soomaaliya, waxayna afduubka loo geystay sarkaalkani ay sababaysaa in shaqaalaha hay’adaha samafalka ay ku dhiiran waayaan inay ka shaqeeyaan gudaha dalka Soomaaliya.
Shaqaalaha ilaa iminka ay afduubka ku haystaan kooxo aan la garanayn ayaa waxay gaarayaan in ka badan toban shaqaale, kuwaasoo u kala shaqeynahay hay’adda beeraha u qaabilsan Qaramada Midoobay ee FAO kuwaasoo lagu afduubtay qeybo ka tirsan gobolka Jubbada dhexe, Hay’adda CARE international oo shaqaale ka tirsan lagu afduubtay gobolka Galgaduud, saddex shaqaale oo labo caddaan tahay oo u shaqeynayay hay’ad ku shaqo leh horumarinta beeraha oo lagu afduubtay degmada Awdheegle ee gobolka Sh/hoose iyo masuulkan ka tirsan hay’adda UNHCR ee xalay lagu afduubtay deegaanka Ceelasha biyaha, lamana garanayo in afduubka shaqaalahani uu la xiriiro dhaqaale iyo arrimo siyaasadeed.
Januune Geedi
Muqdisho, Somalia
januune46@hotmail.com
Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee dhowaan gaaray tuulada Halgan oo doonayey in ay dib ugu laabtaan Baladweyno oo dagaal qaraar ku qabasadey Deegaanka Garasyaani ee isla Gobolkaasi Hiiraan ...
Juun 22 - 2008 Cowslafil , Mogadishu, Somalia . |
|
Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee dhowaan isku fidiyay dhulka buuraleyda ee u dhexeeya deegaanada Halgan iyo Garasyaani ee gobolka Hiiraan ayaa lagu soo warramayaa inay dib ugu soo laabteen magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, iyadoo aan ogeyn sababta rasmiga ah oo ay dib ugu soo noqdeen ciidamadaasi magaalada Beledweyne.
Toddobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxa ay ciidamada Itoobiya ee ku sugan gobolka Hiiraan wadeen dhaq-dhaqaaqyo militari oo aad u xooggan kuwaasoo sida la sheegay ay ku baadi goobayeen kooxaha ka soo horjeeda joogitaankooda dalka Soomaaliya, waxayna ahayd labo maalin ka hor markii ciidamadan oo ka tagay Janta Kundishe una socday tuulada Halgan ay madaafiic is waydaarsadeen kooxaha ka soo horjeeda.
Ciidamadan itoobiyaanka ah markii ay tageen tuulada Halgan waxay kulamo la yeesheen odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka deegaanka Halgan kuwaasoo ay ku wargeliyeen in hawlgalkooda aysan ku dooneyn inay ku waxyeelleeyaan shacabka, balse ay tahay oo kaliya hawl gallo ay ku xaqiijinayaan ammaanka gobolka, waxayna u sheegeen odayaashaasi in haddii iyaga la soo weeraro ay jawaab ka bixin doonaan.
Dhanka kale waxaa iyagana dhaq-dhaqaaq xooggan ka wada qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan kuwaasoo saraakiil u hadashay dhowaan ay sheegeen inay dharbaaxo kulul u geysan doonaan ciidamada Itoobiya ee ku sugan gobolka Hiiraan, waxaana jirta cabsi aad u xooggan oo ay dadka ku dhaqan gobolka ay ka muujinayaan isku dhac dhex mara ciidamada Itoobiya iyo xoogagga Maxkamadaha Islaamiga.
Dhanka kale Wararkii ugu danbeeyey ee laga helayo Deegaanka Garasyaani ayaa waxaa ay shegayaan in dagaal Qaraan uu ciidamadii Ethiopian-ka ku qabsadey Deegaanka Garsyaani kaas oo la siku weydaarsanayao Hubka Noocyadiisa kala Duwan isla markaasna aan la garaneyn qasaaraha Soo kala Gaarey Dhinacyada Soomaalida ee ka soo hor jedey Joogitaanka cidamadaas iyo Ethiopianka .
Goobataan Garasyaani ayaa ah Goob maalintii hore ee ay ka yimaadeen Baladweyne lagu weerarey sedan oo kale iyo xiri ka sii horeeyey ee ay ciidamo Ethiopian ka Guureen sedan oo kale Buulo Burte waana meel aad istiraatiiji ugu ah Dhinacyada ka soo horjeeda Ciidamada Ethiopia oo buuraley ah kuna Taala Bartamaha Gobolka Hiiraan Deegaanka Garsyaani.
Januune Geedi
Muqdisho, Somalia
januune46@hotmail.com
Kooxo hubeysan oo xalay degmada Afgooye dhaawac ugu geystay haween ka tirsan shaqaalah maxkamadda sare ...
Juun 22 - 2008 Cowslafil , Mogadishu, Somalia . |
|
Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa lagu soo warramayaa inay gudaha degmada Afgooye dhaawac ugu geystay haween ka tirsaneyd shaqaalaha Maxkamadda sare oo lagu magacaabo Qabuul oo caan ka ahayd degmada Afgooye, taasoo illaa xilligii dawladdii hore ka tirsanayd shaqaalaha maxkamadda.
Kooxaha marka ay dhaawaca u geysteen haweeneydan kadib ayay baxsadeen, waxaana dhaawaca haweeneydan oo aad u liidata loola cararay isbitaalka dhexe ee degmada Afgooye halkaasoo lagu dabiibayo iyadoo falkaasi dhaawaca loogu geystay haweeneydaasi ay si aad ah uga xumaadeen dadka ku dhaqan degmada Afgooye gaar ahaan haweenka.
Bishan gudaheeda ayaa waxaa Degmada Afgooye gudaheeda labo haween midna lagu dilay midna lagu dhaawacay, waxayna taasi si gaar ah wal-wal ugu beertay haween fara badan oo qaarkood ka shaqeysta nawaaxiga xarumaha ciidamada Itoobiya iyo kuwa dawladda federalka ay ku leeyihiin degmada Afgooye, kuwaasoo qaarkood la sheegay inay soo gaartay digniino iyo hanjabaado loogu sheegayo inay joojiso hawlaha ay ku jirto.
Lama garanayo sababta loo bartilmaameedsanayo haweenka ku dhaqan degmada Afgooye kuwaasoo isugu jira qaar u shaqeeya maamulka degmada Afgooye kuwo iskood u shaqeysa oo goobo ganasi ku leh nawaaxiga xarumaha ay ciidamada Itoobiya iyo kuwa dawladda federalka.
Januune Geedi
Muqdisho, Somalia
januune46@hotmail.com
Xubnaha baarlamaanka oo loo qeybiyay buugaag ay diyaariyeen quburro caalami ah oo la doonayo in dastuur cusub lagu sameeyo ...
Juun 22 - 2008 Cowslafil , Mogadishu, Somalia . |
|
Xubnaha baarlamaanka federalka Soomaaliya ee fadhigoodu yahay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa waxaa loo qaybiyay buugaag ay soo diyaariyeen quburro caalami ah oo la doonayo in laga diyaariyo dastuur cusub oo ay yeelanayso dawladda federalka Soomaaliya kaasoo ay qabanqaabadeeda wadeen muddooyinkii ugu dambeeyay ra’iisul wasaare Nuur Cadde iyo madax ka socota Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka.
Buugaagta loo qaybiyay xubnaha baarlamaanka ayaa waxaa weheliya qoraallo looga dalbanayo magacaabista guddiyo ay ka mid yihiin: Guddiga hub ka dhigista, guddiga sameynta xuduudaha, Guddiga doorashooyinka, Guddiga afti qaadidda iyo guddiga diyaarinta doorashooyinka la diyaarinayo inay dalka ka dhacaan sanadka soo socda ee 2009 ka hor intaysan dawladda federalka Soomaaliya boorsooyinkoda xir-xiran.
Xubnaha golaha baarlamaanka ayaa looga fadhiyaa inay ka doodaan buuggaasi isla markaana ay ansixiyaan ama diidaan, iyadoo guddoomiyaha baarlamaanka federalka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe uu sheegay in xukuumadda federalka marka hore looga baahan yahay inay baarlamaanka u keento ajeendaha la xiriira sameynta dastuurka kadibna ay ka doodaan codna u qaadaan si loo ansixiyo.
Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa sheegay inuu isagu talo ahaan soo jeediyay in dasuurkaasi lagu sameeyo gudaha dalka Soomaaliya iyadoo ay quburro ka socota caalamka ay qabeen in dastuurka lagu soo sameeyo dibadda, wuxuuna sababta uu ku diiday arrintaasi Sheekh Aadan Madoobe ku sheegay inay tahay in uu isagu doonayo in dalka lagu dhaqo shareecada Islaamka.
Januune Geedi
Muqdisho, Somalia
januune46@hotmail.com
Xoogagga ka soo horjeeda joogitaanka ciidamada Itoobiya iyo dawladda federalka ee la wareegay degmada Bardaale oo soo rogay amarro cusub
...
Juun 22 - 2008 Cowslafil , Mogadishu, Somalia . |
|
Xoogagaga ka soo horjeeda joogitaanka ciidamada Itoobiya iyo dawladda federalka ee toddobaadkii la soo dhaafay la wareegay gacan ku haynta degmada Bardaale ee gobolka Bay ayaa lagu soo warramayaa inay ku soo rogeen amarro ay haweenka uga mamnuucayaan inay shaah ku iibiyaan hareeraha waddooyinka degmada Bardaale.
Waxaa horay si rasmi ah degmada Bardaale uga dhaqan galay amarro ay soo rogeen madaxda hoggaaminaysa xoogagga hubeysan ee la wareegay Degmada Bardaale kuwaasoo ay ka mid yihiin in la xiray dhamaan goobihii aflaanta lagu daawan jiray, in la joojiyay keenista qaadka ee degmada Bardaale iyo kuwo kale iyadoo sidoo kale lagu soo warramayo in isna dhaqan galay amarka haweenka looga mamnuucay inay shaah ku iibiyaan.
Toddobaadkii la soo dhaafay ayay ahayd markii xoogagga hubeysan ay si nabad ah kula wareegeen Degmada Bardaale, waxaana lagu soo warramayaa inay kooxahaasi ay qaateen matoorro iyo qalab kale oo ay hay’adda UNDP ugu deeqday xarunta degmada, waxayna kooxaha xilliyada habeenkii ah sameeyaan roondo ay ku xaqiijinayaan ammaanka degmada.
Guddoomiyaha Degmada Bardaale Yoonis Cali Dareer ayaa lagu soo warramayaa inuu ku dhuumaalaysanayo tuulooyin u dhow dhow degmada Bardaale isaga iyo xubno ka tirsan maamulka degmada, halka taliyihii saldhigga iyo xubno kale oo la socdayna ay gaareen magaalada Baydhabo ee gobolka Bay, mana jiraan ilaa hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Bay ee ku aaddan la wareegidda ay kooxahaasi la wareegeen degmada Bardaale oo iyada ka mid ah degmooyinka gobolka Bay.
Yoonis Cali Dareer guddoomiyaha maamulka degmada Bardaale iyagoo ku sugan mid ka mida h tuulooyinka ku hareersan, halka taliyihii saldhiggai yo xubno la soday ay soo gaareen Baydhabo, Maamulka gobolka Bay ayaan wax war ka soo saarin.
Januune Geedi
Muqdisho, Somalia
januune46@hotmail.com
Dawladda Jabuuti oo is hortaagtay tahriibayaal Soomaali ah oo u kala socday dalalka Yemen iyo Eritrea ...
Juun 22 - 2008 Cowslafil , Mogadishu, Somalia . |
|
Dawladda Jabuuti ayaa waxay gacanta ku soo dhigtay tahriibayaal badan oo Soomaali ah kuwaasoo doonayay inay u tahriibayaan dalka Yemen iyo Eritrea, kuwaasoo qaarkood dib loogu celyay meelihii ay ka yimaadeen halka kuwo kalena ay ku sugan yihiin xerooyin qaxooti oo ku yaalla dalka Jabuuti.
Bilihii ugu dambeeyay ayaa si aad ah u soo kordhayay tahriibayaasha ee dalka Yemen iyo Eritrea uga sii gudbaya dalka Jabuuti kaddib markii ay dadku cabsi ka muujiyeen tahriibka dhinaca nabadda ee loo mari jiray magaalada Boosaaso halkaasoo la sheegay in nuuqaadayasha doonida ay jirdil iyo dilba u geystaan tahriibayaasha.
Waxaa dalka Jabuuti xeebihiisa ka bixi jiray dooni dadka tahriibayaasha ah ka qaada Jabuuti isla markaana geysa xeebaha dalka Yemen kuwaasoo ka badbaado badnaa tan ka bixi jirtay Boosaaso, waxaana ay dadka tahriibayaasha ah ay badda ku safrayaan muddo saacado ah halka marka ay ka baxaan magaalada Boosaaso ay saddex maalmood iyo saddex habeen ay ku qaadato inay gaaraan xeebaha dalka Yemen.
Labo bilood ka hor ayay dawladda Jabuuti adkeysay ammaanka xeebaheeda iyo xuduudaha dhanka Eritrea, taasina waxay sababtay in dad badan oo Soomaali ah oo isugu jira dumar iyo rag ay ku go’doomaan dalka Jabuuti kuwaasoo qaarkood awoodi waaya inay dib ugu soo laabtaan meelihii ay ka yimaadeen, waxayna dawladda Jabuuti ay dadkani geysaa xeryo qaxooti oo aan lahayn cunno iyo hoy fiican, waxayna taasi sababtaa inay dadka ka soo tagaan xerooyinkaas isla markaana ay soo galaan gudaha magaalada Jabuuti.
Sidoo kale Ciidamada dawladda Jabuuti marka ay soo qabtaan dadka tahriib doonka ah waxaa la raadiyaa dadkii lacagaha ka qaatay amaba waday qorshaha dadkaasi lagu tahriibinayo, kaddibna waxaa la waydiiyaa halka uu ka yimid, waxaana kaddib loo dhaadhiciyaa xerada qaxootiga ee Cali-cadde, waxaana dhacda in dadku ay ku noolaan xerada, waxaana jawiga oo aad u kulul iyo shaqo la’aanta ay ku qasabtay dad fara badan oo u badan haween inay jaariyad ka noqdaan gudaha magaalada Jabuuti kuwaasoo hoos u dhigay qiimaha ay markii hore reeraha ugu shaqeyn jireen gabdhaha Reer Jabuuti.
Januune Geedi
Muqdisho, Somalia
januune46@hotmail.com
|
|
|