| |
Ilaa 5 qofood oo isugu jirta caruur iyo dad waayeello ah oo 24-kii saac ee ugu dambeeyay gaajo ugu geeriyooday inta u dhexeysa deegaannada Xaawo Cabdi iyo Lafoole
...
Juun 21 - 2008 Cowslafil , Mogadishu, Somalia . |
|
Ilaa 5 qofood oo 3 ka mid ah ay caruuri tahay, 2-na ay yihiin dad waayeello ah ayaa lagu soo warramaaya in 24kii saac ee ugu dambeeyay ay gaajo iyo qabow ugu geeriyoodeen Kaamka Darmaan oo ku yaalla inta u dhexeysa deegaananada Xaawo Cabdi iyo Lafoole oo ah goobaha ugu badan oo ay deggan yihiin qoysaskii ka barakacay magaalada Muqdisho.
Qoysaska ku dhaqan kaamka Darmaan oo ay dadkani ku geeriyoodeen ayaa iyagu waxay markii hore ka mid ahaayeen qoysaskii ku dhaqnaa xerooyinka qaxootiga ee gudaha magaalada Muqdisho kana cararay madaafiicda iyo iska hor imaadka xooggan ee ka dhaca magaalada Muqdisho, waxaana lagu soo warramayaa in tiro kale oo dad ah ay iyagana qatar ugu jiraan dhimasho haddii aanan saacadaha soo socda lala gaarin wax gar-gaar ah.
Qoysaskan barakacaasha ah ee ku dhaqan inta u dhexeysa deegaannada Xaawo Cabdi iyo Lafoole ayaa waxay ku nool yihiin guryo cooshado iyo baakado ka samaysan oo aanay awood u lahayn inay dhaxanta iyo roobka ka celiyaan, waxayna qoysaskaasi sheegeen inaysan wax gar-gaar ah helin muddo saddex bilood ah, waxayna ka codsadeen shacabka Soomaaliyeed kuwooda iyaga dhaama inay kaalmo la soo gaaraan.
Januune Geedi
Muqdisho, Somalia
januune46@hotmail.com
Kooxda burcad badeedda ah ee haysata markabkii laga lahaa jarmalka oo raashinka u diiday shaqaalihii markabkaasi kaddib markii ay ku hungoobeen lacago madax furasho ay dalbadeen ...
Juun 21 - 2008 Cowslafil , Mogadishu, Somalia . |
|
Waxaa maalinba maalinta ka dambeysa ka sii daraysa xaaladda shaqaalihii saarnaa markab laga leeyahay dalka Jarmalka oo ay 28-kii bishii May ay kooxo burcad badeed ah ku afduubteen xeebaha dalka Soomaaliya, sida uu saxaafadda u xaqiijiyay aabaha dhalay kabtanka markabkaasi.
Aabaha dhalay kabtanka markabkaasi ayaa sheegay inuu xiriir la soo sameeyay wiilkiisa oo saaran markabka ay burcad badeeddu haysato, wuxuu u sheegay in raashinkii loo diiday, isla markaana aysan haysan biyo fresh iyo adeeg caafimaad, wuxuuna intaa ku daray in qaar ka mid ah shaqaalahaasi ay iminka xanuunsanayaan una baahan yihiin daryeel caafimaad.
Kooxahan burcad badeedda ayaa lagu soo warramayaa inay ku hungoobeen lacago madax furasho ah oo ay ka sugayeen milkiilaha markabkan, waxayna bilaabeen inay la dagaallamaan shaqaalaha oo ay jirdilaan, waxaa sidoo kale la sheegay in kooxaha burcad badeedda ay isticmaalaan daroogo isla markaana ay mararka qaarkood iyaga dhexdooda isku dhacaan, waxaana taasi ugu sii daran in shidaalka uu ku socda markabka uu ku dhamaanayo muddo labo maalmood gudahood.
Shaqaalaha saaran markabkan oo tiradoodu tahay 15 ayaa waxay u kala dhasheen dalalka Ukrain, jarmalka iyo dalal kale, waxaana markabka la saaran kooxaha burcad badeedda oo tiradoodu dhan tahay 25 kuwaasoo argagax iyo cabsi gelin ku haya shaqaalaha, isla markaana ugu goodiyay in haddii aan saacadaha soo socda aysan helin madax furasho ay iyaga ka takhallusayaan.
Milkiilaha markabkan oo u dhashay dalka Jarmalka aya lagu soo warramayaa in muddooyinkii ugu dambeeyay ku jiray dadaallo oo lacago ku ururinay si uu madax furasho ugu siiyo kooxaha burcad badeedda si ay u badbaadaan markabka iyo shaqaalaha saaran intaba, waxaana la sheegay in iminka uu raadiyo qaababkii uu burcaddaasi lacagta ugu geyn lahaa.
Januune Geedi
Muqdisho, Somalia
januune46@hotmail.com
Masuuliyiinta gobolka Hiiraan ee shalay faarujiyay magaalada Beledweyne oo xalay fiidkii dib ugu soo laabtay. ...
Juun 21 - 2008 Cowslafil , Mogadishu, Somalia . |
|
Masuuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan ee shalay duhurnimadii isaga baxay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa wararku waxay sheegayaan in xalay fiidkii ay dib ugu soo laabteen magaalada isla markaana ay dib ugu laabteen xarumahoodii.
Kaddib markii ay masuuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan ay isaga baxeen magaalada ayaa waxaa la sheegayaa in magaalada ay jahwareer iy fawdo gashay kaddib markii dadwayne aad u tiro badan oo u dhallinyaro ay isku dayeen inay bililiqeystaan agabkii yaallay xarunta maamulka gobolka kuwaasoo markii odayaasha dhaqanka ee magaalada ay ka celiyeen.
Ka bixitaanka maamulka gobolka ee magaalada Beledweyne ayaa ka dambeysay kaddib markii ciidamada Itoobiya ee xarunta ku lahaa Janta kundishe ay ka baxeen halkaasi iyagoo u ruqaansaday dhinaca tuulada Halgan, waxaana dadaallo ay sameeyeen odayaasha dhaqanka gobolka u suurto gashay inay dib u soo celiyaan masuuliyiintii maamulka gobolka, iyagoo u ballan qaaday inaanan waxyeello loo geysan doonin.
Dhanka kale ciidamada Itoobiya ee shalay gaaray tuulada Halgan ayaa lagu soo warramayaa inay kulan la qaateen odayaasha iyo waxgaradka ku dhaqan tuuladaasi iyagoo kala hadlay sidii ay si nabad gelyo ah ugu mari lahaayeen waddada kaddib markii ay xoogagga hubeysan ay madaafiic ku weerareen ciidamadasi oo marayay Buundada Kabaqori oo u dhexeysa tuulooyinka Halgan iyo Garasyaani, waxaana madaafiicda ay ciidamada Itoobiya tuureen labo ka mid ah ay ku dhaceen tuulada Garasyaani kuwaasoo aanan geysan wax qasaare ah.
Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo gobolka Hiirana ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ee shalay tuulada Halgan gaaray ay u soo ruqaansadeen dhinaca magaalada Buulo-burte, iyadoo warar soo baxay ay sheegayaan in dhaq-dhaqaaq militari laga dareemayo nawaaxiga Buulo-burte oo ay ku sugan yihiin xoogagga maxkamadaha kuwaasoo isu diyaarinaya inay weerar kala hortagaan ciidamada Itoobiya.
Januune Geedi
Muqdisho, Somalia
januune46@hotmail.com
Qaramada Midoobay oo sheegtay in toddobaadkii la soo dhaafay oo kaliya magaalada Muqdisho lagu dilay in ka badan 50 qofood oo rayid ah ...
Juun 21 - 2008 Cowslafil , Mogadishu, Somalia . |
|
Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan isku xirka gar-gaarka bini’aadanimada ayaa war bixin toddobaadle ah oo ay soo saareen waxay ku sheegeen in magaalada Muqdisho toddobaadkii la soo dhaafay oo kaliya lagu dilay ilaa 50 qofood oo rayid kuwaasoo 20 ka mid ah ay geeriyoodeen maalinimadii Khamiista ee la soo dhaafay kaddib markii ciidamada Itoobiya iyo kuwa dawladda federalka oo dhinac ah iyo xoogagga iska hor jeeda uu iska hor imaad ku dhex maray gudaha magaalada Muqdisho, waxaana madaafiicda ay is waydaarsadeen labada dhinac oo ku dhacday meelo ka baxsay goobaha ay dagaalka ay sababeen tiro dhimasho iyo dhaawac badan.
Hay’adda Qaramada Midooday waxay warbixinteeda ku sheegtay in dadka rayidka ah ay waxyeellada soo gaaraan marka lagu kor dagaalamo, waxayna dhinacyada ku hardamaya gudaha magaalada Muqdisho ugu baaqday inay shacabka maatida ah u turaan oo aysan ku baabi’in awoodda ay iyagu haystaan.
Qaramada Midoobay waxay sidoo kale warbixinteeda ku cambaaraysay afduubkii Gobolka Galgaduud loogu geystay shaqaale ka tirsanaa hay’adda Care taasoo ay ku tilmaantay inuu yahay mid aad u fool xun oo laga yaabo inuu saameyn ku yeesho hawlaha samafal oo ay CARE ka wadday gobolkaasi iyo guud ahaan gudaha dalka Soomaaliya.
Hay’adda CARE International ayaa sheegtay inay joojinayso hawlihii samafal ee ay ka wadday gobolka Galgaduud ee dalka Soomaaliya haddii aanan si shuruud la’aan ah loo sii daynin shaqaalahaasi ka tirsanaa hay’adda CARE.
Qaramada Midoobay waxay ugu dambeyntii warbixinteeda ku sheegtay in boqolaal kun oo qofood oo rayid ah ay ka baraceen guryahooda magaalada Muqdisho kaddib markii ay korkooda ku dagaallameen ciidamada Itoobiya iyo dawladda federalka oo dhinac iyo xoogagga ka soo horjeeda, waxayna intaa ku dartay in dadkaasi ay cunno la’aan ba’ani ay haysato iyadoo hay’addu hoosta ka xarriiqtay in ilaa saddex Milyan oo qof ay u baahan doonaan gar-gaar dhamaadka sanadkan haddi aysan xaaladdu is beddelin.
Januune Geedi
Muqdisho, Somalia
januune46@hotmail.com
Ciidamada Ammaanka magaalada Gaalkacyo oo sheegay in hawl ay sameeyeen ay ku soo qabteen qof sitay walxaha qarxa
...
Juun 21 - 2008 Cowslafil , Mogadishu, Somalia . |
|
Taliyaha ciidamada ammaanka magaalada Gaalkacyo C/rashiid Cadbadeed ayaa sheegay in 24-kii saac ee ugu dambeeyay ay hawl gallo ballaaran oo ay ka sameeyeen magaalada Gaalkacyo ay ku soo qabteen tiro dad ah oo ay looga shakiyay inay ku lahaayeen qaraxii habeen hore ka dhacay gudaha magaalada Gaalkacyo.
Taliyaha wuxuu sheegay in ciidamada ammaanka ay gacanta ku soo dhigeen qof sitay walxaha qarxa oo damacsanaa inuu geliyo waddooyinka magaalada Muqdisho, waxayna sheegeen inay xabsiga dhigeen isla markaana ay baaritaan ku hayaan, marka uu dhamaado baaritaankaana ay saxaafadda faah-faahin buuxda siin doonaan.
Taliyuhu wuxuu sidoo kale in baaritaan lagu hayo dadka lagu tuhmay inay lug ku lahaayeen qaraxii ka dhacay dugsiga ummadda ee magaalkada Gaalkacyo kaasoo uu ku dhintay Nin nabadoon ahaa oo loo yaqaanay Kabaqori kaasoo gaarigiisa la hoos geliyay qaraxa, waxaana sidoo kale qaraxaasi ku dhaawacmay labo qofood oo rayid ah, wuxuuna intaa ku daray in ciddii wax dambi ah lagu waayo la sii deyn doono, ciddii lagu helana sharcigal a hor keeni doono.
Dhanka kale waxaa laga dayrinayaa xaaladda ammaan ee magaalada Gaalkacyo kaddib markii ay ku soo bateen kooxo ku hubeysan bastoolado iyo toorreeyo oo dadka u gala waddooyinka jid caddayaasha xilliyada habeenkii ah kana qaato lacagaha, mobilada iyo agabka kale oo ay sitaan.
Januune Geedi
Muqdisho, Somalia
januune46@hotmail.com
Tacshiirad ay fureen ciidamada DF oo dad ku dhaawacday wadada isku xirta Fagaaraha tarabuunka iyo isgoyska Km-4
...
Juun 21 - 2008 Cowslafil , Mogadishu, Somalia . |
|
illaa labo ruux oo rayid ah ayaa la sheegay iney ku dhaawacmeen rasaas ay Ciidamada dowladda federaalka ee ku sugan fagaaraha Tarabuunka oo ka tirsan degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ay barqanimadii maanta soo raaciyeen dhinaca wadada isgoyska Km-4 ee isla degmadaasi Hodan.
Lama oga ilaa hadda sababta keentay in ciidamada DF ee jooga fagaaraha Tarabuunka ay rasaas soo raaciyaan wadada isgoyska Km-4 ee iyadoo aysan jirin cid ay iska caabinayeen oo dagaal kaga soo horjeeday, xilli ay isgoyskaasi fariisimo ku leeyihiin ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ee ka socda dalka Ugandha
Labada ruux ee ku dhaawacmay rasaasta ay soo fureen ciidamada ayaa la sheegay iney ku sugnaayeen bartamaha wadada isku xirta isgoyska Km-4 iyo fagaaraha Tarabuunka ee magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka jidcaddaha looga leexdo guriga Dr. C/qaasim Salaad Xasan, waxaana dhaawacooda la dhigay isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho halkaasoo iminka lagu daweynayo.
Januune Geedi
Muqdisho, Somalia
januune46@hotmail.com
Qoysas soo barakacey oo si xoog ah maanta ciidamada Itoobiya ay uga saareen xero ay degenayeen oo ku taala Muqdisho ...
Juun 21 - 2008 Cowslafil , Mogadishu, Somalia . |
|
Boqolaal qoys oo ka tirsanaa daka ku barakacay gudaha Somalia ayaa maanta si deg deg ah uga guuray xeryo ay degenaayeen mudooyinkii ugu dambeeyey oo ku taala agagaarka deegaanka Sei biyaano oo ku tirsan degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ka dib markii ay sidaasi ku amreen Ciidamada Itoobiya ee jooga magaalada Muqdisho.
Ciidamada Itoobiya ayaa tegay xeradaasi saaka aroornmimadii iyagoo amarna ku siiyey qoysaskii degenaa halkaasi ee ku lahaa guryaha ka sameysan cooshadaha iyo bacaha iney si deg deg ah uga guuraan, waxaana dadki degenaa ay bilaabeen iney u hogaansamaan amarkasai si deg deeg ahna alaabnaoafdpopoda uga gurtaan halkasi iyagio ana gareabeynin jihadfi ay abari lahayeen.
Qoysaskaasi soo barakacay oo maanta ka sii barakiciyey ayaa la arkayey iyagoo si raxan raxan ah u socda wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye, waxaana dadkaasi intooda badan ka muuqatay wejiyadooda duruufo nololeed oo aad u adag ay ku sii jeedeen deegaanka ceelasha biyaha ee degmada Afgooye, dhinaca kale, lama oga illaa hadda sababaha ay ciidamada Itoobiya uga saareen dadkaasi xeradii ay degenaayeen hase ahaatee dhisme ku yaala deegaankaasi oo si aad ah loo ilaaliyo ayaa ah taliska dhexe ee ciidamada Itoobiya ee jooga Somalia.
Januune Geedi
Muqdisho, Somalia
januune46@hotmail.com
Sheekh Aadan Madoobe oo mudaneyaasha baarlamanka ugu laab qaboojiyey iney dhowaan heli doonaan mushaharooyinkoodii
...
Juun 21 - 2008 Cowslafil , Mogadishu, Somalia . |
|
Guddoomiyaha baarlamanka federaalka Somalia Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ugu baaqay in mudaneyaasha baarlamanka ee ka maqan magaalada Baydhabo, kuna sugan magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi iney muddo lix cisho gudahood ah ku soo galaan magaaladaasi Baydhabo, isagoo xildhibaankii sabab la’aan ka maqnaada wixii intaasi ka dambeeya laga qaadi doono talaabo sharci ah oo waafaqsan xeer hoosaadka baarlamanka sida uu sheegay.
Dhinaca kale, guddoomiyaha ayaa u balanqaaday xildhibaanada iney si deg deg u heli doonaan musharaadkoodii ka maqnaa mudada dheer, uuna arintaasi kala soo hadlay wadamada beesha caalamka ee taageeri jiray baarlamanka ka dib safar uu dhowaan ku tegay magaalada Nairobi ee dalka Kenya wuxuuna sheegay iney ka balan qaadeen iney si deg deg ah u bixin doonaan dhaqaalihii mudada sanadka ahaa ka baaqday mudaneyaasha oo imkan xaalaad adag oo nololeed ay ku heysato magaalada Baydhabo deymo fara badana looga yeeshay hoteelada iyo maqaayadaha ay ka cunteeyaan.
Sheekh Aadan madoobe oo ka hadlayey munaasabad maanta ka dhacday magaalada Baydhabo oo ay ka soo qeyb galeen xildhibaanada baarlamanka ee halkaasi ku sugan ayaa sheegay in marka ay xildhibaanda isku wada yimaadaan intooda badan magaalada Baydhabo ay ka qeyb geli doonaan kulankii caadiga ahaa xildhibaanada baarlamannka oo uu horyaalo mowshin ay xildhibaanada baarlamanku ku kala qeybsan yihiin oo ku saabsan iney galaan fasax labo bilood ah iyo in kale.
Januune Geedi
Muqdisho, Somalia
januune46@hotmail.com
|
|
|