Welcome to Cowslafil.com

BBC Somali

BBC 11:00 - 11:15
BBC 14:00 - 15:00
BBC 16:00 - 16:15
BBC 18:00 - 18:30
Xaflad Qalinjebin...
Get your Free Videosi

Xawaaladda Dahabshil
Somali Links
A
B
baidoa 
Buurhakabo.com 
Bulsho  
C   
Cows La Fil 
Cadaado 
Cadayga 
Calayaale 
Cayaaraha 
Ceelbuur 
CRD 
cigonet.co   
D
Diilhare.com
Dir Era 
daawo 
dawanpress 

doolo 
deeyoo 
darwiishland
dayniile.com
 
 


Sida aynu wada ognahay Ismaaciil C. Geele waxa uu maamulayey wadanka Jabuuti mudo 10 sanadood ah hadaba waxa lama huraana in la tilmaamo waxqabadkii wanaagsanaa ee uu wadankiisa u qabtay mudadaa uu xilka hayey.

Horumar iyo waxqabad aan cidina qarin Karin ayuu u soo hooyey wadankiisa, sida Dhaqaalaha,Caafimaadka,Nabadgalyada iyo waxbarashada oouu gaadhsiiyey heer lama ilaawaan ah.

Dhaqaalaha:.

Hadii aynu dhaqaalaha iyo horumarka uu gaadhsiiyey wax ka tilmaamo waxa ka mida

Labada ilood ee dhaqaalaha wadanku ku fadhiyey waa DEKEDA IYO MADAARKA(airport) oo maanta ah muraayada jabuuti waxa uu gaadhsiiyey heer caalami ah oo indhaha caalamku soo jiitaan taasi waxay keentay shaqo abuuris iyada oo dad aad u farabadani shaqooyin ka helaan wadankana dhaqaalihiisii hor u qaaday

Dekeda jabuuti waxa lagu tilmaami karaa Dekeda ugu shaqada badan Bariga Africa.

Nabadgalyada:.

Madaxweyne Geele iskuma dayin inuu xoog ku muquuniyo mucaaridkiisa sida madaxda africa balse waxa uu isticmaalay caqli fayyow iyo maskax caafimaad qabta isaga uu ula dhaqmay mucaarikiisa si dabacsan gacmo furana ku soo dhaweeyey si wadanka horumarkiisa looga wada qayb qaato. Talaabadaas geesinimada lihina waxay noqotay mid dadku u wada riyaaqay.

Madaxweyne Ismaaciil C. Geele waxa kale oo uu xooga saaray sidii wadanka soomaaliya uu u heli lahaa nabad iyo deganaasho isaga oo aad iskugu dayey in xal loo helo arinta soomaaliya si dariskiisu uu nabad u helo horumarna u gaadho.

Caafimaadka iyo Waxbarashada.

Madaxweyne Ismaaciil C. Geele waxa uu meel fiican gaadhsiiyey waxbarashada iyo caafimaadka oo ah waxyaalaha aasaaska u ah nolosha bani-aadamka.

Waxaynu odhankarnaa madaxweyne Geele waxa uu ka dhigay wadankiisa meel dunidu ku soo hirato oo ay maalgashadaan sida ,China ,Iran,Indonisiya ,Jaban iyo wadamada Carabta, dadaalada uu hada ku jiro ee ah inuu dhiso BIRIIJ isku xidha Africa iyo Khaliijku waxay noqon doontaa mid indhaha caalamka aad u soo jiidata.

Madaxweyne Ismaaciil.C.Geele waxa uu noqday madaxweyne muujiyey waxqabad wadaninimo waxaanu ka mutaystay dadkiisa iyo dunidaba sharaf,karaamo iyo ku dayasho .

Waxaan ku soo gabagabaynayaa qormadan yare ee kooban aniga oo aan soo wada bandhigi karin dadaalka iyo horumarka uu ku talaabsaday madaxweyne Ismaaciil.C.Geele mudadii tobanka sano ahayd.

Geesi lagu soo hirtaa tahee Geeloow Hay.

Horumar kii horseedaa tahee Geelow Hay..

Hogaan dhabaa tahee Geeloow Hay..

Ilaahay haku garab galee Geeloow hay..

.

Daaha Nuur Cali taaha58@hotmail.com ) email: cowslafil@cowslafil.com

 


Somali News.
Dastuurka...

Shir Looga hadlayey.

TFI Somali Republic.

Xaflad Balaaran oo

Xaflad Balaaran oo lagu xusayey Munaasabada 1Luulyo..


Khudbad uu soo ..


Heshiis Khartuum.

Soora Lo,Anella.

Xaflad Balaaran.

Xaflad Soo Dhoweyn