Welcome to Cowslafil.com

BBC Somali

BBC 11:00 - 11:15
BBC 14:00 - 15:00
BBC 16:00 - 16:15
BBC 18:00 - 18:30
Xaflad Qalinjebin...
Get your Free Videosi

Xawaaladda Dahabshil
Somali Links
A
B
baidoa 
Buurhakabo.com 
Bulsho  
C   
Cows La Fil 
Cadaado 
Cadayga 
Calayaale 
Cayaaraha 
Ceelbuur 
CRD 
cigonet.co   
D
Diilhare.com
Dir Era 
daawo 
dawanpress 

doolo 
deeyoo 
darwiishland
dayniile.com
 
 

Degmooyinka Madiina iyo Dharkeynley oo markii ugu horeysey laga furey Isbitaal gaar loo leeyahay oo qaabilsan qeybaha kala duwan

Juun 12 - 2007 Cowslafil , Mogadishu, Somalia .  


Maalintii shalay ayaa waxaa degmada Dharkeynley laga furay Isbitaal weyn oo lagu magacaabo SIXA  Medical Center, waxaana xaflada furitaanka ka soo qeyb galay qaar ka tirsan maamulka gobolka Banaadir iyo waliba dadweyne aad u farabadan.

Isbitaalkan ayaa waxaa xariga ka jarey gudoomiyaha degmada Dharkeynley mudane Maxamed Calasow (Madoobe) oo dadkii halkaasi iskugu yimid u sheegay in ay maamulka gobolka Banaadir si weyn uga qeyb qaadan doonaan adeegyada bulshada isaga oo yiri “Waxaa ILLAAHEY mahadiis ah in dhalinyaro is kaashatey ay markii ugu horeysey 16 sano noofuraan Isbitaal uuna yahey midkii ugu horeyeey ee Madiina iyo Dharkeynley laga furo dadkuna yimaadaan ayagoo aan meel dheer aadeyn habeen iyo maalinba” isgoo si kaftana u sheegay in ay amaanka Damaanad qaadayaan ilmahoodana keenayaan.

Sidoo kale, waxaa isna ka hadley ku xigeenka degmada Dharkeynley Yuusuf Boorow oo si weyn ugu mahadcelyey dadkii ka danbeeyey furitaanka isbitalka iyo sidoo kale gudoomiyaha Beesha Direed ee degmada Dharkeynley oo si weyn ugu bogaadiyey xafladaas is xilqaanka dheeriga ah ay sameeyeen.

Waxaa kale oo halkaasi ka hadley Sheekh Cabdi Samad oo ka mid ah Cuulumaa'diinka iyo aqoonyahanada deegaankaasi sida weyn looga yaqaan oo isna yiri “Waxaan horey u gaari weyney howshan aad qabateen” isla markaan ay gacan ka geysanayaa sii horumarintiisa.

Isbitaalkaan ayaa ka Kooban ilaa 5 Qeybood oo kala ah Gargaarka degdegaa, Bukaan Eegto,Qeybta Jiifka, Sheybaarka, qeybta Maamulka, iyo labo qeybood oo kala ah kuwa Qeybta raajada oo aan ka rajeyneyno Hindiya Dhaqaatiir ka imaaneysa iyo mid kale oo qaabilsan Kumbiyuutarka Uur kujirta oo isna sidoo kale Hindiya laga filayo 2 Bilood ka dib  sida u noo sheegay Agaasimaha Maamulka Isbitaalka Sixa Prof Cabdalla Cabdullaahi Xaaji .

Sidoo kale waxaa ha;kaasi ka Hadley Ganacsade caana oo lagu Magacaabo Xaaji Axmeed Afrax Cadow (Axmed HUU) oo asagu leh Guriga laga furey isbitaalkasheegayna in ay garab taagan yihiin Howlaha Isbitaalka.

Isbitaalkaan ayaa waxaa ka shaqeynata ilaa 4 Dhaqtar oo kala qaabilsan Cudurada Guud, Maxamed Yarow Maxamed ( Baariyow) Cudurada Caruurta DR Bashiir Shiikh Axmed Cudurada Caruurta iyo DRS Raxma Maxamed C/llaahi Cudurda Haweenka  iyo waliba aydoo uu marmarka qaar fariisan doono Dr buube .

Xaflada ayaa waxaa xariga ka jarey isbitaalka Gudoomiyaha degamada dherkeynley iyo ku xigeenada dhica nabad galayada iyo bulshada waxaana ay dadkii oo dhami ku soo wareegeen weybaha uu ka koobanyahey  isla markaana ay aad ula dhaceen dadkaas oo gaarayey ilaa 300 boqol ka soo qeybgaley

Waxaa isbitaalkaan uu noqonayaa midkii ugu horeeyey ee qeybha kala gedisan ku shaqo leh ee laga furo Degmooyinka Wadajir iyo dharkeynley  isla markaan leh adeegyada caafimaadka oo dhameystiran.

Januune Geedi
Muqdisho, Somalia
januune46@hotmail.com


Somali News.
Dastuurka...

Shir Looga hadlayey.

TFI Somali Republic.

Xaflad Balaaran oo

Xaflad Balaaran oo lagu xusayey Munaasabada 1Luulyo..


Khudbad uu soo ..


Heshiis Khartuum.

Soora Lo,Anella.

Xaflad Balaaran.

Xaflad Soo Dhoweyn