|
Munaasabad Ballaaran oo loogu dabaal Degayo 50-Guuradii ka soo wareegtay Maalintii ay Xornimada qaateen gobolada koonfureed ee Soomaaliya iyo israacii gobolada waqooyi iyo koonfurta somaliya oo lagu Qabtay magaalada London ee dalka Boqortooyada Ingriiska.
Xafladaasi oo ahayd mid si heer sare loo soo agaasimay oo Soomaali badan oo ku nool dalka UK ay wada sugayeen ayaa waxaa dadka kasoo qeybgalay laga dareemayay farxad iyo reynreyn, iyagoo qaarkood sitay calanka Soomaaliya halka qaar kalana ay xirnaayeen funaanado ku sawiranyihiin calanka.
“ Sidoo kale waxaa ka soo qayb galay wufuud badan oo ka kala socotay safaaradaha wadamada Mareykanka,Ingriiska,Kuwait,Yemen ,ururka jaamacadda carabta iyagoo u hambalyeeyay dhammaan umadda Soomaaliyeed meel waliba ay joogto .
“Sida caadadu ahayd munaasabadda waxaa lagu daah furay Aayadaha Quraanka Kariim ah iyo kalmado Alle xasuusin ah.
“Waxaa Ugu Horayn ka Hadlay Gudoomiyaha Jaaliyada UK Mudane CABDULQADIR CALI AADAN oo Ka jediyay hadala qiiro huwan ka warbixiyey taariikhdii xorriyadda, kana codsaday soomaalida iyo gaar ahaan jaaliyadda uu madaxa u yahay inay sii laba laabaan dadaalkooda sidii xal loogu heli lahaa arrimaha siyaasadda ee waddanka kana codsaday caalamka inuu u soo jeesto arrimaha Somaliya.
“Isagoo hadalka sii wata Gudoomiye CABDULQADIR CALI AADAN wuxuu si gaar ah ugu mahadnaqay marti sharaftii ka soo qeyb gashay munaasabada 50-Guuradii ka soo wareegtay Maalintii ay Xornimada qaateen gobolada koonfureed ee Soomaaliya iyo israacii gobolada waqooyi iyo koonfurta somaliya.
“Munaasabadda waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiin ay ka mid yihiin xildhibaan Cabdulqaadir Shiddo iyo wasiira dowlihii hore ee Madaxtooyada Xasan Macalin .Waxaa Xafladaasi lagu soo bandhigay Qiimaha ay leedahay 1-Luulyo iyo waajibka qofkasta oo Soomaali ah Maalintan ka saaran in uu xuskeeda ka qayb qaato
Munaasabadaasi waxaa kaloo hadalo ka jeediyey odayaal iyo hooyooyin soomaaliyeed oo goobjoog u ahaa marxaladi ay gobolladii Koonfureed iyo kuwii waqooyi uga qaateen xorriyaddoodii gumeystihii.
“ Sidoo kale fanaaniinta reer London halkaas ku soo bandhigeen heeso ka tarjumaaya maalinta 1-da Luulyo Damaashaad iyo dabaaldag kadib ayaa waxaa halkaasi si wadajir ah loo saaray calanka jamhuuriyadda Somaliya.
cowslafil,news,network (CNN)
email: cowslafil@cowslafil.com
|