|
Wasiirka Arimaha Dibada ee Dalka Djibouti Max’ud Cali Yuusuf ayaa shalay ku eedeeyay Israa’iil in ay Eritrea u gudbisay Maalgalin uusan cayim dagaalkii ugu danbeeyay ee labada wadan dhex maray, isaga oo ku eedeeyay in Eritrea ay doonayso in ay xoog ku qabsato biyo mareenka bada cas ee “Baabul Mandab.
isaga oo intaa raaciyay in Yuhuudu ay siiso Eritrea maalgalin aad u badan kuna leedahay gudaha Eritrea maalgashi fara badan. Yuusuf ayaa ku sheegay shir jaraa’id oo uu qabtay ka dib markii uu ka qeyb galay kulanka 13-aad ee Golaha fulinta Midowga Afrika ee Magaalada Sharma Sheekh “xadgudubyadii ugu danbeeyay ee xukuumada Eritrea ee laga soo maalgaliyay israa’iil ku soo qaaday dhulka Djibouti .
waxuu tusaale u yahay khatarta ay u leedahay dhamaan Gobolka” isaga oo intaa raaciyay “ marinka Baabul Mandab waxa uu fidsanyahay illaa Kanaalka Suweys amaankiisa waa mid ay iska leeyihiin Qowmiyada Carbeed”. Wasiirka ayaa sheegay in ay Dowlada Djibouti uga fadhido Golaha Amaanka ee Midowga Afrika in ay diraan ergo xaqiiqo raadin oo soo kormeerta xaqiiqada ka jirta xadka labada dal.
xukuumada eritrea waxay hubaysay shacabka sida uu u dhanyahay,iyada oo aan haysan imkaaniyaad farabadan oo dowladeed, marka waa dowlad ku nool kacdoon, sida ay u dhaqmeysana waxa uu khal-khal ku yahay dhamaan dowladaha gobolka” ayuu yiri wasiirka Arimaha Dibada Djibouti. Wasiirka oo ka hadlayay muranka kala dhaxeeya Eritrea xukuumada Itoobiya ayaa yiri “waxay kula nooshahay Itoobiya xaalad aan nabad iyo dagaal midna ahayn.
Max’ud Cali Yuusuf ayaa shaaca ka qaaday in uu wadankiisa bilaabay in uu ka shaqeysiiyo heshiiskii ay faransiiska kala saxiixdeen oo ahaa “iskaashiga dhinaca ciidanka” isla markaana ay Djibouti ku dhaqaaqday in ay ka shaqeyso kanaalada diblomaansiyada si Djibouti ay u qaado ugu danbeyntii Talaabo ku munaasab ah Eritrea iyada oo lala eeganayo wakhtiga ay ku haboontahay . Israa’iil ayaa iyadu ah mid geeska Afrika ka wada dhaq-dhaqaaq ay ku carqaladaynayso wadamada islaamka iyada oo horeyna loogu eedeeyay in ay Itoobiya ku taageertay sidii ay Soomaaliya u qabsan lahayd.
cowslafil,news,network (CNN) .
email: cowslafil@cowslafil.com.
|