|
Warar lagu kalsoon yahay oo laga helay ilo muhiim ah oo ku sugan magaalada Jabuuti ayaa sheegaya Kadib markii dhowaan wadanka Jabuuti ay gaareen wafdi isugu jira Odayaal ganacsato iyo Culumaa'udiin ka kal yimid dalka gudihiisa iyo dibadiisaba ayna ku jiranSaraakiil dhinaca howlagalada Muqdisho hoggaamisa, uuna ka mid yahay wafdigaasi Afhayeenka Guud ee Golaha Maxaakimta Sheekh Maxamuud Sheekh Ibraahim Suuleey ayaa waxaa ka bilowday Jabuuti kulamo xasaasi ah..
Wafuudan oo u gaaray Jabuuti si ay u dhex dhexaadiyaan isbaheysiga Dib u xoreynta oo khilaaf uu soo kala dhexgalay ayaa wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in heshiis guud laga gaaray dhameynta khilaafka u dhaxeeya Hogaanka sare iyo xubanha Isbaheysiga qaarkood wararkaan oo sidoo kale laga helayo oo TV-ga Aljazeera qeybta ay Internetka ku leeyihiin ay kasoo xigteen rag katirsan isbaheysiga Asmara ay sheegayaan in guulo laga gaaray heshiisiinta isbaheysiga dhexdooda..
Gudoomiyaha Isbaheysiga Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa oggolaaday inuu hor fariisto xubanha mucaaradsan uuna horkacaayo Sheekh Xasan Daahir Aaeeys isla markaasna wixii khilaaf ah ee jira lagu dhameeyo miiska wada hadalka, Ergadaan ayaa la sheegay iney dhinaca kale u gudbiyeen qodobada laga doodayo iyo iney wada hadalka ku soo biiriyaan Sheekh Xasan Daahir, waxeyna ergada sheegeen iney u gudbiyeen dalabkaasi isla markaasi muddo gaaban gudahood ay war buuxa ka keeni doonaan, Ergada u kala dab qaadeysa ayaa Isbaheysiga dib u xoreynta oo illaa iyo iminka la dhex dhexaadinayo lagu wada qanciyay in ay yeeshaan kulan fool ka fool ah si ay khilaafkooda inta haray u dhameeyaan kuwaasi oo kala ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Sheekh Xasan Daahir Aweys. Aljazeera oo soo xiganeysa Ilo wareed ay ku kalsoon tahay ayaa sidoo kale sheegtay in Kulanka Labadani mas’uul uu ka dhici doono Magaalada Ceelbuur ee bartamaha Soomaaliya haddii uu suurageliwaayayna uu ka dhici doono wadanka dibaddiisa..
Hoggaanka Maxaakimta ayaa badankooda waxaa ay isku raaceen in xilligani aanu habooneyn in xilka laga qaado Sheekh Shariif isla markaasina aanu jirin xilligani qof ku haboon oo booska uu iminka hayo qaban kara kadib markii dhowaan uu kasoo yeeray qaar kamid ah hoggaanka Maxaakimta in Sheekh Shariif ay ka qaadayaan Xilka uu u hayo Golaha Maxaakimta. Wafdigii ka baxay Soomaaliya ayaa weli wada, wada tashiyo ay la leeyihiin Hoggaanka sare ee Golaha Maxaakimta iyaga oo doonaya in ay soo afjaraan khilaafka xoogan ee soo kala dhexgalay Maxkamadaha tan iyo wixii ka dambeeyay Heshiiskii wadanka jabuuti ka dhacay.
cowslafil,news,network (CNN) .
email: cowslafil@cowslafil.com.
|