|
Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ayaa umada Soomaaliyeed ugu baqay in ay u istaagaan ka mirin dhalinta hishiiskii Jabuuti ay ku gaareen dowlada KMG iyo isbaheysiga dib u xoraynta Soomaliya kadib hadal uu ka jeediyay Munaasabada 27 June oo ah 31 guuradii ka soo wareegtay markii ay Xoriyada ka qaateen reer Jabuuti Wadanka Franciiska..
Madaxweynaha wadanka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ayaa waxa uu maanta kula hadlay dad farabadan Guriga umada ee magaalada Jabuuti,waxaana uu Madaxweynaha ka hadlay muhiimada ay u leedahay dadka reer Jabuuti Manaasabada 27 June..
Ismaaciil Cumar Geele Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti waxaa uu sidoo kale ka hadlay arimaha dalka Soomaaliya isgoo sheegay in aan loo baahneyn in Xili waliba Soomaalida dhexdooda shir loo wada qabto islamarkana ay ku kal tagaan,waxaana uu intaa ku daray in haatan Soomaalida ay garab weyn ka heysato Beesha Caalamka islamarkaana ay jaanis siisay kaasi oo ay aaya hooda wax ugu qabanayaan..
Madaxweynaha wadanka Jabuuti waxaa uu sidoo kale sheegay in Marihii ka Soobaxay shirkii dib u hisheesiinta ee ka dhacay magaalada Jabuuti loo baahanyahay in ay fuluyaan Shacabku,waxaana uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay meel waliba ay joogaan Sanadkaa sanadkiisa kale in ay ku gaaraan nabad iyo barwaaqo isagoo ugu baaqay in ay dhaxdha u Xirtaan sidii loo heli lahaa Dowlad loo dhanyahay oo shacabka Soomaaliyeed dhamantood ka saarta dhibaatada haysata..
Ismaaciil Cumar Geele Madaxwaynaha Jabuuti waxaa uu Xusay in hataan Magaalada Jabuuti ay ku sugan yihiin qaar ka mid ah Isbaheysiga dib u xoraynta Soomaaliya, waxaana uu sheegay in halkaasi ay kulan gaar ah ku qadan doonaan xubnaha isbahaysiga ee dhawaantaan uu qilaaf u dhaxeeyo kuwaasi oo qaar ka yimid wadanka Soomaaliya,waxaana kulankaasi ay kaga doodi doonan hishiiskii dhawaan lagu gaaray Magaalada Jabuuti ee Caasimada Wadanka Jabuuti wallow wararka ay sheegayaan in shirka ka dhacaya wadanka Saudiga ay ka qayb galayaan Xubnihii horay shirkii ka dhacay Jabuuti u diidanaa ee ku sugna Magaalada Asmara ee wadanka Eritrea.
cowslafil,news,network (CNN) .
email: cowslafil@cowslafil.com.
|