|
Wararka laga helayo ilo-wareedyo ciidamada amniga u hadlay ayaa sheegay in ciidamada amniga yaman dhowaan ku qabqabteen dad badan oo ajaanib ah oo u dagaalamayey kooxda gooni-goosadka ah ee shiicada yaman ee loo yaqaano XUUTHIYIINTA . jabhadaan ayaa dagaal hubaysan kula jira dawladda yaman waqooyiga dalka yaman siiba gobolka SACDA iyo weliba degaano raacsan gobola sanca.. Ciidamada amniga yaman ayaa xaqiijiyey in dadkan dagaalka lagu soo qabtay badankoodu soomali yihiin,Baaris hordhac ah oo ciidamada amingu sameeyaan ayay ku soo baxday in nimankan somaalida ah midkiiba la siiyey lacag dhan 100$ si ay dagaalka uga qayb qaataan. Waxa sidoo kale saraakiish amniga ee dalka yaman sheegeen in sidoo kale 4 sarkaal oo sirdoonka IRAN ka tirsan dagaalkaas lagu qabtay iyagoo weliba sita qalab sir ah,waraaqo cadayn ah iyo passports Iran leedahay.. Waxa la rumaysanyahay in saraakiishan iiraaniyiinta ah ay gacan militari siin jireen kooxda xuuthuyiinta ah ee dagaalka ka wada gobolka SACDA iyo degmooyin ka tirsan gobolka ay ku taal magaalo madaxda SANCA.
Dhacdadaan la yaabka leh ayaan la garan karin saameyn intee le'eg ayay ku yeelan kartaa soomaali aad u faraa badan ee ku nool dalka yemen..
source http://www.asharqalawsat.com/details.asp?section=1&issueno=10801&article=476186&state=true.
cowslafil,news,network (CNN) .
email: cowslafil@cowslafil.com.
|