|
Wararka ka imaanaya magaalada Jabuuti ee dalka Djabouti aya waxa ay sheegayaan in xubnaha isbahaysiga dib uxureynta dalka ee fadhigiisu yahay magaalada Asmara ee xarunta dalka Ereteria ay kusii qulqulayaan magaalada jabuuti halkaasoo hada ay joogaan xubno farabadan oo kamid ah isbahaysigaasi gar ahaan xubnihii saxiixay heshiiskii ay wada gaareen xubno kakala socda isbahaysigaasi iyo DKMG ee Soomaaliya.
Waxaana sidoo kale lagu soo waramayaa in ay halkaasi kusii qulqulayaan xubno kale oo kamid ah isabahaysiga dib uxureynta kuwaasoo kakala tagay dalka gudihiisa iyo dibadiisa waxaana kasoconaya halkaasi qabanqaabada kulan guud oo ay yeeshaan xubnaha isbahaysigaasi kaasoo lagu soo afjarayo qilaafka weynaaday ee udhaxeeya xubnaha isbahaysiga dib uxureynta dalka kaasoo keenay in isbahaysigu uu ukala qaybsamo labo qaybood.
Xubnaha sar sare ee isbahaysigaasi oo ay kamid yihiin Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan oo hada jooga magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa lagu wadaa in ay soo gaaraan magaalada Djabouti sida uu sheegay Sheekh C/raxmaan Janaqow oo kamid ah xubnaha sar sare ee isbahaysigaasi oo jooga dalka Djabouti.
Khilaafka udhaxeeya xubnaha isbahaysiga dib uxureynta dalka Soomaaliya ayaa salka kuhaya saxiixa heshiiskii ay magaalada Djabouti kusaxiixdeen xubno kakala socda isbahaysiga dib uxureynta dalka Soomaaliya iyo dowlada Soomaaliya kaasoo ay mucaaradeen xubno katirsan isbahaysiga dib uxureynta gaar ahaan xubnaha jooga magaalada Asmara iyo xubno kale oo jooga gudaha wadanka Soomaaliya inkastoo aanan lasheegin in kulanka lagu soo afjarayo khilaafka isbahaysiga ee lagu wado in uu Djabouti kadhaco kaqaybgalayaan xubno ay kamid yihiin Sheekh Xasan Daahir Aweys.
cowslafil,news,network (CNN) .
email: cowslafil@cowslafil.com.
|