Welcome to Cowslafil.com

BBC Somali

BBC 11:00 - 11:15
BBC 14:00 - 15:00
BBC 16:00 - 16:15
BBC 18:00 - 18:30
Xaflad Qalinjebin...
Get your Free Videosi

Xawaaladda Dahabshil
Somali Links
A
B
baidoa 
Buurhakabo.com 
Bulsho  
C   
Cows La Fil 
Cadaado 
Cadayga 
Calayaale 
Cayaaraha 
Ceelbuur 
CRD 
cigonet.co   
D
Diilhare.com
Dir Era 
daawo 
dawanpress 

doolo 
deeyoo 
darwiishland
dayniile.com
 
 
Danjiraha Jaamacadda Carabta u qaabilsan soomaaliya Samiir Xusni “ Ma jirto cid damaanad Qaadaysa Faragelinta Itoobiya”..............

   
june 19-008 Cowslafil , Mogadishu, Somalia .
 

Jaamacadda Carabta ayaa qayb qaadatay Shirkii Jabuuti waxayna u dirtay Wafdi uu hogaaminayay Danjire Samiir Xusni oo Jaamacadda Carabta u qaabilsan Qaaradda Afrika waxayna wafdigaasu si weyn uga qayb qaateen isu soo dhawaynta labada dhinac oo ugu danbayntii heshiis ka kooban 11 qodob kala saxiixday. Shabakadda Wararka Carabta ee Al-muxiid ayaa waxay waraysi ku saabsan Heshiiska Jabuuti iyo dawrka Carabt ee ku aadan Hirgelinta iyo dhamaystirka Wixii ay labada dhinac ku heshiiyeen kala yeeladay Danjire Samiir Xusni oo Jaamacadda Carabta Shirka goob joog uga ahaa. Waraysiguna wuxuu dhacay sidan:-

Al-Muxiid:- Goob joognimadiina Saxiixii Heshiiska Nabadda ee Soomaaliya , ma u aragtaan in lasoo celin karo Amniga xilli ay sii socoto Dagaalada ay wadeen Xoogagga MMIS iyo Dhaq dhaqaaqa Al-shabaab Al-Mujaahidiin?.

Samiir Alxusni:- waxaan aamin sanahay in heshiiskanu uu bilaw u yahay marxalad cusub ee taariikhda Soomaaliya, maxaa yeelay labada dhinac, Xukuumadda iyo Mucaaradku waxay isla meel dhigeen hab cusub oo ay ku baxayaan ciidamada Itoobiya taasina waa hor u mar muhiim ah.

Al-Muxiid:- Lakin waxaa badalaya ciidamada Itoobiya kuwo kale oo Ajnabi ah?.

Samiir Al-Xusni:- Haa xukuumadu waxay la gaartay Isbahaysiga dib u xoraynta bixitaanka ciidanka Itoobiya kadib marka la helo ciidamo kale oo badala kuwaas oo ka imaanaya Q.M muddo 120 maalmood ah oo ka bilaabanaysa 9-ka bashan June ee aan ku guda jirno, taasina waxay daliil u tahay kala guur cusub oo ku soo Siyaaday xaaladda Soomaaliya.

Su’aal:- Heshiiskan waxaa goob joog ka ahaa Q.M iyo Jaamacadda Carabta hadaba taasi Mas’uuliyad weyn ma saaraysaa labadan Hay’adood ee Caalamiga ah(Q.M iyo J.Carabta)?.

Jawaab:- Heshiiskanu wuxuu ku qabsoomay Dadaal caalami ah oo ka yimid Q.M oo kaashanaysa Jaamacadda carabta iyo M.Afrika, sidaa daraadeen mas’uuliyadda waxay qaanuun ahaan dusha ka saran tahay Caalamka, ayada oo lasii marayo Golaha Amaanka waxay hay’adahaasu ka wada shaqaynayaan dirista Ciidamo caalami ah waqtiga loo jaangooyay.

Su’aal:- Ma jiraan wax yaaba kale oo lagu heshiiyay?.

Jawaab:- Heshiiskanu waa mid dhinaca amniga khuseeya wuxuuna furayaa marxalad cusub oo ku soo biirta Arrimaha dib u heshiisiinta Soomaaliya ee bixitaanka ciidamad itoobiya si ay badalkooda u yimaadaan ciidamo caalami ah, balse 30-ka bisha Juun waxaa jiri doona kulan looga wada hadlayo wadahadal Siyaasdeed kaas oo looga wada hadlayo Qaybsashada Awooda iyo khayraadka , taasina waxay ka dhigan tahay in ay jirto fursad u suurta galinaysa qaybaha kala duwan ee Soomaaliyeed in ay ka qayb qaataan kulankaas, maxaa yeelay wada hadalka siyaasadeed kuma koobna oo qura Xukuumadda iyo Isbahaysiga dib u xoraynta Soomaaliya.

Su’aal:- Maxaa laga yeelayaa Qaybaha kale ee aan ahayn Isbahaysiga Dib u xoraynta kuwaas oo ka soo horjeeda heshiiska lagu gaaray Djabuuti?.

Jawaab:- “Arrimaha la xiriira mucaaradka ka soo horjeeda heshiiska ilaa iyo hadda sida kuwa lagu magacaabo Alshabaab Al-mujaahidiin waxaan aamin sanahay in ay si qaldan u fahmeen heshiiska, maxaa yeelay haddi uu hadafku ahaa bixitaanka ciidamada Itoobiya heshiisku wuxuu bilaw u yahay marxaladda noocaas ah, sidaa daraadeed ayay Isbahaysiga iyo Dawladduba isku waafaqeen, waxaana wanaagsan in ay midoobaan dadaaladu dhinaca Heshiiska, maxaa yeelay heshiisku wuxuu shacabka Soomaaliyeed in badan oo dhibaato iyo bur bur ah. Hadii aysan walaalaha Shabaab Al-mujaahidiin iyo qaybaha kale ee hubka wata lahayn hadaf kale, hadii hadafkoodu yahay mid ka fog bixitaanka ciidamad Itoobiya, sida dhisitaanka Dawladd Islaami ah ama Khilaafo Islaami ah, ama loolan siyaasadeed oo loogu jiro hirgelinta Xukun Islaami ah oo mucayan ah, arrintaasu waa xaalad gooni ah, lakin wixii laxiriira bixitaanka ciidamada Itoobiya waxaan aaminsanahay in qaabka loo qoray uu yahay qaab Wadani ah oo wanaagsan kana fogaynaya shacabka Soomaaliyeed sii socoshada dhibaatada wadadana u furaysa bixitaanka ciidamada Itoobiya”.

Su’aal:- sidee ugu suuro gali kartaa Ururka Jaamacadda Carabta in ay ka qeyb qaadato in ay abuurto heshiis soomaaliyeed oo dhab ah oo ay u wada dhanyihiin dhinacyada isku haya siyaasada soomaaliya?.

Jawaab:- marna Jaamacadu gacmaha kama aysan laaban dhibaatada Soomaaliya tan iyo sagaashanaadkii, haddana waxay ku sugnayd Djibouti si u garab istaagto Q.M, waxaana u suuro galay in ay xaliso Caqabado badan oo ka horyimaaday, waxaana leeyahay kulamada hadda soo socda ka soo qeyb gali doona xubno badan oo shacabku ay ku kalsoonyihiin jaamacaduna waxay ka shaqeyn doontaa in ka soo baxaan kulamadaasi heshiis soomaaliyeed, waxaana la filayaa in si kama danbeys ah oo ka balaaran sidii hore ay labada dhinac ugu saxiixi doonaan heshiiska Magaalada Jidah Boqortooyada Sacuudi carabiya.

Su’aal:- idinku ka jaamacad ahaan ma damaanad qaadaysaan in Itoobiya mar danbe soo galin gudaha Soomaaliya? .

Jawaab:- anagu wax aan balan qaadayno ma jiraan, Itoobiya waxay Dalka ku soo gashay codsi uga yimid DFKMG ah xiligii ay soo galaysay… runtii waxaa suura gal ah in uu jiro heshiis ah in marka hore ay dhamaato mushkilada Soomaaliya, laakiin cida damaanad qaadi karta in aysan awood shisheeye soo galin wadankani waxay ku xirantahay rabitaanka shacabka soomaaliyeed oo kaliya.

Su’aal:- Goorma ayay Jaamacada carabtu ka qeyb qaadanaysaa dib u dhiska Dalka Soomaaliya?.

Jawaab:- dhabtii waxaa jira go’aano carbeed oo ah in la qabto shirweyne carbeed oo la xiriira dib u dhiska Dalka Soomaaliya, waxaana uu ku aadanyahay isla marka ay labada dhinaca saxiixaan heshiiskooda kama danbeysta ah isla markaana ay qeybsadaan kheyraadka iyo xukunka wadanka oo iyadana ku aadan marka ay baxaan Ciidamada Itoobiya. .

Su’aal:- Ma jiraa Qorshe ah in Xoghayaha guud ee Jaamacada Carabta uu tago Soomaaliya si loo dajiyo xaalada cakiran ee ka jira halkaas?.

Jawaab:- xoghayuhu aad buu u daneynayaa in uu tago Soomaaliya, laakiin arintaasi waxay u baahantahay marka hore in si wanaagsan loo diyaariyo Booqashadiisa, xag siyaasadeed, xag Bulsho iyo xag amni intaba, arintaasna waa waxa aanu hadda wadno, ergay ka socda xoghaya oo ugu qaabilsan Arimaha Soomaaliya ayaa jooga Nairobi, sidoo kale waxaa jira safiir u jooga Jaamacada Magaalada Muqdisho, waxaana rajeynaynaa in xaaladu ay dhinac waliba ka wanaagsanaato si ay Xoghayaha Jaamacada Caamir Muusaa ugu suuro gasho in uu Booqdo Soomaaliya.

cowslafil,news,network (CNN) .

email: cowslafil@cowslafil.com.

 


Somali News.
Dastuurka...

Shir Looga hadlayey.

TFI Somali Republic.

Xaflad Balaaran oo

Xaflad Balaaran oo lagu xusayey Munaasabada 1Luulyo..


Khudbad uu soo ..


Heshiis Khartuum.

Soora Lo,Anella.

Xaflad Balaaran.

Xaflad Soo Dhoweyn