|
Waxaa dadwaynaha ku dhaqan degmada Baardheere ee gobolka Gedo qal-qal iyo cabsi weyn ku abuuray diyaarad nooceeda aan la garanay oo joog hoose ku socotay oo dul heehaabaysa magaalada Baardheere, waxayna diyaaraddaasi oo si aad ah uu guuxaysa ay sababtay in dadwaynaha ku dhaqan Baardheere ay hurdi waayaan.
Dadka degmada Baardheere ayaa sheegay in ay arkeen hal diyaarad oo joog aad uu hoose ku socoda isla markaana muddo ka badan nus saac ku wareegaysanaysay magaalada, balse waxay sheegeen dadkaasi inaysan garan karin nooca ay diyaaraddaasi tahay.
Guddoomiyaha degmada Baardheere Max’ed Xirsi ayaa sidoo kale saxaafadda u xaqiijiyay jiritaanka diyaaraddaasi, wuxuuna sheegay inaysan garan karin uujeedada dhabta ah ee ay diyaaraddaasi iyadoo joog hoose ku socota ugu dul meeraysanaysay magaalada Baardheere, wuxuuna carabaabay in ay dhici karto in diyaaraddaasi ay tahay kuwa wax basaasa ee ay leeyihiin dalalka shisheeye, kuwaasoo si gaar ah isha ugu haya gobollada koonfureed ee dalka Soomaaliya.
cowslafil,news,network (CNN) .
email: cowslafil@cowslafil.com.
|