Welcome to Cowslafil.com

BBC Somali

BBC 11:00 - 11:15
BBC 14:00 - 15:00
BBC 16:00 - 16:15
BBC 18:00 - 18:30
Xaflad Qalinjebin...
Get your Free Videosi

Xawaaladda Dahabshil
Somali Links
A
B
baidoa 
Buurhakabo.com 
Bulsho  
C   
Cows La Fil 
Cadaado 
Cadayga 
Calayaale 
Cayaaraha 
Ceelbuur 
CRD 
cigonet.co   
D
Diilhare.com
Dir Era 
daawo 
dawanpress 

doolo 
deeyoo 
darwiishland
dayniile.com
 
 
Qaramada Midoobay oo faah-faahin ka bixisay halka ay marayso qaban qaabada keenista dalka Soomaaliya ciidamo caalami ah oo ka socda Qaramada Midoobay..............

   
june 19-008 Cowslafil , Mogadishu, Somalia .
 

Ergayga gaarka ah ee xoghayaha Guud ee qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ahmed Ould Abdallah ayaa sheegay inay meel fiican marayaan dadaallada lagu doonayo in lagu meel mariyo qodobadii ay dhinacyada Soomaaliya ay ku gaareen heshiiskii Jabuuti gaar ahaan qodobka la xiriira keenisa ciidamo ka socda Qaramada Midoobay kuwaasoo beddela ciidamada Itoobiya ee haatan ku sugan dalka Soomaaliya.

Ergayga ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay waddo qorshayaal ay ciidamadaasi ku keenayaan Dalka Soomaaliya, waxaana mar la waydiiyay cidda qaadaysa masuuliyadda iyo keenista ciidamada ayuu sheegay ergayga in Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ay u taallo go’aan ka gaaridda iyo sharciyeynta ciidamada la geynayo dalka Soomaaliya.

Ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ahmed Ould Abdallah ayaa sidoo kale ka hadlay hawlaha dib u heshiisiinta iyo halka ay marayaan dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee la doonayo in horay loogu dhaqaajiyo qodobada qodobadii ay dhinacyada Soomaaliya ku saiixeen Jabuuti, wuxuuna sheegay inay jiri doonaan wada hadallo iyo dadaalo siyaasadeed oo la doonayo in dhinacyada Soomaaliyeed lagu dhiira geliyo inay meel mariyaan qodobada heshiisa ay saxiixeen.

Mar wax laga waydiiyay waxa uu kala socdo kulanka lagu wado inuu ka dhaco magaalada Maka ee dalka Saudi Arabiya iyo ajeendaha rasmiga ah ee looga hadlayo ayuu ergayga yiri “ Soomaalidu waa dad Muslim ah, waana muhiin in wufuud ka socota labada dhinac ay tagaan magaalada barakaysan ee Makkah si ay halkaasi mar kale ugu saxiixaan heshiiska, uguna tukadanaan, kuna duceystaan in Alle uu ka saaro dhibaatada haysata shacabka Soomaaliyeed muddada ka badan 17-ka sano.

Ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay inuu la kulmay dhincyo Soomaali oo muhiim u ah hawlaha dib u heshiisiinta oo ay ka mid yihiin dad qurbo joog ah oo dalka Soomaaliya uga soo cararay colaadaha ka jira, waxayna ii sheegeen buu yiri dadkaasi qurbo joogga in heshiiskani uu yahay mid taariikhi ah oo ummadda Soomaaliyeed ay uga bixi karto colaadaha iyo jiid-jiidka siyaasadda salka ku haya, wuxuuna ugu baaqay dhinacyada Soomaaliya inay ka digtoonaadaan dagaal uu sheegay inay dalkooda u soo guuriyeen dalalka Itoobiya iyo Eritrea.

cowslafil,news,network (CNN) .

email: cowslafil@cowslafil.com.

 


Somali News.
Dastuurka...

Shir Looga hadlayey.

TFI Somali Republic.

Xaflad Balaaran oo

Xaflad Balaaran oo lagu xusayey Munaasabada 1Luulyo..


Khudbad uu soo ..


Heshiis Khartuum.

Soora Lo,Anella.

Xaflad Balaaran.

Xaflad Soo Dhoweyn