|
Kadib markii aan sameeyay daraasad aad u dheer oo aan isku dayay inaan ogaado kalmadaha ay raga Soomaaliyeed ka siman yihiin ee dumarka ku beerlaxawsadaan,
Ayaa waxaan soo helay 100 kalmadood oo ka mid ah, kuwa ragga Soomaalidu ugu isticmaalka badan yihiin iskagana midka yihiin.
Yagoo isticmaala kalmadahan marka ay bilaabayaan hadalkooda iskuna dayaya inay qofta dumarka ahi lasii sheekaysato ama lasii hadasho, kadibna halkaa uga dhowaadaan.
Hadii aan qaar illaawo ama I garab maraana idinkaa sii dhamays tiri.
1. Sida Bunkaad ii qabataa
2. Waa laysku kaa goosanayaa
3. kurus baad tahay
4. saladhkaan kaa dhex arkaa
5. -waad soo tuurtay
6. Inaabti Bariis macaan
7. Qurux ayeeydeed
8. Waa laysku kaa jarayaa
9. Dhuc baad tahay
10. Gool baad tahay
11. Indho daraandar baad tahay
12. Indho deeralay baad tahay
13. Xaada ayaad i joojisaa
14. Xumad baad igu abuurtaa
15. Codkaagu waa maan-qaad
16. Bal yaan lagu cawriyin
17. Fariid qurux leh
18. -Gaari fahmo badan
19. Caqli culeys leh
20. -Yaakhii intee jirtey
21. -Abaayo macaan
22. Adiga waa na waashay yaakhii
23. Qalbi xanuun aa igu riday noo
24. Aniga cunto ma cuni kari
25. Yaakhii fiiriya sey u taallo
26. -Heey tani waa khatare
27. way iigu kaa baxdaa
28. Xaggeed ku nooleyd
29. Lama arag baad tahay
30. goormay ku dhaleen (inay mar hore ku dhalaan bay ahayd)
31. Waad isku dhacaysaa
32. Yaakhii waa i waashay aniga
33. Fujuq fariidaa tahay
34. way igaga kaa dhagtay
35. Beer lula )waa halkii Hadraawiye
36. jam-jam baad tahay
37. ninka ku helaa nasiib leh
38. inaabti miyaa lagu qabaa?
39. dharkan aad baad ugu soo baxday
40. waad maraysaa
41. khatar baad tahay
42. waa la yaabay
43. isku cun baad tahay
44. inaabti waan kaa helay
45. way igaga kaa dhacday
46. geenyo ayaad tahay
47. magac qurux badanidaa
48. waad I cajabisay
49. quruxley baad tahay
50. mays baran karnaa?
51. xaafadeed gashaa
52. numberkaaga ii sheeg
53. xalay oo dhan agtaydaan ka raadinayay
54. indhahayga nuurkoodaad tahay
55. wadnahayga jeexii baad tahay
56. jidhkaygaad dhex qaaday
57. qalbigaad luxday
58. jacaylkaaga aawadii axbaan idhi.
59. muxubo iyo kalgacal baad igu abuurtay
60. qof aan adiga ahayn qalbiga uma sii daayo
61. hadal hayntaadaan jeclahay
62. waad nuuraysaa
63. waabad I cawartay manta
64. baryahan maxaa kuu dhuuntay(waad qurux badatee)
65. sahal laguguma helayo
66. gab iyo rax baan kugu ahay
67. subag illaahay baad tahay
68. ag joogaagaan jeclahay
69. shacnigaagaa isoo jiita
70. hayga tagin bilaahi calayk
71. tii lay qoraad tahay
72. waan kaa helaa
73. way iigu kaa dhan tahay
74. lagaama jeesan karo
75. hooyonimo waad kusoo baxaysaa
76. mid kaa qurux badanba miyay jirtaa
77. halyay naagtii baad tahay
78. fujis baad tahay
79. maanshallaah, maxaad alaab ruxaysaa
80. xubno jalaqsaneey
81. sawdigan buskut noqday maaha
82. ilko caseey
83. indho u rooneey.
84. qiimo badaneey
85. wacaneey ma kusii dhaweeyaa?
86. cabaadh yahaagaa idilay
87. dhex yar
88. isku simaneey
89. malabooy
90. sonkoreey
91. kaftan wanaagsaney
92. hubqaaday
93. bil dhalataay
94. bilicsaneey
95. boqoradii haweenkaay
96. bohol yoobay awgaa
97. laamida ha marin baabuurtaa is duqayne
98. xuural cayn soo luntaad tahay kuwa aduunka uma ekide.
Raggii hore beerlaxawsigoodii wuxuu ahaa hal xidhaale, waxan ka mid ahaa:-
99. Nink intuu hablo gayaan ah u yimid, waydiiyay saddex su’aalood oo uu
Ta ugu garaadka fiican kaga dhex xulanayay wuxuu yidhi:-
Saddex arrin ii sheega
Geel xeradii!
Rag gogoshii!
Garrow iidaankii!
Hablihii mid ka mid ah ayaa garatay oo tidhi.
Geel xeradii waa nabad.
Rag gogoshiina waa Godob li’i.
Garrow iidaankiina waa Gaajo.
100. Nin kalena wuxuu yidhi:-
Gabadheey dhulkan duub
Yaduna markaasay tidhi dee ka kac waayee.
W.Q. Fardus Saed Dirir.
Fardusita624@hotmail.com.
|