| Taariikh
nololeedka marxuumada Maano Xaaji Cabduraxman Ciise
Cali Illaahey Janadii haka waraabsho Aamiin .
Desember 15-
2007 Cowslafil , Alexandria, Italy . 
MARXUUMADDA
MAANA XAAJI CABDURAXMAAN CALI CIISE
waxay ku dhalatay magaala madaxda gobolka Shabeelada
Hoose ee Marka cadeey, waxa ay ka mid tahay
muwaadiniinta soomaaliyeed ee la oran karo waxay qabteen
hawl la taaban karo intuu jiray dagaaladii sokeeye. Marxuumadda
waxay aasaastay xero lagu hayo
laguna xanaaneeyo caruur agoon ah iyo hooyooyin dhibateeysan oo shaqo
loo abuuray. Xerada lagu xanaaneeyo caruurta oo
loogu magac daray AYUUB ayaa ah xeryaha ugu weyn uguna
caansan soomaaliya.

Marxuumadda
MAANA XAAJI C/RAXMAAN ayaa waxay ahayd qof aad
guu ololeeya horumarka sida waxbarashada iyo wax
u qabashada bulshada gaar ahaan kuwa tabarta yar, waxaana
ay hawlo samafal oo waaweyn ka qabatay gobolkaasi, iyada
oo gacanta ku heyn jirtay xaruumo kala duwan oo kuwa
agoonta ay ka mid yihiin iyo kuwa waalidiintooda aan
awoodin inay u helaan xag waxbarasho iyadoo ku dhiirigelin
jirtay ardayda inay wax bartaan.

Caruurta
agoonta waa 1206 oo lagu hayo xarunta AYUUB oo
la aasaasay 1992 bisha agosto,
ujeedada loo aasaasay xarunta oo aheyd sidii
wax looga qaban lahaa dhibaatooyinkii faraha badnaa
ee ummadda la soo gudboonaadey oo ay keeneen dagaaladii
sokeeye iyo abaarihii gaar ahaan waxay aad ugu
guntatay sidii aay u badbaadin lahayd carruurta agoonta
ah oo waalidiintooda ku dhinteen dagaalo iyo gaajo.

Marxuumada
oo si aad ah xil isaga saartay la dagaalanka juhliga
iyo sidii loogu abuuri lahaa iskuulo wax lagu baro carruur
tiradooda gaareyso 7500 ayaa waxay dhaqan gelisay
dhisida iyo furitaanka xarumo waxbarasho ka kooban
32 dugsi lagu barto waxbarashada aasaasiga iyo
hal dugsi sare oo lagu barto cilmiga beeraha. Dugsiyada
waxaa ka mid ahaa:
- Janaale
- Ugunji
- Siigale
- Malable
- Busley
Daud
- Sagaarole
Maduloow Bibi Maere
- Adimoole
- Bulo
Mareer
- iyo
meela badan oo aan halkaan ku soo koobi karin.

Howsha
(objectives) xarunta waxa ay ka dhigantahay:
- Taakuleynta
agoonta
- Gargaarka
dumarka laga dhintay ama garoobka ah
- Waxbarashada
aasaasiga
- Mac-had
farsamo;
- Dugsi
sare ee beeraha;
- Abuuris
iskaashatooyin
- Caafimaadka
bulshada;
- Baraarujinta
caafimaadka .
- iyo
waxyaabo aan la soo koobi karin.


Marxuumad
Maano Xaaji Cabduraxmaan Cali Ciise howlaha muhiimka
ah oo ay ka fulisay degaanada Gobolka Shabeelada Hoose
ayaa ah kuwa badbaadiyey dhalaan/hooyooyin badan oo
ku jiray marxalad aad u adag mudadii uu socday dagaalkii
sokeeya isla mar ahaantaana mustaqbal u sameeya caruurta
degaanka xaq waxbarasho,shaqo iyo farsamo taaso la oran
karo Marxuumada howsha ay qabatay kuma koobneyn
badbaadinta jiilka maanta kaliya balse wax qabadkeeda ay
ka macaashi doonaan jiilisha/generation'da xiga.

Marxuumad
Maano Xaaji Cabduraxmaan Cali Ciise oo mudan in wax
qabadkeeda baal dahab ah laga geliyo taariikhda Gobolka
Shabeelada Hoose ayaa geerideeda waxaa maanta la
murugeysan dadyow aad u fara badan oo ku nool dalka
gudahiisa iyo dibadiisaba, gaar ahaan caruurta
agoonta oo ay halkaa ku xanaaneen jirtay dhamaanteen
samir iyo iimaan Allaha naga siiyo, Marxuumadana Janatul
fardowsa Allaha ka waraabsho. Aamiin. .







DIYAARIYE:
MAXAMED CALI XAREED.
ITALY
liban6256@hotmail.com
|