Welcome to Cowslafil.com

BBC Somali

BBC 11:00 - 11:15
BBC 14:00 - 15:00
BBC 16:00 - 16:15
BBC 18:00 - 18:30
Xaflad Qalinjebin...
Get your Free Videosi

Xawaaladda Dahabshil
Somali Links
A
B
baidoa 
Buurhakabo.com 
Bulsho  
C   
Cows La Fil 
Cadaado 
Cadayga 
Calayaale 
Cayaaraha 
Ceelbuur 
CRD 
cigonet.co   
D
Diilhare.com
Dir Era 
daawo 
dawanpress 

doolo 
deeyoo 
darwiishland
dayniile.com
 
 
Beesha direed oo cabasho ka soo saarey maamulka Gobolka Hiiraan in aan laha Tixgalin ...
   
Agoosto 22 - 2007 Cowslafil , Mogadishu, Somalia .
 

Qoraal Cad ay shalay ka soo saareen Magaalada baydhabo Beelaha Direed ee dega Gobolka Hiiraan ayay kaga hadleen arimaha siyaasada ayay qoraalkooda cad ku yiraahdeen.

“Anagoo ah Ugaasyada, Nabadoonada, Culamaa’udiinka, Siyaasiyiinta, Urarada Bulshada iyo Dhamaan waxgaradka Beelaha Direed ee dega Gobolka Hiiraan Gaar ahaan Magaalada Balad weyne oo kala ah:- Beelaha Faqi Cumar, Faqi Max’ed, Baajamaal, Reer ow saciid iyo Isaaq kuwaasoo ka mid ah qabaa’ilada degan Degmada Balad weyne magacna ku leh Sooyaalka taariikheed ee Gobolka qeyb weyna ka qaatay hormarinta Gobolka sida dhinaca warbarashada, iyo kobcinta dhaqaalaha Gobolka degana dhulka ugu baaxada weyn xagga beeraha dalagyo kala duwana ka baxaan, hadaba anagoo taas ka duulayana waxaan u sheegaynaa Dowlada Federalka KMG in maamulka dhawaan laga dhisay Degmada Balad weyne uu yahay mid aan loo meel dayin cadaaladana aan ku salaysnayn isla markaana aan waafaqsanayn Axdiga Qaranka ee KMG iyo weliba nidaamka Federalka.

Hadaba waxaan ka Codsanaynaa Madaxweynaha, Ra’isu wasaaraha in maamulka Gobolka iyo kan degmadaba ay dib u eegid ku sameeyaan dhismaha maamulka Gobolka Hiiraan iyo Degmadaba kana soo qeyb geliyaan beelaha Direed ee degan Gobolkaas idinkoo eegaya xaquuqda beelahaasu ay leeyihiin, runtii waa wax lala yaabo inaan marna laga soo qey gelin, maamuladii Gobolka laga sameeyay tan iyo markii ay dowlada KMG ay ka howl gashay dalka.

Waxaan ka Codsanaynaa dhamaan beelaha aanu wada deganahay inay gacan naga siiyaan sidii aan si cadaalad ah aanu wax ugu wada qeynsan lahayn”ayay ku yiraahdeen Qoraalkoodii dheeraa ay Beelaha Direed ka soo saareen shalay magaalada Baydhabo.

Januune Geedi
Muqdisho, Somalia
januune46@hotmail.com  


Kooxo hubeysan oo xalay weerar ku qaaday guriga uu Muqdisho ka daggan yahay Jeneraalka haysta Ciidammada Ethiopia ...
   
Agoosto 22 - 2007 Cowslafil , Mogadishu, Somalia .
 

Agagaarka guriga uu daggan yahay General-ka wata ciidammada Ethiopia ee ku sugan Somalia ayay xalay weerar ku qaadeen kooxo hubeysan oo aan la garanay, waxaana weerarkaas uu socday muddo 30-daqiiqo ah, sida ay sheegeen ilo wareedyo ku dhow agagaarkaas.

Ilo wareedyada ayaa waxay xaqiijiyeen in baasuukayaal iyo rasaas badan ay is-weydaarsadeen ciidammada ilaalada ka ah agagaarka gurigaas iyo kooxaha dagaalka ku qaaday, waxaana dadka deggen agagaarka deegaankaas ay sheegeen inay maqlayeen baasuukayaal iyo rasaas fara badan.

Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa xaqiijiya in abbaare 11:00 habeennimo uu dagaalkaas dhacay, xilli ay dadku hurdayeen, balse ay kusoo baraarugeen dhawaqa madaafiicda garbaha laga tuuro iyo sidoo kale rasaasta ka dhacda qoryaha waaweyn ee dhashiikayaasha ah.

Khasaaraha ka dhashay iska horimaadkaas oo ahaa kii ugu horreeyay oo si toos ah loogu qaado goobtaas ayaan la sheegin, waxaana dadka deegaanka aysan caddeyn wax khasaare ah oo dhashay, inkastoo ay sheegeen in xaaladda deegaankaas oo dhan uu yahay mid daggan xilligaan oo aysan dhibaato ka jirin.

Ciidammada Ethiopian-ka ah ee goobtaas ku sugan ayay sheegeen dadka inay saakay ahaayeen kuwo feejignaan dheeraad ah muujiyay, iyadoo dadka goobahaas maraya si weyn isha ugu gubayay, mana jirin wax baaritaanno ah oo ay ku sameynayeen.

Goobtaan xalay weerarka lagu qaaday ayaa ah meel u jirta qiyaastii 300-tallaabo hoyga uu daggan yahay Jeneraalka haysta ciidammada Ethiopia ee ku sugan Somalia, waxaana ka hore lagu weeraray gurigaas gaari miinaysan oo ku qarxay meel albaabka guriga u jirta qiyaastii 50-tallaabo, iyadoo qaraxaas uu dhaliyay dhimashada dhowr askari oo ku suganaa koontaroolka gaariga lagu istaajiyay.

Januune Geedi
Muqdisho, Somalia
januune46@hotmail.com  


Muqdisho xaley iyo saakey oo ay ka dhaceen iska hor imaadyo sababey dhimasho iyo dhaawac dad rayida ...
   
Agoosto 22 - 2007 Cowslafil , Mogadishu, Somalia .
 

Muqdisho ayaa waxaa xalay ka dhacay weeraro xooggan oo lagu qaaday fariisimo ay ciidamada Somaliya iyo kuwa Itoobiya ku leeyihiin magaalada Muqdisho guryo ay degan yihiin qaar ka mid gudoomiyashasha degmooyinka gobolka Banaadir

Weerarka ugu xoogana ayaa xalay ka dhacay Ex-xaruntii ciidanka guulwadayaasha ummadda ee degmada Howlwadag, Shiirkole ee magaalada Muqdisho halkaas oo ay degan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa Soomaaliya ka dib markii ay kooxo hubeysan oo aan la garaneyn ku soo qaadeen weerar aad u xoog badan, waxaaana halkaasi muddo saacad ka badan ka soconeysay tacshiirad xoogan oo mararka qaarkood laga dhex maqlayey qarxyada bambooyinka iyo baasukeyaasha.

Dadweynaha ku dhaqan deegaanada ka ag dhow Ex-xeradii guulwadeyaasha ummada oo aheyd goobta uu xalay iska horimaadku ka dhacay ayaa ka argagaxay, iyadoo guryaha qaarkoodna laga maqlayey sawaxanka caruurta ka baqeysa dhawaqa rasaasta iyo madaafiicda la isku adeegsanayey, lamana oga ilaa hadda wax qasaare oo soo kala gaaray labadaii dhinac ee is hardiyey iyo dadka rayid ah goobahaasi ku noolaa.

Sidoo kale Isla xalay ayaa kooxo hubeysan oo aan la garaneyn waxay ku dileen degmada Yaaqshiid ee magaada Muqdisho nin la sheegay inuu ahaa arji qore xilli uu ku sii jeeday gurigiisa lamana garanayo ilaa hadda cida dilkiisa ka dambeysa waxa loo dilay, sidoo kale waxaa saaka lagu dilay deegaanka Fagax ee isla degmada Yaaqshiid nin la sheegay inuu ka tirsanaa nabad suqida Qaranka Soomaliyeed kaasoo ay rasaas ku fureen kooxo hubeysan oo aan la ogeyn waxa ay yihiin.

Waxaa sidoo kale bam gacmeed lagu weeraray fiidnimadii xalay guriga uu degan yahay guddoomiyaha degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho Axmed Daaci ma jirto cid wax ku noqotay gudoomiyana waa uu ka badbaaday weerarkaasi iyadoo kooxihii weerarkaasi geystayna ay goobta ka baxsadeen.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in saakey nin sarkaal ka haa ciidamad Dowlada Soomaliya lagu toogtey agagaarka fagax oo uu gurigiisa u dhawaa kaas oo aan la sheegin qeybta uu ka tirsanaa balse ay toogteen rag Bastoolad ku hubeysan oo aan la garan heytooda.

Januune Geedi
Muqdisho, Somalia
januune46@hotmail.com  


Qarax iyo rasaas ka danebysey oo ay fureen ciidamada Ethiopia saakey oo qof ku dhintey 5 kalena ku dhaawacantey ...
   
Agoosto 22 - 2007 Cowslafil , Mogadishu, Somalia .
 

Ruux Haween ah ayaa ku dhimatay 5 kalena wey ku dhaawacantey saakey rasaas ay fureen ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugnaa deegaanka Suuqa Xoolaha ee magaalada muqdisho ama marayey, qarax loo adeegsaday bam gacmeed lala beegsaday sida ay sheegayaan dad goob joogayaal ah oo ku sugnaa goobtaasi markii uu qaraxu dhacayey.

Qaraxan lala beegsaday ciidamada Itoobiya iyo rasaasta ka dambeysay ee dhimashada iyo dhaawaca keentay ayaa timid ka dib markii ciidamada Itoobiya oo ku hubeysan gawaarida dagaaalka ay saaka yimaadeen Suuqa Xoolaha iyagoo amar ku siinayey ganacsatada iney xiraan goobahooda ganacsiga iyadoo aan la garaneyn sababta keentay iney amarkaasi bixiyaan.

Wararka ayaa sheegaya in haweeneyda geeriyootay ay ka mid aheyd dadkii suuuqaasi ka dukaameysanayey, iyadoo 5-ta qof ee ku dhaawaacantay rasaasta ciidamada Itoobiyaanku ay fureena oo 3 ka mid ah ay haween ahaayeen loola cararay isbitaalada magaalada Muqdisho, waxaana imika degan xaalada goobtaasi inkastoo ay xiisado ka jiraan.

Deegaanka Suuqa Xoolaha iyo deegaanada la xiriira sida Ex-koontrool Balcad iyo SOS ayaa habeenimadii xalay iyo habeen hore xasiloonaa ka dib markii habeenadii ka sii horeeyey ay ka dhaceen iska horimaadyo aad u culus oo kooxo hubeysan oo aan la garaneyn ay la beegsadeen fariisimada ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ay ku leeyihiin degaanadaasi, waxaana goobahaasi ay yihiin meelaha ugu badan ee qaraxyada iyo iska horimaadyadu magaalada Muqdisho, iyadadoo intii badneyd dadkii degenaa ay horeyna uga qaxeen.

Januune Geedi
Muqdisho, Somalia
januune46@hotmail.com  


Buur hakaba oo Gudoomiyaheedii lagu xirey baydhabo saldhigana ku baryey ...
   
Agoosto 22 - 2007 Cowslafil , Mogadishu, Somalia .
 

Habeenkii xalay ayuu ku baryey saldhig ku yaala magaalada Baydhabo gudoomiihii degmada Buur hakaba ee isla gobolkaasi Maxamed Cabdi Xuseen (Abakaarey) ka dib markii ciidamo ka tirsan dowladda federaalka ay galabnimadii shalay kala baxeen gurigiisa oo ku yaala Buur hakaba sida lagu helayo wararka halkaasi ka imanaya.

Guddoomiyaha oo la sheegay inuu ku xiran yahay xabsiga saldhiga magaalada Baydhabo ayaan la garaneyn ilaa hadda ujeedada ka dambeysa xarigiisa, iyadoo mar wax weydiiyey arintaasi mas'uuliyiinta nabadgelyada iyo saraakiisha ciidamada ee gobolkana ay ka gaabsadeen iney faahfaahin ka bixiyaan, waxaaana xariga guddoomiyaha loo geystay ka xumaaday dadweynaha ku dhaqan degmada Buur hakaba.

Waxgarad iyo odayaal ka soo jeeda deegaanka Buur hakaba ayaa magaalada Baydhabo ka bilaabay dedaal ay ku doonayaan iney xabsiga uga sii daayaan guddoomiyiihii degmadaas Maxamed Cabdi Xuseen (Abakaarey), waxaana magaalada Baydhabo ka socda kulamo arintaasi la xiriira oo odayaashu ay la leeyihiin qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada iyio mas'uuliyiinta dowladda ee halkaasi ku sugan, kuwaasoo la filayo in saacadaha soo socda ay natoojiyinka soo baxaan.

Januune Geedi
Muqdisho, Somalia
januune46@hotmail.com  

 


Somali News.
Dastuurka...

Shir Looga hadlayey.

TFI Somali Republic.

Xaflad Balaaran oo

Xaflad Balaaran oo lagu xusayey Munaasabada 1Luulyo..


Khudbad uu soo ..


Heshiis Khartuum.

Soora Lo,Anella.

Xaflad Balaaran.

Xaflad Soo Dhoweyn