Qorshaha cusub ee horumarinta
ING Jiin oo laga warbixiyay,

.JPG)
Wakiilka NGO Jiin Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada
Hoose Bashiir Sheekh Nadiir ayaa sheegay in NGO gaan
oo xaruntiisa wayni tahay Magaalada Nayoopi ee dalka
Keenya lana aasaasay 2006ii uu ilaa iyo hadda ku guulaystay
in uu bulshada u qabto mashaariic wax tar wayn leh.
.jpg)
Bashiir oo faahfaahinayay arrimahaasi ayaa sheegay in
mashaariicdaan oo si gaar ah loogaga hirgaliyay Tuulada
Bandar jadiid ee Degmada Jamaame una jirta 7 Km ay ka
mid yihiin Xarun caafimaad oo ka kooban 8 qol kalana
ah qaybta dhaqtarka.jiifka.bukaan socod eegtada,qaybta
dhalmada iyo ,farmasiga
.jpg)
Wakiilku wuxuu kaloo sheegay in mashaariicdaasi ay ka
mid yihiin ,qaybta Iskuulka oo ka kooban 4 fasal oo
dugsiga Hoose ah waxna ay ka bartaan waqtigaan 120 arday
kuna qaataan luuqadaaha Soomaaliga iyo Carabiga daruus
aqooneed kala duwan.
.jpg)
Wakiilka NGO.ga Jiin Degmada Gobolka Jubbada Hoose Bashiir
Sheekh Nadiir waxaa kaloo uu sheegay in mashaariicda
ay muddadaasi hirgaliyeen uu ka mid yahay Masaajid wayn
oo Jaamac ah markiina ay ku tukun karaan 600 oo qof.,iyadoo
uu jiro ceel biyaha loogaga soo saaro mashaariicdaasi
iyo tuuladaba oo uu matoor saran yahay.
Wakiilka oo sii ambo qaadayay mashaariicda NGO.gaasi
Jiin ayaa sheegay in ay ka mid yihiin 6 beerood oo waa
wayn isku gayntooduna ay dhan tahay 2000 oo hektar,iyadoo
qorshuhu yahay in xilligaan qaab waraab ah loo diyaariyo
1000 hektar haatanna ay diyaar san yihiin Baldoosar
D6 ah ,cagafyo 2 ah iyo 2 kale oo hadda la sugayo in
ay soo dagaan iyo waliba hal cagaf oo ah Deetel ee nuucii
Ruushka.
.jpg)
Wakiilka NGO Jiin oo ka jawaabayay su.aal ahayd tirade
dhaqaalaha ku baxa mashruucaasi iyo cidda gacanta ka
siisaba ayaa sheegay in ay ku baxday ilaa iyo hadda
dhaqaale ka badan $ 137.000 oo doolarka oo caddaan ah
oo aysan ku jirin kharashyo intaasi ka sii badan,isagoo
intaasina ku daray in ay gacan siiyaan mashaariicda
NGO-gaaasi dad mucsinaad ah oo aan doonaynin in magacooda
la sheego.
.jpg)
Wakiilka NGO Jiin ee Degmada Jamaame Bashiir Sheekh
Nadiir ayaa ka jawaabay su,aal kale oo ahayd xiriirka
ay la leeyihiin hay.adaha Caalamiga ah ee howlaha dalka
gacanta ka gaystaan ayaa ku sheegay in ay ka mid yihiin
midoowga NOG-yada kana diwaan gashan Magaalada Nayroopi
hadda laga biaabana ay filayaan in ay gacan ugaga helaan
sidii mashaariicdaasi shacbiga loogugu adeeyo loo sii
horumarin lahaa.
.jpg)
Waxaana jirey sida uu xaqiijiyey Bashiir Shiikh Nadiir
waxaa la gaarey Heshiis lagu taagerayo NGO-gaan iskiis
isku maal galaiyey ee jiin waxaana halkaas ay ku qeysadeen
Lagaqo iyagoo sidaan iskugu qorey
11 beelood oo Reer Faqi Cuma Ah Waxayna kala yihiin:
1. Reer Aw-Caalin
• Buulle Abdi Barre ( 2500 U$) -------------------------------------
• Cabdullaahi Dhaqane ----------------------------------
2. Reer Xaaji Caballe
• Sheekh Bashiir Siid-Abdulqaadir ( 2500 U$) ----------------------
• Bashiir Sheekh Nadiir ---------------------------------
3. Reer Sama-fale
• Ugaas Saalax Abdinuur ( 2500 U$) ---------------------------------
• Macallim Maxamed ----------------------------------------------
4. Reer Aw-macallin
• Ibraahim Sheekh A/raxmaan ( 2500 U$) -----------------------------
• Axmed Sheekh A/raxmaan ---------------------------------
5. Reer Aw-Heeraar
• Siyaad Maxamed Axmed ( 2500 U$) ---------------------------------
• Axmed C/raxmaan Gaabane -----------------------------------
6. Reer Aw-Cusmaan
• Sheekh-Nuur Cusmaan Aadan ( 2500 U$) --------------------------
• Maxamed Cali Daahir ------------------------------------
7. Reee Cumar Faqi Walaal
• Macallin Xuseen Sh.C/raxmaan ( 2500 U$) -------------------------
• Abdi Xaashi Axmed Buulle ---------------------------------
8. Reer Aw-Amiin
• Xaaji Cali Xaaji Cumar - ( 2500 U$) -----------------------------
• Bashiir Xaaji Cusmaan ---------------------------------
9. Reer Abiikar Faqi Walaal
10. Reer Muxumad Yare
11. Reer Faqi Yaxye
(Taasoo lagu iibiyay Beer ku taallo Jamaame oo sadaqo
Jaariya ah.)
UJEEDO: HESHIIS KA FAA’IIDEYSI SADAQO JAARIYA
AH.
Waxaa maanta oo Talaado ah, Bishuna ay tahay 29/07/2008
Saacaddu markay ahayad 11:00am, kulan ku yeeshy magaalada
Nairobi-Kenya, dhammaan Ugaaska, culumaa’uldiinka,
waxgaradka, aqoonyahannada, ganacsatada, nabadoonadda,
odayaasha,dhallin-yarada iyo qeybaha kale ee bulshada
beesha.
Kulankaas oo looga hadlay sidii ay beesha ula soo wareegi
laheyd beer bedkeedu gaaraayo 300 Hectar ( Saddex Boqol)
oo ku taalla tuuladda Bandar-Jadiid ee degmada Jammaame
gobolka Jubbada Hoose.
Beertaas oo qiimaheedu gaaraayo 40.000 US $ (Afartan
Kun ee Doolarka Mareykanka), Haddana laga haayo 20.000
US $ (Labaatan Kun) oo ay bixiyeen dad samafalayaal
ah, ayaa waxaa laysku afgartay oo layskuna raacay inay
ganacsatada reer Nairobi bixiyaan 20.000-ka KunUS $
ee harsan.
Beertaasuna ay noqoto Sadaqo Jaariya ah oo ay ka wada
faa’ideystaan dhammaan dadka beesha ku abtirsada.
Waxaa sidoo kale si buuxda loogu heshiiyay in dhulkaas
iyo dhul beereedka kale ee horay loo soo wareejiyay
ay beeshu si siman ugu wada faa’ideystaan wax
soo saarkana si caddaalad ahna ay dhulkaas u qaybsadaan,
ayadoo mas’uuliyaddaas ay dusha ka saarantahay
cidda maamulka beerta gacanta ku hasa.
Ugu dambeyntii waxaa halkaa laysku wada raacay, in
xubin ama qofkii beertaas qayb ka helo uu asagu u madaxbannaan
yahay inuu ku beerto dalaguu door-bido, sida:- Khudradda,
Galleey, Masago, Geed Mirrod, ayaa waxaa ka reeban xubnaha
beerta inay cid kale ku wareejiyaan beertooda ama sii
iibsadaan haday iyagu a maarmaan.
Waxaa fadigaas lagu so qabagabeeyay ayadoo lays faray
cabsida Eebe iyo in laysugu kaalmeeyo wanaagga &
samafalka loona kaco sidii loo gargaari lahaa dadka
dhibaataysan.
Dhanka kale Heshiiskaan ayaa waxaa markii danbe la
isku Afgartey in lacagta halkaan ku qoran laga reebo
10.000 $ doolar ah oo waxaa lagu soo koobey 30.000.
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
Wixii Faahfaahin Ah ee
intaas dheer ama Xaqiijin ah Waxaad kala xiriiri kartaa
TelKa Bashiir Shiikh Nadiir oo ah 002521-5514454
cowslafil,news,network
(CNN).
email:
cowslafil@cowslafil.com.